31 August, 2008

TACSI MARXUUM FAYSAL XAAJI JAAMAC GEEDI

Annigoo ka wakiil ah Jaaliyadda Soomaliland ee Wales, waxaan tacsi u
dirayaa xaasaska, tafiirta, walaal iyo waalid, ehel, xigto iyo xigaal
iyo dhammaan Shacabiweynha Soomaliland, xukuumad, xisbiyo, Golayaasha
Sharci-dejinta iyo gaar ahaan hawlwadeenada Maxkamadda Sare, ee uu ka
geeriyooday Marxuum Faysal Xaaji Jaamac Geedi, Guddoomiyihii hore ee
Maxkamadda Sare. ILAAHAY naxariistii jano ha siiyee, Waxuu marxuumku
ku geeriyooday Hargeysa 21/08/08

Marxuum Faysal waxuu muddo dheer Soomaliya iyo Somalilandba ka soo
qabtay hawlo la xidhiidha maxkamadaha, ha ahaato Garyaqaanimo, Xeer
Ilaalin, iyo Xaakim ahaanba. Waxaana ugu dambeysay Guddoomiyonimada
Maxkamadda Sare ee Somaliland, oo uu xanuun dartii uga fadhiisatay.

Waxaan marxuumka, ILAAHAY uga baryayaa dambi dhaaf iyo inuu ka yeelo
kuwa dhaxla janatul fardows. Waxaanan leeyahay dhammaan shacbiga
Soomaliland gaar ahaan ehel iyo asxaabta marxuumka samir iyo iimaan.

INNAA LILAA WA INAA ILEYHI RAAJACUUN.

Axmed Carwo
Guddoomiye
Jaaliyadda Soomaliland ee Wales.
Cardiff
U.K

samotalis@gmail.com

No comments: