22 August, 2009

SOMALILAND: DIBAD-BAXYADII UGU BALAADHNAA ABID OO GILGILAY XUKUUMADDA RIYAALE.

 

            Dibad-Baxyadii Ugu Balaadhnaa Oo Taageerayaasha Xisbiyada Mucaaradku Isugu Soo Baxaan Mar Kaliya Magaalooyinka Dalka Oo Gilgilay Xukuumadda Rayaale

 

“Qofkii Xaaraan Cuna Way Ku Soo Bixi Doontaa, Laakiin Waxaan Leenahay Naga Tag, Ha Tago UDUB Ha Naga Tagto, Midnimada Somaliland Ha Adkaato” Eng: Faysal Cali Waraabe

“Somaliland Laba Goor Bay Khaldantay Mar Waxay Ahayd Markii Ay Xamar Xoriyaddeedii Ku Darsatay, Khaladka Labaadna Waxay Gashay Markii Ay Ina Rayaale Dooratay”Muuse Biixi Cabdi

“Waxay Shacbiga Somaliland Iyo Taageereyaashayada Gobolada Dalku Ay Isugu Soo Baxeen Sidii Ay U Xaqiijin Lahaayeen Inay Taageeraan Go’aankii Golaha Wakiilada Somaliland, Isuna Hortaagaan Waxa Sharci Darrada Ah Ee Ay UDUB Samaysay” Axmed Siillaanyo

 

Hargeysa, August 21,2009 (Haatuf) - Kumanaan qof oo ka mid ah taageereyaasha xisbiyada mucaaridka ah ee KULMIYE iyo UCID ayaa shalay  banaan baxii ugu balaadhnaa  isugu soo baxay Magaalooyinka waaweyn ee dalka, kuwaas oo muujinayey sida ay uga soo horjeedaan go,aankii ay Komishanka iyo xukuumaddu ku laaleen natiijadii  diiwaangelinta, taas oo dalka ka abuurtay khilaaf siyaasadeed oo cakiran.

Isu soo baxyadan ayaa waxay mar kaliya ka bilaabmeen dhamaan magaalo madaxyada gobolada iyo degmooyinka qaarkood, iyada oo ay xukuumadda Rayaale hore u sheegtay inaanay xisbiyada Mucaaridka loo ogolayn inay qabtaan dibad-baxyadan oo kale.

Isu soo baxyadan oo ay si wadajir ah u soo qaban qaabiyeen labada xisbi mucaarid ayaa  si nabadgelyo ah oo aan rabshado lahayn ku dhacay, marka laga reebo magaalo madaxda gobolka Sool ee Laascaanood, taas oo dad aad u badan ay Ciidamada bilaysku xabsiga u taxaabeen, kuwaas oo ay ka mid yihiin labadii guddoomiye ee xisbiyada mucaaridku,

Hase yeeshee gobolada iyo degmooyinka kale ee dalka  ayaa si naboon ay dibad-baxyadaasi taageerayaasha axsaabta Mucaaridka  ugu soo gebo gabaysmay.

Haddaba haddii aynu ku horayno Caasimada dalka iyo qaabka uu dibad-baxaasi ku bilaabmay iyo jawigii guud ahaanba ay dadweynaha reer Hargeysa  ku waabariiisteen ayaa aroortii hore ee shalay ayaa waxa dadka  gaadiidka basaska iyo baabuurta yar yari ka soo gurayeen xaaafadaha iyo degmooyinka ay ka kooban tahahay Caasimada Hargeysi, halka dadka qaarkoodna  ka soo lugeeyeen xaafadahoodii aroortii hore ee shalay, iyaga oo bartilmaameedka ballantu ay ahayd in la  isugu yimaado  xarunta weyn ee Beerta xoriyadda Hargeysa, nasiib darrose Ciidamada amaanka oo aad u hubaysan kuna qalabaysanaa gaadiid iyo gaashaanka tuuryada lagaga hor tago ayaa iska hortaagay taageerayaasha xisbiyada mucaaridka inay galaan deyrka weyn ee beerta xoriyadda iyaga oo qufulo waaweyn ku taagay albaabada laga galo, isla markaana qoryo la hor fadhiistay, hase yeeshee masuuliyiinta labada xisbi mucaarid oo iyagu horkacayey dibad-baxa ay taageerayaashoodu ku muujinayeen aragtidooda ayaa iyagu khudbado ku qabsaday banaanka ka horeeya deyrka beerta xoriyadda hortiisa, iyaga oo dadku ay taxnaayeen meelo aad u kala durugsan, balse waxay si fiican u dhagaysanayeen  hadalada iyo waanada ay madaxdoodu kula dardaarmayeen, iyada oo madaxdii halkaasi ka hadashay ku dhiirigeliyeen taageerayaashooda in aanay wax rabshad ah ku dhaqaaqin, isla markaana ay  wadada si nabdoon u maraan, iyaga oo ilaalinaya amaanka, waxa xusid mudan in isu soo baxii shalay ka dhacay Magaalada Hargeysa uu ka duwanaa isu soo baxyadii  hore uga dhacay dalka, sababta oo ah dadkan ka qaybgalayey isu soo baxani  may xidhin wadooyin, isla markaana waxay socod ku mareen waddooyinka halbawlaha u ah Caasimada, iyaga oo soo hor maray saldhiga dhexe ee bileyska, isla markaana aan wax dhibaato ah kala kulmin  Ciidamada halkaas ka hawlgalayey dadkii hormarayey ee sitay Calamada iyo hal ku dhegyada  ay ku taageerayaan xisbiyada mucaaridka, dadka socodka ku jiray ayaan dhinacooda wax  dhibaato ah u geysan Ciidamada Bilayska ee waddooyinka hareerahooda taagnaa, iyada oo ay dadkaasi  ku dhawaaqayeen erayo ka dhan ah madaxweyne Rayaale iyo xisbiga talada haya ee UDUB.

Waxa sidoo kale daawadayaal ka ahaa isu soo baxyadaas oo reer magaalnimo iyo ilbaxnimo muujiyey taageerayaashii xisbiga UDUB oo aan erayadaas waxba  ka soo qaadin, isla markaana daawanayey siday hawluhu u socdaan, waxa iyaguna qayb libaax  shalay ka qaatay habsami u socodka dibad-baxayaasha xildhibaanada golaha Wakiilada kaga jira  xisbiyada  KULMIYE  iyo UCID,  kuwaas oo iyagu ilaalinayey inay isku dhacaan Ciidamada amaanka iyo taageerayaashooda  isu soo baxa ku muujinayey dareenkooda, waxa isaguna Ciidamada hor taagnaa oo dadka ka ilaalinayey taliyaha Ciidamada bileyska Maxamed Saqadhi Dubad oo shalay  si nidaamsan ula dhaqmay dadkii dareenkooda muujinayey ee taageerayaasha xisbiyada mucaaridka.

 

Sidoo kale waxa xusid mudan in wadada hormarta madaxtooyada  labada dhinac ee bari iyo galbeed masaafo ka durugsan qasriga madaxtooyada loo diidayey inay dadku maraan halkaas oo ciidamo badana la soo dhoobay, kuwaas oo ay  dadkii ka  agdhawaa ay sheegeen in Ciidamada kale ay si fiican dadka ula dhaqmayeen, balse Ciidamada Ilaalada madaxtooyada ayaa iyagu  si gaar ah dadka ula dhaqayey, mararka qaarkoodna  rasaas kor ugu  ridayey, si ay u kala dareeriyaan dadweynaha kumaankunka dhaafaya ee lugta iyo gaadiidkaba ku maraya   wadada, qaarkoodna is hortubeen wadada laga joojinayey  inay maraan.

Maxay ka yidhaahdeen masuuliyiinta xisbiyada Mucaaridkii isu soo baxyadii;

Waxa muuqday inay si weyn ugu faraxsanayeen quwadii ay shalay muujiyeen taageerayaasha  xisbiyada mucaaridkii, iyada oo aad arkayso inay niyada ku qaboojisanayeen awoodda ay  u leeyihiin inay taageerayaashooda kiciyaan iyo sida fudud ee ay u maamuli karaan kumaankumka taageerayaasha ah ee ay  soo saareen bandhigii shalay oo si nabadgelyo ah ku dhacay.

Ugu horeyn  waxa halkaasi kala  hadlay taageerayaasha labada xisbi ee ka qaybqaadanayey dibad-baxaasi Guddoomiye ku xigeenka 1aad ee xisbiga KULMIYE Muuse Biixi Cabdi waxaana uu yidhi "Bilayskii  waa kaasi agteena jooga shacbiyoow idinma riix-riixayaan way idin ixtiraamayaan markaa waa inaad xaq dhawrtaan oo aad ilaalisaan, maanta ninka nabadgelyada xumeeyaa ma aha KULMIYE iyo UCID ee waa UDUB, haddii aanu nahay xisbiyadii mucaaridka cadow dibadeed ayaanu ku mashquulsanahay oo Somaliland ayaanu dusha ka ilaalinaynaa," waxaanu intaasi raaciyey, "Hore ayaan u sheegay Somaliland laba goor bay khaldantay mar waxay ahayd markii ay Xamar xoriyaddeedii ku darsatay, khaladka labaadna waxay gashay markii ay Ina Rayaale dooratay, waxaan  idiin sheegayaa mar saddexaad khaldami mayno oo Daahir Rayaale qax ina gelin maayo, oo dalkeena burburin maayo, Ina Rayaale isaga oo qof qudha ah ayuu yimid Somaliland isaga oo qof qudha ahna halkaasi ayuu ka bixi doonaa oo aanu waxba ina yeelin."

 

Guddoomiyaha Xisbiga KULMIYE  Axmed Maxamed Maxamuud (Siilaanyo), ayaa taageereyaashooda ugu baaqay inay u dulqaataan wax uu ku tilmaamay xadgudubka iyo cago-jugleynta lagu hayo.

Axmed Siillaanyo isaga oo halkaas ka hadlaya waxa uu yidhi “ Waxay shacbiga Somaliland iyo taageerayaashayada gobolada dalku ay isugu soo baxeen sidii ay u xaqiijin lahaayeen inay taageeraan go’aankii Golaha Wakiilada Somaliland, isuna hortaagaan waxa sharci darrada ah ee ay UDUB samaysay. Waxaynu doonaynay doorashooyin xor iyo xalaal ah, waanu soo baxaynaa ka yeeli mayno in dalkeena la baabiiyo,”

 Guddoomiyaha Xisbiga UCID Md. Faysal Cali Waraabe oo isaguna ka hadlay banaan baxaasi ayaa Madaxweyne Rayaale ku eedeeyay inuu hantidii qaranka ka dhistay Guryo badan oo ku yaala gobolada dalka iyo waddanka dibadiisaba.

Guddoomiyaha Xisbiga UCID Eng:Faysal Cali Waraabe oo halkaas ka hadlayey isna waxa uu yidhi “Qofkii xaaraan cuna way ku soo bixi doontaa, laakiin waxaan leenahay naga tag, ha tago UDUB ha naga Tagto, midnimada Somaliland ha adkaato.”

Faysal Cali Waraabe wuxuu Madaxweynaha uu dusha ka saaray masuuliyadii shaqaaqada iyo Colaada ka taagan Ceel Bardaalle.

Guddoomiyaha ololaha doorashada gobolada galbeedka ee kulmiye Baashe Cabdi Gaboobe oo Haatuf uga waramayey banaan baxa shalay taageerayaasha KULMIYE iyo UCID iyo isbeddel doonka UDUB ay ka sameeyeen caasimada Hargeysa iyo ciidamada bileyska oo iska hortaagay fagaaraha khayriyda inay galaan, masuuliyiinta mucaaridka iyo taageerayaashooda ayaa waxa hadalkiisii ka mid ahaa  “ maanta waa maalin  u dhiganta maalmihii halganka ugu weynaa, markaa beertii xoriyada ee ummaddani wada lahayd ayey xukuumaddu noo diideen, iyaga oo dadkii taageerayaasha ahaa oo boqolaal kun gaadhayaa ay isugu soo baxeen beerta xoriyada horteeda, ka dib markii loo diiday inay galaan oo madaxdoodu ka khudbadeyso, markaa maanta shucuurtoodii bay cabirayaan, waa kuwaa aad arkaysaan ee soconaya, cidna u joojin maayaan “ ayuu yidhi Baashe Cabdi Gaboobe, waxa uu intaas ku daray “ wixii intaa ka dambeeya waanu wadaynaa dibad-baxyada , UDUB-na maanta hadday noo diideen, iyagana  teedaanu u diidaynaa’ sidaas ayuu yidhi

 

Suldaan Saleebaan boqor Cismaan Xasan oo isaguna ka hadlayey isu soo baxan ay muujiyeen asxaabta mucaaridka iyo taageerayaashooda, isla markaana ay xukuumaddu ka horjoogsatay fagaarihii beerta xoriyada ee hogaamiyeyaasha mucaaridku kala hadli lahaayeen taageerayaashooda, ayaa waxa uu yidhi  “waxaan aad uga xumahay in dadka maanta  shucuurtooda muujinayey  loo diido  beertii xoriyada ee ay ku soo banaan bixi lahaayeen, isla markaasna loo soo saaro dibadda wixii nabad gelyo daro ka dhaca waxa ka masuul ah Xukuumada, iyadaa dadkii kaantarooshay, waxaanu leenahay dadku xaq bay u leeyihin inay soo banaanbaxaan inay codkooda muujiyaan inay waxay diidan yihiin sheegaan

Waxaan maqlayey xalay ( habeen hore) wasiirka daakhiliga oo 12 habeenimo leh waan mamnuucay in la soo baxo, shalayna wax ka hadlaysay, beerta xoriyada UDUB, markaa waxa weeyaan waxa labada xisbi qaran ee mucaaridka ah loogu diiday beerta xoriyada inay ka hadlaan waa gardaro cadaana, mana yeelayno shacbiguna ma ogolaan doono ‘sidaa waxaa yidhi suldaan Saleebaan Boqor Cismaan .

Xildhibaan Nac-nac oo isaguna ka hadlaya falka ay ciidamada bileysku kaga hor istaagan axsaabta mucaaridka iyo taageerayaashooda fagaaraha beerta xoriyada waxa u yidhi “ walaal dadkani wuxu isugu soo baxay inuu xaqooda helo inuu Doorasho xor oo xalala ah inuu helo ayuu u soo baxay, oo dareenkooda ayey muujinayaan ee wax kale oo ay samaynayaan ma jiro, nabadgelyada way hagaajinayaan wax walba way hagaajinayaan, marka ninkan leh nabadgelyadaa la xumaynayaa waa fircoonkii yaraa ee inagu soo kordhay ee allow naga qabo’”sidaa waxa yidhi xildhibaan Nacnac.

 

Amran Cali xiis oo dhacdadan shalay fagaareyaasha iyo masuuliyiinta axsaabta mucaaridka loogu diiday fagaaraha beerta xoriyada ee ciidamada bilaysku ka horjoogsadaan inay galaan oo halkaa dareenkooda ka muujiyaan waxayna tidhi “ waxa weeyaan maanta iyadoo ay dadkii mucaaridka ahaa ay tusayaan dawlada maanta dalka ka talisa inaan raali laga ahayn hawsha ay hayaan in dalkii hoos ugu dhacay inaanu aad ka dhiidhiyeyno inaanaan doonayn hadaanu mucaaridka nahay in arrintani sii socoto inuu Rayaale ku fashilmay wuxu hawl hayey  oo dhan, wuxuu wanaagsan inuu istiqaalad dhiibo”ayey tidhi Amran Cali Xiis.

Dibad-baxan ay teegeerayaasha Mucaaridku isugu soo baxeen shalay ayaa waxa iyaguna kala qaybgalay taageerayaasha garabka Isbedel doonka xisbiga UDUB, kuwaas oo sitay boodhadh ay ku xardhan yihiin hal ku dhegyo ay kaga soo horjeedaan sida Madaxweyne Rayaale u maamulay dalka. Isu soo baxan shalay ayaa ahaa mid ay axsaabta Mucaaridka ahi awooddooda ku soo bandhigeen, iyada oo ay xukuumadda Rayaale isku dayday inay joojiso   Banaan baxyada taageerayaasha xisbiyada Mucaaridka  ee shalay ka dhacay dalka, waxaanay dad badani u arkaan arintan mid xukuumadda iyo xisbigeeda wax loogu sheegay, taas oo soo dhaweyn karta  xal u helida khilaafka siyaasadeed ee haatan dalka ka oogan, waxaana dibad-baxyadani ku soo beegmeen xilli uu dalka joogo wefti culus oo ka socda dalka Itoobiya, kaas oo dalka u yimid inay gacan ka geystaan ismari-waaga u dhexeeya dhinacyada siyaasadda ee Somaliland.

 

HAATUF


 

No comments: