22 August, 2009

GOBALADA TOGDHEER IYO SANAAG OO DEGMO WALBA LAGA DHIGAY BANAANBAX.

Burco Iyo Ceerigaabo: Taageerayaasha Xisbiyada Mucaaradka Oo Ka Sanqadhiyey Isu Soo-Bax Laxaad Leh

 

Burco, August 21, 2009 (Haatuf) - Hogaamiyayaasha iyo taageerayaasha xisbiyada mucaaradka ee UCID iyo KULMIYE ayaa isu soo-bax balaadhan ka sameeyey magaalada Burco ee xarunta gobolka Togdheer iyo guud ahaan gobolka Togdheer, iyadoo ay boqolaal kun oo dadweynaha reer Burco ahi si weyn u muujiyeen dareenkooda ku saabsan talaabooyinkii ay dhowaan ku dhaqaaqday xukuumadda madaxweyne Rayaale ee dalka geliyey khilaafka iyo murugga siyaasadeed.

 

 Sida uu ku soo waramay weriyaha Haatuf ee gobolka Togdheer Axmed A. Yuusuf isu soo baxa maalintii shalay ka dhacay magaalada Burco ee ay sameeyeen taageerayaasha xisbiyada mucaaradku waxa uu ahaa kii ugu balaadhnaa, uguna sanqadh badnaa ee weligii ka dhaca magaalada Burco iyo guud ahaan gobolka Togdheer, wuxuuna isu soo baxani kaga duwanaa isu soo baxyadii hore, iyadoo ay taageerayaasha labada xisbi ee mucaaradka ahi si wada-jir ah u sameeyeen isu soo baxa.

Subaxnimadii hore ayey kumanaan dad ah oo ka tirsan taageerayaasha labada xisbi ee UCID iyo KULMIYE isa soo dhoobeen fagaaraha Khayriyadda ee magaalada Burco, iyadoo dhinaca kalena ay xukuumaddu fagaaraha khayriyadda soo dhoobtay ciidamo tiro badan oo isugu jira Bilays iyo Milateri, ciidamadaas oo markii hore loogu talo galay in lagu hor-joogsado isu soo baxa ay xisbiyada mucaaradku ku baaqeen, sidaa darteedna ciidamada lagu amray inay fagaaraha khayriyadda ka horjoogsadaan inay dadku isugu yimaadaan. Hase yeeshee taasi may suurtagelin, ka dib markii ay halkaa isugu soo baxeen boqolaal kun oo dadweyne ahi, taas oo ay ciidamadu u babac-dhigi kari-waayeen inay horjoogsadaan, dabadeedna waxay maamulayaasha xukuumadda ee gobolka iyo ciidamadooduba ku itaaleen keliya inay qafishaan qolka maamulka ee fagaaraha khayriyadda, oo la dhigo kuraasta loogu talo galay minbarka khud-badaha, balse looma muctaadin ee madaxda iyo taageerayaasha xisbigu waxay gebi ahaanba qabsadeen fagaaraha khayriyadda, waxayna markiiba bilaabeen khud-badihii ay munaasibadda ugu talo galeen iyo barnaamijyadoodii isu soo baxa, waxaana ka mid ahaa masuuliyiinta la hadashay dadweynihii halkaa isugu soo baxay labada gudoomiye gobol ee labada xisbi ee UCID iyo KULMIYE      Cismaan Ibraahin Nuur iyo Sahal Aadan Maxamed, waxayna guul-darro ku tilmaameen dariiqa uu hayo iyo sida u dhaqmayo madaxweyne Rayaale, iyagoo xukuumadda dalka ka jirtana ku tilmaamay mid aan u tudhayn dadkeeda iyo dalkeed oo xishoodka siyaasaddu ka maqan yahay, hase yeeshee bay yidhaahdeen wax soconaya ma aha cabudhinta ay xukuumadda dalka ka jirtaa dhaqanka ka dhigatay.

 

Waxay masuuliyiinta xisbiyada mucaaradku sheegeen inuu badhasaabka gobolka Togdheer Jaamac C/laahi 24-kii saacadood ee u dambeeyey tiroba u soo qoray 4 warqadood oo is-burinaya, taasina ay muujinayso bay yidhaahdeen karaamada darrada xukuumadda dalka ka jirta.

“Anagu hadii aanu nahay xisbiyada mucaaradka waxaanu diyaar u nahay doorasho u dhacda si xor iyo xalaal, waxaanuna qaadan karnaa oo ku dhaqmaynaa natiijadii diiwaangelinta ka soo baxday” ayuu yidhi gudoomiyaha gobolka ee Kulmiye.

“Shuruucda dalka ee ka soo baxa golayaasha sharci-dejinta ma laali karaan komishanka iyo xukuumadda midna, xukuumadduna Daahir Rayaalena sharciga way ka talowday”ayuu isna yidhi gudoomiyaha gobolka ee xisbiga UCID, waxayna ka digeen cawaaqibka ka iman kara hadii ay xukuumadda madaxweyne Rayaale dib uga joogsan waydo ku tumashada sharciga iyo cabudhinta dadka.          

“Xisbi ahaan ka qayb geli mayno doorasho aan diiwaangelin lahayn”ayuu intaa ku daray gudoomiyaha UCID ee Burco.

Waxa kale oo isna ka mid ahaa masuuliyiintii halkaa ka hadashay Cali Siciid Raygal oo ka mid ah gudiga fulinta ee KULMIYE, isagoo sheegay inay xukuumadda dalka ka jirtaa sharciga ka talaabsatay. Hase yeeshee markii ay khud-badihii dhamaadeen waxay masuuliyiinta xisbiyada mucaaradku dadweynihii isu soo baxay ugu baaqeen inay si nabadgelyo ku maraan shaaricyada magaalada oo ay dareenkooda muujiyaan, taas oo ay dadweynihii tirada badna ee isu soo baxay socod nabadgelyo ah ku mareen wadooyinka magaalada, mana jirin wax dhibaato ah oo dhacay haba yaraatee, dabadeedna aakhirkii taageerayaasha labada xisbi waxay qolo waliba tagtay xarunta xisbigooda halkaas oo ay batar iyo cayaar ka tunteen.

 

Dhinaca kalena markii uu dhamaaday isu soo bixi magaalada kooxo ka kooban masuuliyiinta iyo hawl-wadeenada KULMIYE oo uu horkacayo Eng. Cali Siciid Raygal oo ka tirsan guddiga fulinta Kulmiye ayaa u kolonyeystay dhinaca magaalada Caynabo halkaas oo ay kaga qayb galeen isu soo bax ay sameeyeen taageerayaasha mucaaradku, waxaana masuuliyiintii fagaaraha isu soo baxa Caynaba ka hadashay ka mid ahaa Cali Siciid Raygal oo yidhi “xukuumadda dalka ka jirta ee ku socoto wadadii kelitaliska waxay maanta dhamaan ummadda reer Somaliland muujiyeen cudud ay ku xaqiijinayaan inaanay ciddina is-hortaagi karin rabitaankooda, sidaa darteed waxa loo baahan yahay inay doorashadu dhacaysona ay codkooda u muujiyaan siddan oo kale”.

Waxa kale oo uu Cali Siciid Sheegay in hadii uu xisbigoodu talada qabto ay isbedel weyn ku samayn doonaan xaaladda dalka oo ay siddan u dhaami doonaan.

Waxa kale oo iyaguna halkaa ka hadlay xubno ay ka mid yihiin gudoomiyaha xisbiga Kulmiye ee  Caynaba, Saleebaan Cabdi Dirir iyo xubno kale oo kala ah, Cawil Xaaji Aadan iyo Maxamud Axmed Xirsi iyo sidoo kale gudoomiyaha Kulmiye ee Togdheer Sahal Aadan oo ka mid ahaa weftiga ka qayb galay banana-baxa Caynaba.

Sidoo kale kumanaan ka tirsan taageerayaasha labada xisbi Qaran ee kulmiye iyo UCID ayaa markii loo diiday inay dareenkooda iyo shucuurtoodaba si salmiya ugu muujiyaan fagaaraha Beerta Nuura ee magaalada Ceerigaabo, ayaay si salmiya ugu soo wareegeen daafaha magaalada Ceerigaabo, taas oo ay tageerayaasha iyo labada Gudoomiye Gobol ee Xisbiyada mucaaradku ee UCID iyo kulmiye ay sida mawjadaha bada u dhex qaadayeen wadooyinka iyo Shaaricyada Magaalada Ceerigaabo, iyadoo ay hareera marayaaan Ciidamada Amniga oo markii hore ka hor joogsaday inay Galaan Beerta Nuura ee Magaalada Ceerigaabo.

 

Sida uu Haatuf ugu soo waramay wariyaha u jooga gobolka Sanaag Maxamuud Siciid Ducaale.

Taageerayaasha labada xisbi ayaa waxay siteen boodhadh ay ku Qoran yihiiin erayo iyo halku dhegyo ay ku muujinayaan Dareenkooda ku Saabsan xaalada Maanta Dalku ku jiro iyo siyaasada Cakiran Waxaana ka mid ahaa erayadaasi ay ku muujinayeen dareenkooda “Xukuumadu Haku Soo Noqoto Xayndaabka Sharciga.  Koomishanku Dhex Dhexaad Ha Noqdo iyo erayo kale”.

Banaan Baxan ay shalay tageerayaashu ku muujinayeen mawqifka ay ka taagan yihiin diiwaangalinta ay laaleen xukuumada iyo koomishanku, ayaa wuxuu ahaa banaan-bixii ugu weynaa uguna tirada badnaa ee abid ka dhaca magaalada Ceerigaabo.

tageerayaasha iyo madaxda labada xisbi qaran ayaa waxay yimaadeen fagaaraha khayriyada ee magaalada Ceerigaabo halkaas oo ay gudoomiyaasha iyo saraakiisha heer gobol ee xisbiyadan Kulmiye iyo UCID uga jeediyeen khudbado Dhaadheer oo Saacado Qaatay, banaanbaxan oo xukuumada Riyaale isku dayday inaay joojiso ayaaa ahaa mid ay ku Guuldaraaysatay joojintiisa, iyadoo Badhasaabka Gobolku habeen hore saqdii dhexe ugu Geeyey Guryahooda labada Gudoomiye gobol ee UCID iyo Kulmiye Axmed Siciid (kulmiye) Xasan iyo C/laahi Axmed Daamur (Ucid) waraaqo lagu amrayo in aanay Subaxnimada banaan bixi Karin oo aan loo ogolayn.

Waxa sidoo kale laga banaan-baxay Tuulooyinka iyo Dergmooyinka Gobolka Sida degmadada Ceel-Afdwaayn, Badhan, Dhahar, Hadaaftimo, Xiis, Maaydh Gar-adag iyo Yufle.

 

HAATUF


 

 

No comments: