Madaxweyne Rayaale Oo Ka Gabadday Fagaaraha Khayriyadda Iyo Kullan Dhexmaray Odayaasha Reer Burco
"Warar Khaldan Baa Burco Lagaa Siiyaa, Waxaanu Kuu Sheegaynaa Inay Reer Togdheer Midaysan Yihiin"-Odayaasha
"Burco Cidna U Maqli-Maayo, Waqtigii Aan Ninka Sucuudiga Xoolaha U Xidhay Waxaan U Arkay Dan"-Madaxweyne Rayaale
Burco, June 5, 2009 (Haatuf) - Madaxweynaha Somaliland Daahir Rayaale Kaahin oo socdaal ku jooga magaalada Burco ayaa shalay kulan gaar ah la yeeshay odayaasha iyo wax-garadka reer Burco, waxayna kooxahaasi madaxweynaha u qadimeen baahiyaha ay doonayaan in wax laga qabto iyo dareenkooda, iyadoo la sheegay inuu kulankaasi socday waqti kooban.
Madaxweynaha oo la filayey inuu fagaaraha khayriyadda dadweynaha kala hadli doono, ayaa hadda u muuqda inuu taa ka gabbadday, wuxuuna taa bedelkeeda kullan kooban oo aan waqti badan qaadan barxadda xafiiska badhasaabka kula yeeshay koox odayaal ah oo reer Burco ah, halkaas oo ay labada dhinac (madaxweynaha & odayaashu) hadallo iyo jawaabo isu baaciyeen.
Sida uu ku soo waramay weriyaha Haatuf ee gobolka Togdheer Axmed A. Yuusuf kulanka dhexmaray madaxweyne Rayaale iyo odayaasha reer Burco wuxuu ka dhacay barxad ku taal dhismaha xafiiska badhasaabka, waxaana hadalka qaybinayey badhasaabka gobolka Jaamac C/laahi Biin, iyadoo feejigo laga qabey in hadallo dhiifta iyo canaantu ku badan tahay loo qadimo madaxweynaha. Sidaa xubno dhawr ah oo ka mid ah kooxihii odayaasha iyo wax-garadka isugu jiray ee madaxweynuhu la kulmay ayuu badhasaabku hadalka u qaybiyey, waxayna odayaasha halkaa ka hadlay soo bandhigeen baahiyaha ka jira gobolka Togdheer, iyagoo sheegay inay gobolka ka jiraan dhibaatooyin badan oo aanay waxba ka qaban xukuumadda madaxweyne Rayaale.
Baahiyaha ugu waaweyn ee ay odayaashaasi soo qadimeen, kana codsadeen inuu madaxweynuhu wax ka qabto waxa kow ka ahaa in wax laga qabto lacagta giinbaarta ah (Shillin Somaligii hore) ee Burco ceegaagta, taas oo ay odayaashu madaxweyne Rayaale ka dal-badeen in degdeg looga bedelo lacagtaa.
Waxa kale oo ka mid ahaa dhibaatooyinka laga dal-badday madaxweyne Rayaale inuu wax ka qabto dhibaatooyin xagga biyaha ah oo gobolka ka jira, arimaha garsoorka iyo dhibaatooyinka xaalufinta degaanka oo ay sheegeen inay gobolka fara-baas ku hayso. Hase yeeshee odayaasha reer Burco iyagoo tilmaamaya dareenka ay kala qabaan reer Burco iyo madaxweyne Rayaale waxay yidhaahdeen "madaxweyne warar khaldan ayaa gobolka lagaa siiyaa, markaa waxaanu ku leenahay iska ilow wararka khaldan ee gobolka lagaa siiyo, reer Togdheerna way midaysan yihiin"ayaa hadalladooda ka mid ahaa, iyagoo si weyn hoosta uga xariiqay inaanay dadka reer Togdheer kala qaybsanayn oo aanay waxba ka jirin wararka la faafiyo ee sheegaya inay yihiin dad is-haysta.
Odayaashaasi waxa kale oo ay intaa ku dareen inay reer Togdheer u midaysan yihiin danahooda iyo danta dalka, isla markaana aanay wax dhibaato nabadgelyo ahi ka jirin gobolka, iyagoo aad ugu nuux-nuuxsaday inay keliya u baahan yihiin inay xukuumaddu wax ka qabato dhibaatooyinka ay tilmaameen ee ay kow ka tahay lacagta Giinbaartu.
Waxa kale oo ay odayaashaasi ka hadleen arimaha ganacsiga xoolaha oo ay sheegeen inay ka mid yihiin arimaha ay doonayaan in wax laga qabto.
Intaa ka dibna madaxweyne Rayaale ayaa hadalka qaatay, isagoo jawaabo kooban ka bixiyey hadaladii ka soo yeedhay odayaasha, waxaana hadalladiisa ka mid ahaa "waxaan socdaal ku soo maray gobolkan iyo gobollada kaleba anigoo doonaya inaan u kuurgalo xaaladaha ka jira, aniga waxa I doortay mujtamac baan oo aan xataa I arag, qaarkood aanay I aqoonin, markaa maanta waxaan doonayaa inaanu dadkaa qaar badan is aragno".
Madaxweyne Rayaale wuxuu kulankaa ku soo hadal-qaaday arimaha ganacsiga xoolaha nool, isagoo jawaabo ka bixiyey, wuxuuna yidhi " waxaan doonayaa inaanu wax ka qabanno arimaha xoolaha, waqtigii aan ninka Sucuudiga ah u xidhay xoolaha, waxaan u arkay dan, waxaana u danaynayey ninka reer miyiga ah inaan wixiisa laga amaahan, oo aanu arag in la celiyo, waxaanu neefka siisanay $42--$50 dollar, rag baa qayliyey, dabadeedna waxaan ku idhi berito yaanan arag idinka oo neefka ku amaahanaya $20-dollar, waxaan ku rajo-weynahay in dhowaan suuqa xooluhu si wacan u furmayo".
Madaxweyne Rayaale isagoo ka jawaabaya dareenka reer Burco ee ay hoosta ka xariiqeen inuu fekrad khaldan ka haysto, wuxuu yidhi "Burco xummaan uma hayo, cid aan u maqlayaana ma jirto hadii ay xumaan iiga sheegto, anigoo madaxweyne-kuxigeen ah ayaan Burco wax ka dhisay oo la shaqaynayey maamulkii loo magacaabay 1997-kii, waxaana isugu keen dambaysay 2002-kii, balse aniga ayaan idiin imanine, xukuumadaydu way idinla joogtay. Waxa jira cadaw badan oo aynu leenahay, marse hadii aynu isku duubanahay waxba inaga qaadi-maayaan, ee waxaan idin leeyahay fiiro gaar ah u yeesha. Waxaan idiin sheegayaa nabaddu waa tiir adag oo loo baahan yahay in la ilaaliyo, xisbiyadana waxaynu u samaysanay inaynu ku gallo doorasho bilaa turxaan ah, wax allaale wax dhacayaana ma jiraan, doorashaduna waxay u dhici si cadaalad ah".
Waxa kale oo uu madaxweyne Rayaale sheegay inuu wax ka qaban doono arinta lacagta Giinbaarta.
Madaxweyne Rayaale oo magaalada Burco gaadhay Arbacadii doraad, isagoo ka soo kicitimay dhinaca gobolka Saaxil, waxa uu xalay u hoyday magaalada Burco, waxaase la filayaa inuu saaka u bixitimo dhinaca degaamada bariga ee gobolka Togdheer, iyadoo lagu waddo inuu ugu horayn tago degmada Qoryaale oo ka mid ah meelaha wareegtada madaxweynenimo loogu magacaabay degmanimada, intaa ka dibna waxa la filayaa inuu meelo kale oo dhinaca bariga ah uga sii gud-bo, iyadoo ay wararka qaar leeyihiin waxa laga yaabaa inuu berito ka qaddeeyo Qori-lugud oo iyana ka mid ah meelihii uu madaxweyne Rayaale wareegtada ugu magacaabay degmanimo. Hase yeeshee lama oga inuu habeen dambe Burco dib ugu laabban doono iyo meel kale u sii gud-bi doono, iyadoo hadii aanu Burco ku laabban laga yaabo inuu Caynabo habeen dambe ku hoydo.
Waxa kale oo ilaa shalay muuqday dhaqdhaqaaqyo iyo abaabul loogu diyaar-garoobayo soo dhaweynta madaxweynaha ee meelaha uu berito ku beegan yahay, waxaana abaabulkaa wadda maamulada iyo kooxo kale oo u dhashay degaamadaa.
Marka la eego socdaalka uu madaxweyne Rayaale ee magaalada Burco ma jiro wax dareen ah oo la akhriyo oo ay dadweynaha reer Burco ka muujiyeen imaatinka madaxweynaha, hadii ay tahay diidmo lagala horyimi iyo hadii ay tahay cayaar-gud loola yimi midna, waxaana magaalada ka muuqda dareen xasiloon, isla markaana booqashada madaxweynaha ee Burco ma aha mid sanqadheedu weyn tahay oo aad loo dareemay. S Ta kale marka aad eegto joogitaanka madaxweynaha ee Burco ma dareemaysid wax firfircooni ah oo ka muuqda dhaqdhaqaaqiisa iyo hugunkiisa siyaasadeed midna, lagama war-hayo ujeedada dhabta ah ee socdaalka madaxweynaha iyo waxa uu maaggan yahay, waxayna dad qaar u arkaan inuu qiimayn ku samaynayo aragtida siyaasadeed ee ay dadka degaamadaa ku dhaqani ka qabaan isaga (madaxweynaha) iyo bal inuu fuudhiyo inta ay qoto le'eg tahay taageerada looga hayo degaamadaa, isagoo si gaar ah shiishka ugu haya meelihii uu gobollada iyo degmooyinka u magacaabay, kuwaas oo la leeyahay wuxuu doonayaa inuu indhihiisa ku soo arko bal inay abaal u hayaan iyo inkale, iyadoo abaalka ugu weyn ee uu maanta doonayaa uu yahay inuu cod ka helo dadka ku dhaqan degaamadaa, oo ay taa abaal uga dhigaan.
No comments:
Post a Comment