30 August, 2009

UDUB oo Caddeeyey in aanay Aqbali Doonin Dawladda Wadaagga ah ee Xisbiyada Mucaaradku ku Baaqeen

UDUB oo Caddeeyey in aanay Aqbali Doonin Dawladda Wadaagga ah ee Xisbiyada Mucaaradku ku Baaqeen

"Xisbiga KULMIYE waa xisbi miisaaman, Axmed-siilaanyo-na waa nin daacad, aqoonyahan iyo siyaasi ah, aniguna waan la jecelahay inuu Madaxweyne noqdo"

Afhayeenka xisbiga UDUB Mr. Cali Guray

Hargeysa (Jam)- Afhayeenka xisbiga talada haya ee UDUB Mr. Cali Guray, ayaa shaaca ka qaaday inuu yahay Axmed-siilaanyo siyaasi daacad ah oo miisaan culus ku dhex leh Somaliland, sidaa darteedna la jecel yahay inuu ku guuleysto madaxtinimada dalka, balse wuxuu sheegay in afar nin oo ku hareeraysani majaro-haabinayaan.

Sidaana waxa uu kaga dhawaaqay shir-jaraa'id oo ay xalay ku qabteen xafiiska xisbiga UDUB, waxaanay sheegeen in aanay aqbali doonin dawladda wadaagga ah ee axsaabta mucaaradka ku doodayaan, isagoo xisbiyada mucaaradka ku eedeeyey in aanay doorasho doonayn, balse doonayaan dawlad-wadaag ah oo maamulka dalka kula qaybsadaan.

Shirkaa jaraa'id oo uu Afhayeenka ku wehelinayey Xoghayaha Guud ee UDUB, ayuu Cali-guray ku sheegay in aanay marnaba xukuumaddu aqbali doonin in nin suuqa laga keeno xukunka la qaybsan doonin, isaga oo shirkaa jaraa'id kaga hadlay Golaha Wakiillada oo uu ku eedeeyey in aanay dhexdhexaad ahayn oo ay u janjeedhaan labada xisbi mucaarad.

Waxa kale afhayeenku sharci-darro iyo caddaalad-darro ku tilmaamay anshax-marintii lagu sameeyey xildhibaannada UDUB ee qaska ka sameeyey Golaha Wakiillada, isaga oo taageeray mudaharaadkii ay sameeyeen shacbiga reer Somaliland, isaga oo ku tilmaamay inuu yahay qodob dastuuri ah, balse aanay xukuumaddu ahaynin wixii lagaga hortagi lahaa mudaharaadyada, ciidankeenuna aanay lahayn tababar fiican.

"Shacabka waxa xaq loogu leeyahay keliya in cod wax lagaga doono, waa in laga daayaa hadidaada, xisbiga KULMIYE waa xisbi miisaaman, Axmed-siilaanyo-na waa nin daacad, aqoonyahan iyo siyaasi ah, aniguna waan la jecelahay inuu madaxweyne noqdo, balse waxa jira dhowr nin oo ku xeeran oo talada seejinaya, kuna guuraya, hadday xukun qabsadaana isaga daaqadda ka tuuraya oo doonaya dawlad wadaag ah oo waxay doonayaan u soo maraya," ayuu yidhi Cali-guray.



Jamhuuriya Online

No comments: