
| Stockholm ugu yaraan 5 hablood oo yaryar iyo hooyadood oo reer somaliland ah ayaa ku geeriyooday dab weyn oo ka kacay dhismihii ay deganaayeen oo ku yaalay xaafada Rinkeby oo ku taal galbeedka magaalada caasimada ah ee stockholm habeenkii xalay, Hablahan yaryar ee dhintay ayaa da'doodu u dhaxaysaa 16 iyo 1 sano jir, Hooyada caruurtan dhashay oo ah hooyo Hoodo Ibrahim Sanyareh ayaa da'deedu ahayd iyadana 42 sanadood. dad badan oo kale ayaa dhaawac halis ahi ka soo gaadhay dabkaas ayaa cisbitaalka lagu dawaynayaa sida laga sheegay warbaahinta xukuumadu gacanta ku hayso sida STV . Qoyska oo ka koobnaa 8 qof waxaa imika ka nool Aabahii reerka oo ah AaboYusuf Mohamoud oo loo yaqaano Yusuf DAAWO iyo labo wiil oo keliya. Stv ayaa sheegay in dabku bilaabmay 10-kii habeenimo ee xalay waxaana ku soo urururay meeshii dabku ka kacay dad boqolaal ah sida uu sheegay suxufi ka ag dhowaa goobta shilku ka dhacay. Ilaa imika booliska ayaa baadhay sida wax u dhaceen |
No comments:
Post a Comment