Dagaal culus oo ka dhacay Muqdisho | |||||
Ciidamada dowladda KMG ah ee Soomaaliya, ayaa weerar ku qaaday fariisimo ay joogeen mucaaradka, waxaa dagaalkaasi ku dhintay 31 qof waxaana ku dhaawacmay 179. Dhinacyada ku lug leh dagaalka ee dowladda ku meelgaarka ah iyo xoogaga ka soo horjeeda, ayaa guulo ka kala sheeganaya dagaalka. Wasiirka Gaashaandhigga Maxamed Cabdi Gaandi, oo shir jaraa'id ku qabtay Muqdisho, ayaa sheegay in dowladdu ay go'aansatay in ay difaacdo dadkeeda, sidaa darteedna ay bilowday howlgal amniga lagu sugayo. Wuxuu xuso in howlgalkan uu socon doono inta laga gaarayo ujeedada laga leeyahay. Wasiirku wuxuu sheegay in ay guulo ka gaareen dagaalka, oo ay ciidamada dowladu hadda joogaan goobo aysan horay u joogin oo cusub. Dhinaca kale, afhayeenka Xisbul Islaam, Muuse Arale, ayaa BBC-da u sheegay in ciidamada dowladda ku meelgaarka oo saaka weerar ballaaran soo qaaday ay iska caabiyeen, ayna dib uga saareen goobihii ay saaka soo galeen. |
RESOURCE CENTRE OF DEMOCRACY, GOOD GOVERNANCE,TRANSPARENCY,ACCOUNTABILITY,AND HUMAN RIGHTS FOR EMERGING DEMOCRACIES IN THE HORN OF AFRICA AND THE MIDDLE EAST. THE BLOG IS TRI-LINGUAL: ENGLISH, SOMALI AND ARABIC. There is no democracy without effective opposition. And there is no effective opposition without free and independent media. CONTACT: samotalis@gmail.com
22 May, 2009
Dagaal culus oo ka dhacay Muqdisho
Subscribe to:
Post Comments (Atom)
No comments:
Post a Comment