22 May, 2009

Afhayeenka Madaxtooyada: Shakhsi ka Arradan Milgaha...

DAYMADA WARGEYSKA: Afhayeenka Madaxtooyada: Shakhsi ka Arradan Milgaha Xilka uu Huwan Yahay: Jamhuuriya

Afhayeenka Madaxtooyada Somaliland, isla markaana ah la-taliyaha madaxweynaha ee dhinaca saxaafadda. Mr. Siciid Caddaani Mooge, waxa uu caadaystay habdhaqan xun oo ka baxsan hab-maamuuska looga baahan yahay shakhsiga xilkaas muhiimka ah haya oo kale, kaasi oo uu kula dhaqmo suxufiyiinta dalka ee gudanaya waajibaadkooda shaqo.

Siciid Caddaani Mooge oo haya xil muhiim ah oo door weyn ka qaadan kara sida uu noqonayo xidhiidhka wada-shaqayneed ee u dhexeeya xukuumadda, gaar ahaan madaxtooyada iyo hay'adaha warbaahinta kala duwan ee ka hawlgala dalka gudihiisa iyo dibaddiisa, ayaa u muuqdaa inuu yahay nin ka arradan gudashada xilkaas oo ay qalbigiisa buux dhaafisay xumaanta iyo xiqdiga uu u qabo warbaahinta, gaar ahaan saxaafadda madaxabannaan oo iyadu ah UDUB-dhexaadka doorka weyn ka ciyaara taabbogalinta hannaanka dimuqraadiyadeed ee ka hanaqaaday guud ahaanba Somaliland.

Haddaba, marka la eego muhiimadda culus ee uu leeyahay mansabka afhayeenka Madaxtooyadu, waxa loo baahan yahay in qofka xilkaas qabanayaa ahaado shakhsi leh dulqaad, soo dhaweyn, ixtiraam iyo inuu ka feejignaado wax kasta oo dhaawacaya ama hoos u dhigaya sumcada madaxtooyada oo ah halka looga taliyo ummadda, isaga oo isla markaana ka dheeraanaya murginta xidhiidhka wada-shaqayneed ee warbaahinta iyo madaxtooyada.

Haseyeeshee, waxa cad in Siciid Caddaani aanu ahayn shakhsi leh astaamahaa aan soo sheegnay, waxaanu caadaystay in uu ku kaco falal waxyeelo iyo dhaawac qaawan ku ah xilka uu hayo iyo madaxtooyada dalka looga taliyaba, kuwaasi oo ay ugu horreeyaan tacadiyadda, aflagaadooyinka iyo kala qaybqaybinta uu inta badan kula kaco suxufiyiinta dalka gudihiisa ka hawlgala.

Falalka anshaxa afhayeenimo ka baxsan ee Mr. Caddaani kula kacay suxufiyiinta dalka waxa ugu dambeeyey falkii foosha xumaa ee uu sida badheedhka ah ugu gaystay suxufiyadda magaceeda la yidhaahdo Muna Casayr Jaamac, iyadoo waqtigaas joogtay fagaaraha Beerta Xorriyadda oo ay kaga qaybgalaysay dabbaaldeggii xuska 18 May, halkaas oo ay ku sugnaayeen madaxda ugu saraysa dalka oo ay ugu horeeyaan madaxweynaha iyo madaxweyne-ku-xigeenku.

Waxaanu afhayeenku u faro saaray gabadhaas suxufiyada ah si akhlaaq-darro oo meel-ka-dhac ku ah dhaqanka iyo diinta islaamka iyo weliba qasriga madaxtooyada ee uu ka tirsan yahay, isaga oo gacantiisa ula tagay oo inta uu kaladhka qabtay si xun uga tukhaantukhiyey goobtaas iyada iyo suxufiyiintii kaleba ku wada suganaayeen, arrintaas oo aan ilaa hadda la garayn sababta ninkaas weyn ee sheeganaya inuu yahay afhayeenkii madaxweynuhu ku maagay gabadha weriyaha ah ee shaqadeeda gudanaysay.

