22 August, 2009

Boorame Iyo Laas-Caanood: Taageerayaasha Xisbiyada Mucaaradka Oo Loo Awood Sheegtay

Boorame Iyo Laas-Caanood:  Taageerayaasha Xisbiyada Mucaaradka Oo Loo Awood Sheegtay, Xadhigna Lagala Ayaansadday

 

Boorame/Laascaanood, August 21, 2009 (Haatuf)- Maamulayaasha xukuumadda Somaliland ee gobolka Sool oo uu horkacayo badhasaabka, Cali Sandulle ayaa xadhig iyo cago-juglayn kala ayaansaday hawl-wadeenada iyo taageerayasha xisbiyada mucaaradka ee UCID iyo KULMIYE waxaana la sheegay inay dad badan oo taageerayaasha mucaaradka ah halkaa ku xidh-xidheen oo xabsiga u taxaabeen, ka dib markii uu badhasaabku amar ku bixiyey in la xidh-xidho,waxaana ka mid ah dadka la xidh-xidhay gudoomiyaha Kulmiye ee gobolka Sool, Ducaale Cali Warsame, kuxigeenkiisa Maxamed Ismaaciil Cilmi, xoghayaha Kulmiye Jaamac Dheeg, gudoomiyaha garabka dhalinyarada Kulmiye Sahra Saleebaan. Sidoo kale waxa isna la xidhay gudoomiyaha UCID Khadar C/laahi iyo kuxigeenkiisa Faarax iyo xog-hayaha UCID Mr. Cawil. Sidoo kale waxa xabsiga loo taxaabay taageerayaal badan oo isugu jira Kulmiye iyo Ucid oo laga qab-qabtay xafiisyadooda, waxaana la sheegay in sababta xadhiga loola beegsaday ay tahay, iyadoo laga hortegayey isu soo bax ay ku talaabsadaan taageerayaasha xisbiyada mucaaradka ee gobolka Sool.

 

Sidoo kale hawl-wadeenada iyo taageerayaasha xisbiyada mucaaradka (UCID & KULMIYE) ee gobolka Awdal ayaa xadhig, garaacis iyo cadaadis kala kulmay maamulayaasha xukuumadda, hase yeeshee isu soo bax ayaa shalay ka dhacay xarunta xisbiga KULMIYE ee Boorame, halkaas oo ay hadallo ka jeediyeen madaxda xisbiga KULMIYE ee Awdal, waxaase meesha laga saaray taageerayaasha UCID, oo lagu yidhi maalintiinii ma aha.

Hawl-wadeen xisbiga Kulmiye ee gobolka ee Awdal u qaabilsan abaabulka oo magaciisa la yidhaahdo Axmed Yuusuf Faarax ayey ciidamada amnigu inta ay garaaceen xabsiga u taxaabeen, waxayna taasi kaga cadhaysiisay dadkii isu soo baxay, waxaana halkaa ka dhashay xamaasad iyo sawaxan.

Sida uu ku soo waramay weriyaha Haatuf ciidamo tiro badan oo kuwa amniga ah ayaa gaaf-wareegaya agagaarka goobta ay dadku isugu soo baxeen, kuwaas oo ilaalinayey dhaqdhaqaaqa dadka, iyadoo ay maamulayaasha xukuumadda ee gobolka Awdal inta badan u awood sheegtaan hawl-wadeenada iyo taageerayaasha mucaaradka.

 

Ugu horayn waxa isu soo baxaa ka hadlay wakiilka Kulmiye ee gobolka Awdal, Ibraahin Aadan Qaalib, waxaana hadaladiisa ka mid ahaa “waxaynu isugu soo baxnay inaynu qaadacno doorashooyinka aan diiwaangelinta lahayn, iyadoo uu wasiirka daakhiligu na siiyey fasax aanu ku hadallo oo aanu isugu soo baxno khayriyadda ayaa waxa ka awood roonaaday taliyaha saldhigga bilayska, waana nalaga horjoogsaday khayriyadda, gobolkani waa ka duwan yahay gobolada kale, gobolka Awdal-na waa gobol xisbiyada mucaaradka lagu cabudhiyo”.

Waxa kale oo isna halkaa ka hadlay Axmed Muxumed Geelle Dacar oo yidhi Waxa na haysta  culsy badan haddaanu nahay kulmiye, doorasho diyaarbaa loo yahay, marka laga dad bato xisbiga UDUB  looma baahna inay dalka qasaan. Waxaad mooddaa in gobolka Awdal laga dhigayo gobol keliya oo dad gaar ahi deggen yihiin, waxaan leeyahay halaga daayo cagajuglaynta  xisbiga Kumiye ee Gobolka Awdal dadka xidhanna hala soo daayo”.

Waxa kale oo isna halkaa ka hadlay suldaan Daahir Cismaan, waxaana hadalladiisa ka mid ahaa “qaar baa ku khud-badeeya diiwaangelinta ayaa la inagu yaraynayaa, taa waxaan leeyahay beelaha kale ayaa la inagu dirayaa, taana xaal baan ka bixinayaa, raggu marna waa is-dilaa, marna waa heshiiyaa, Awdal Somaliland baa lagu dhisay, Rayaale ayaa ka madax ah, ma doonayno inay gacanta nin reer Awdal ah ku burburto, ciidankan qaf-qaf leh waxaan leeyahay iska daaya waxaad wadaan, mana aha in qoryihii aanu inamadayada ku qaramaynay in naloogu hanjabo, raggii ay xabaddu ku fakatay anaga ayaa magtoodii bixinay, dawlad bixinaysaa ma jirto, qaran damaanad qaadayaa ma jiree, inamadu gacantooda ha ilaaliyeen, raga la xidh-xidhay hala soo daayo”.

 

Inkasta oo ay taageerayaasha xisbiga Kulmiye ee shalay isu soo baxay xamaasad muujiyeen, hadana waxa meesha ka maqnaa madaxdii sare ee xisbiga Kulmiye, taas oo la filayey inay taageerayaashooda gobolka kala qayb galaan isu soo baxa. Waxa kale oo ay cabsi badani ka muuqatay madaxda iyo hawl-wadeenada xisbiga Kulmiye, kuwaas oo ka baqayey ciidamada lagu gadaamay iyo cududda milateri ee ay xukuumaddu u sheeganayso, waxaana awood loo sheegtaa, culaysna la saaraa cidkasta oo laga dareemo inay u hanqal-taagayso taageerada xisbiga Kulmiye.

Dhinaca kalena waxa maalintii doraad la xidh-xidhay masuuliyiin iyo hawl-wadeeno ka tirsan xisbiga UCID, kuwaas oo  markii dambe la soo daayey, waxaana lagu war-geliyey inaanay qolada UCID ka qayb geli karin isu soo baxa, taas oo ay maamulayaasha Awdal ku war-geliyeen taageerayaasha mucaaradka inuu xisbi waliba maalinta komishanku siiyey gooni u qabsado isu soo bixiisa, laakiin meel isugu iman karin, taas darteedna markii dambe taageerayaasha Kulmiye loo fasaxay inay isu soo baxooda ku qabsadaan xafiiskooda, balse aanay tegi karin fagaaraha khayriyadda, halka ay taageerayaasha gobolada barigu xoog iyo cudud ku banaysteen fagaarayaasha khud-badaha, taas oo ay ciidamada amnigu dhinac uga leexdeen markii ay xammili-waayeen cududda taageerayaasha mucaaradka.

 

HAATUF

 

No comments: