Waxa hore loo yidhi Shinbiraha wixii isku nooc ahiba wey wada duulaan, Raggana wixii isku dhaqan iyo balwo ahiba wey is-raacaan, wada fadhiistaan, isu-jiibiyaan oy is-taageeraan, sida hadda Ina Dhabbeeye iyo Buur-madow oo isku noociyad ah.
- Waxa Rag Allow, la yaab iyo amakaag leh sababta ku kaliftey Ina Dhabbeeye inuu si qaawan oo aan geed loogu soo gabban kula kaco gef iyo aflagaaddo Beesha Habar-jeclo iyo Shirkooda uga socdey GAR?ADAG, kaas oo ahaa mid daakhili ah oo aan cidna wax loogu dhimeynin, sidii horeba loo sharraxay, iyadoo aan looga baran lagana fileynin inay Shirka Beeshaas ka soo baxaan waxyaabo liddi ku noqon kara Qarannimada iyo midnimada Somaliland toonna.
- Hase yeeshee, waxa is-weydiin mudan hadalada qadafka ah ee uusan Suldaanku u miidaan deyin amase ka fiirsanin ee ah kuwa dhaawacaaya sumacaddiisa iyo xidhiidhka laba Beelood ee walaalaha ah oo aan wax xumaato ahi dhex-oollin, wanaag mooyaane, waxa kaloo wax laga xumaado iyo u qaadan waaba ah, hadalladii la midka ahaa ee isku mar iyo isku-si uga soo wada yeedhay isaga iyo adeerkii Xaaji Cabdi Waraabe.
- Suldaan Maxamadow Kusriga Suldanada soo jireenka ah ee aad maanta ku fadhido waa mid lahaa taariikh taxane ah, laguna yiqiin sumcad wanaag, sharaf, dhawrsanaan, dhex-dhexaadnimo, gumaysi iyo dulmi nacayb.
Awowgaana wuxuu ahaa halyey la wad jeclaa oo afkiisa iyo addinkiisuba miisaanaayeen, laguna soo hirto ee maxaa kaa hortaagan inaad raacdo hab-dhaqankiisii, asluubtiisii ku dayashada mudnayd, maxaa si kaa ah adeer ee kuugu wacan midabaynta iyo is-rog-rogga badan? Miyaanad ogsoonayn inaad tahay Suldaan Guud oo waliba ka soo jeeda Qoys sharrifan ayna kaa reebban tahay wixii aflagaaddo iyo xasarad ah oo dhan ee sumcad xumo u soo jiidi kara shakhsiyaddaada iyo magaca haybta guud ee aad hoggaamiye dhaqameedka u tahay, waxaad tahay kii beelaha Somaliland oo dhan mideyn lahaa, kana dhex-dhalin lahaa nabadgelyo is-afgarad iyo Islaax ee maad ahayn kee Beel ama shakhsi cay ku kici lahaa ee laga eed sheegan lahaa, waxaan keliya oon ku leeyahay ilaahay ha kugu soo hadeeyo wadadda saxda ah ee dhex-dhexaadnimada iyo dhawrsanaanta, iyada oo waajibkaagu yahay inaanad Dadkaaga kala raacin una kala faalin.
Cabdi-waraabe, isagu la yaab malaha oo waa caadadiis inuu indho iyo dhago la?aan iska fuulo habar-jeclo oo uu six un wax uga sheego goob kasta oo uu ka hadlo, taasoo soo taxnayd tan iyo xilligii Siyaad Barre, iyadoo oo uu odhan jirey Dalkan waxa rogaaya Habar-jeclo, wuxuuna isagoo si gaar ah u duraaya Siyaasiyiinta Habar-jeclo ee markaas wuxuu tusaale u soo qaadan jirey gudin yahay badhkay baa kugu jiree imaad goyseen, wuxuuna xaajigu hormood ka ahaa xadhigii Cumar Xarte iyo Ismaciil Cali Abokor inuu xilligaasba Xaaji Cabdi Habar-jeclo nacayb caan ku ahaa, waxa ka marag kici kara oo la weydiin karaa Suldaan Barre Warsame iyo Ina Dhool-dahable oo goob-joog ahaan jirey xilligaas halganka qadhaadh lagu jirey.
- Xaaji-cabdow, Adeer, khaatumada ku dhimo, Habar-jeclona saamaxaad weydiiso intaad nooshay weli.
- Ciidagale weynana waxaan leeyahay, waar Tolow baadadiina ceshada oo sharafta haybta guud iyo wada-jirka Ummadda reer Somaliland ilaaliya.
Ahmed Cali Adan (Goodir)
Hargeysa
No comments:
Post a Comment