Marka laga yimaad xidhiidhka shaqo ee isku keenay afhayeenka iyo gabadhan suxufiyada ah, waxa wax laga yakhyakhsoodo ah in nin weyn oo ah ayniga uu joogo afyaheenku in gacan u quudho gabadh yar oo uu awow u noqon karo, taasi aynu ognahay halka ay ka taagan tahay diinta islaamka iyo dhaqankeenna suubban.

Tacadiyadda iyo aflagaadooyinka Afhayeenka Madaxtooyadu kula kaco suxufiyiintu intaas uun kuma eka, balse waxa kalo jiray dhawaan meel fagaare ah weerar qabyaaladaysan oo meel-ka-dhac ah ku qaaday tifaftiraha shabakadda wararka internet-ka ee Baadiye.com Mr. Xadiis Maxamed Xadiis, kadib markii weriyuhu damcay inuu ka qaybqaato su'aalo la weydiinayey Madaxweyne-ku-xigeenka Somaliland oo wakhtigaasi shir-jaraa'id ku qabtay qasriga madaxtooyada, iyada oo ay halkaas ku sugnaayeen suxufiyiin iyo masuuliyiin badan oo ka tirsan xukuumadda.

Falkaasi waxa uu dhacay markii madaxweyne-ku-xigeenku dhammeeyey hadalkiisii ee suxufiyiintii isku diyaariyeen in madaxweyne-ku-xigeenka su'aalo weydiiyaan, ayuu weriyeye Xadiis Maxamed Xadiis isku dayey inuu su'aal weydiiyo Md. Axmed Yuusuf Yaasiin, balse waxa erayo qaawan oo xambaaran qabyaalad iyo nacayb xambaarsan kula kacay a Afhayeenka Madaxtooyada oo goobtaas ku sugnaa isaga oo ku dhawaaqay, "Waar yaa adigu naga fadhiiso Soomaaliweyn baad tahaye." Markii afhayeenku sidaa ku dhawaaqay waxa si weyn uga xumaaday oo daymo dareen leh ku eegay suxufiyiinta goobtaas joogay iyo weliba madaxweyne-ku-xigeenka qudhiisa oo weriyihii u oggolaaday in uu su'aalaha uu doonayo weydiiyo.

Waxa kale oo ka mid ah waxyaabaha foosha xumaa ee uu Siciid Caddaani Mooge ku kacay intii uu ahaa afhayeenku warsaxaafadeed uu soo saaray oo madaxtooyadu ugu jawaabtay guddoomiyaha xisbiga mucaaridka ah ee UCID Eng. Faysal Cali-waraabe, iyada oo afhayeenku ugu maahmaahay guddoomiyaha weedh aan ku qurux badnayn lahjada diblomaasiyadeed oo ahayd "Dhuuso Geel ma urto, mana baaqato!'

Haddaba, marka la isku soo ururiyo afcaasha qallafsan ee iyo tacadiyada afhayeenka madaxtooyadu caadaystay ee uu kula kaco suxufiyiinta waxay u muuqayaan qaar loogu talogalay in ay kala fogayso madaxtooyada iyo warbaahinta dalka oo ah laba hay'adood oo shaqadoodu isku xidhan tahay, loona baahan yahay in markasta xidhiidhka iyo wada-shaqaynta ay leeyihiin la kobciyo, kaasoo si gaar ah Madaxtooyadu ugu sii baahan tahay.

Guntii iyo gebagebadii waxa cad in afhayeenka madaxtooyadu yahay shakhsi ka arradan milgaha xilka uu ummadda u hayo, waxana loo baahan yahay in madaxweynuhu tallaabo ka qaado shakhsiga noocaas ah ee xumaanta iyo fool xumada u soo jiidaya isaga iyo qasriga madaxtooyada oo ah muraayaddii dalka laga daawanayay.

Xigasho: Jamhuuriya

No comments: