 Deeqbixiyeyaasha taageera Dimuqraadiyada Somaliland, ayaa walaac ka muujiyay Go'aankii ka soo yeedhay komishanka doora-shooyinka ee la xidhiidhay in doorashada madaxtooyada lagu galo diiwaan gelin la'aan, waxaanay tilmaameen haddii arrintaasi dhacdo inay tahay khasaare mug leh oo soo gaadhay Somaliland. Deeqbixiyeyaashu waxa kale oo ay sheegeen in liiskii diiwaan gelinta codbixiyeyaashu uu diyaar yahay.
War-saxaafadeed Deeqbixiyeyaashu ka soo saareen maanta Magaalada Nairobi ee dalka Kenya, ayaa u qornaa sidan:- "Guddida isku dubo ridka Barnaamijka dimuqraadiyadeynta ee USAID<DFID (UK),SIDA (Sweden), Denmark , Switzerland) deeqbixiyeyaashu waxa ay ku hambalayaynayaan shacbiga Somalialnd soo saarista liiska codbixiyeyaasha ee 27-ka July 2009, kaasi oo hadda diyaar ah yaalana.Tani waxay ka turjumaysaa gabogabada dedaal badan oo ay galen daneeyayaashu fursad muhiim ahna waxay u tahay shacbiga reer Somaliland. Deeqbixiyeyaashu waxay aqoonsan yihiin soo saaristii liiska codbixiyeyaasha, oo ay si togan u qiimaysay shirkad madax banaan oo maraykan ahi, oo si kalsooni leh saldhig ugu noqonaysa qabashada doorashooyin xor iyo xalaal ah.Soo saarida liiska Codbixiyeyaasha waxa jidaynaya sharciyan Xeerarka doorashada Somaliland ee khuseeya,waxana kaabaya heshiisyadii loo dhammaa ee ay gaadheen xisbiyada siyaasadu. Deeqbixiyeyaashu waxay ka xun yihiin dhawaaqii ka soo yeedhay madaxda Komishanka Qaranka ee doorash-ooyinka lagana sii daayay idaacada BBC-da laanteeda Af-ka Soomaaliga ee 28-kii July 2009 ee ah ku tallo-galka in la qabto doorasho Madaxweyne oo aan la adeegsanayn liiska codbixiyeyaasha, taasi oo haddii lagu sii socdo ka turjumaysa khasaare mug leh oo so gaadha shacbiga Somaliland iyo hanaanka dimuqraadiyada Somaliland. Deeqbixiyeyaashu waxay ku dhiiri gelinayaan dhamm-aan daneeyeyaasha Somaliland inay hirgeliyaan dhaqankii soo jireenka ahaa ee ah isu tanaasul iyo go'aan qaadasho wada tashi ku salaysan iyo karti hoggaamineed si la isula meel dhigo khilaafaadka jira, looguna diyaar garoobo qabashada doorashooyin Madaxweyne oo xor iyo xalaal ah laguna kalsoonaan karo.
|
No comments:
Post a Comment