Wararka dhiilada leh ee maalinba maalinta ka dambaysa ka soo baxaya tahriibayaasha reer Awdal ee sida aan hore loo arag ugu sii qulqulaya safarrada beegsiga ah ee ay kuraadinayaan nolol dhaanta ta ay hadda u arkaan inay ku jiraan oo ay quus ka joogaan, ayaa maalmihii u dambeeyay waxa soo baxaya warar murugo leh oo tilmaamaya dhallinyaro tahriib ah oo tira ilaa 26 qof ahi ku haligmeen saxaraha u dhexeeya dalalka Liibiya iyo Sudan.
Ilaa hadad waxa la xaqiijiyay hal qof oo reer Boorama 25-ka kalena ilaa hadda lama aqoonsan, inkasta oo loo badinayo inay ka mid yihiin dad reer Awdal ah, kuwaas oo uu hanfiga kulaylku ee saxaraha naftoodii ku waayay.
Wararka aannu ilaa hadda helayno waxa ay tibaaxayaan in ilaa afar qof oo kaliya nolol lagu gaadhay dhallinyaradan tahriibta ah, xubnahan la badbaadiyay waxa ku jira haween da’ yar, qisada ku dhacdayna waxa ay ahayd in gaadhi Big Up ah oo ay saarnaayeen hanfiga dabaylaha saxaruhu awgeedna la sheegayo in dirawalkii gaadhigu in isagii oo isteerinka gacanta ku haya ay naftii kaga dulbaxday, dhalinyaradii tahriibka ahaydna uu ku dhacay jahawareer ka dibna ay awoodi waayeen inay dhinacna u dhaqaaqaan ka dibna ay mid mid naftu uga baxday markii ay ka dhamaadeen biyihii iyo cuntadii yarayd ee ay sahay ahaan u wateen.
Inanka reer Boorama ee hada geeridiisa la xaqiijiyay sida ay tibaaxaha wararka laga helayaa soo tabinayaan waxa uu cinwaanka iyo telefoonka gurigooda u qoray gabadh ku xigtay oo iyana u qortay si hadba haddii midkood nolol ku dambeeyo uu ka kale geeridiisa qoyskooda la socodsiiyo, waxaanna la sheegayaa in gabadhaa oo ka mid ahayd shakhsiyaadkii nolosha lagu gaadhay ay la soo xidhiidhay qoyskii wiilka geeridiisana la socodsiisay.
Maaha markii u horaysay ee tahriibayaal reer Awdal ahi ay naftooda waayaan, waxaanna wali xusuusta dadweynaha ku jirta 25 kii dhalinyaro ee ay doonidu kula dagtay xeebaha Liibiya iyaga oo doonayay inay u talaabaan dalalka Yurub, gaar ahaan dalka Talyaaniga oo ah meesha u horaysa ee ay gaadhi karaan, maalmahana waxa soo baxayay in ka badan laba boqol iyo konton dhallinyaro reer Awdal ah oo ku go’doonsan gudaha dalka Liibiya halka ay ilaa 50 kalena ku jiraan jeelasha dalka Liibiya.
Xigasho: Togdheernews
http://samotalis.blogspot.com/
No comments:
Post a Comment