Salaan iyo nabadi korkiina ha ahaato. Assalaamu calaykum wa raxmatullaah wa barakaatu.
Waa qormadii labaad ee geedi-socodka dimuquraadiyadda furan ee adduun weynaha. Ujeedada socdaalkeena taariikheed waa inaynu dhabadii la soo maray dib u qaadno, si aynu daawo ugu helno xanuunada aafeeyey nidaamka aynu indho la'aan u qaadanay. Inta aynaan u gudbin mas'uuliyadda looga baahan yahay dawlad dimuquraadi ah, aynu ku nagaano qaybtii matalaada ee aynu qormooyinkii hore ku gorfeynay, annigoo qormadan ku soo gunaanadi doona matalaadda iyo qiimaha ay leeday inuu noqdo codbixiyahu qof waaci ah oo garanaaya waajibka cod-bixinta.
Innagoo soo aragnay in halgankii loo galay HAL QOF, HAL COD, oo ay hogaaminayeen aqoonyahanka iyo ururada bulshadu, waxa is weydiin leh dalkeena kaalinta ay kaga jiraan colkaasi. Waxa hubaal ah inayna wax raad ah ku lahayn jaamacadaha, aqoonyahanka, iyo ururada tirada badan ee bulsho ee dhowaan sida waarigta u soo foocay. Ma jiraan ururo shaqo ( Trade Unions) oo ilaaliya xuquuqda shaqaalaha iyo mihnad-leeyda. Waana mid jiritaankoodu kobcin lahaa garaadka shaqaalaha oo noqon lahaa tiir adag oo ka gilgisha dulmiga, doonana sinnaan iyo cadaalad. Maqnaanshahoodu waxa uu ka dhigay in xataa shaqaalahu waayo xoriyadooda siyaasi, oo codkooda ay la baqaan, iyagoo adeecaaya cidda awoodda shaqo uga sareysa.
Kolka cod bixiyo garto awoodiisa siyaasadeed, iyo inuu isagu yahay isha ay ka unkanto awoodda dawladdu., mid Madaxweyne, Wasiir ilaa taliye unug ay tahay mid ay isaga ka farcantay ooy wakiilnimadiisa ku kasbadeen, kolka uu doonana kala noqon karo wakiilnimada sida uu sharcigu qabo, waxa ilko yaxaas yeelanaysa la xisaabtanka dawladda oo ku soo uruuraysa gacmaha dadweynaha. Waxa ay aqoonsanayaan hawl wadeenada dawladdu inay yihiin shaqaale u adeega dadweynha bixiya mushaharkooda, ciddii hawshoda ka soo bixi weydana ay tusi karaan dhabbada loo maro suuqa shaqo la'aanta. Haddaba dalalkan galbeedka ee ku socda nidaamka dimuquaadiyada furani, waxa ay gaadheen heer dhab ahaan awooddu gacanta shacbiga ugu jirto. Waxaad taas arkaysaaa marka aad ka qayb qaadato shirarka Madaxdu la yeelato dadweynaha. Waxa kuu muuqanaysa dhacdo aad uga duwan tan looga bartay madaxda Afrika iyo Carabta. Ma jiraan ciidan hubaysan iyo dhar cad dadka juuq dhegaystaa, waayo waxa meesha joogaa waa madaxda oo hor timi ciddii shaqada u qoratay, mushaharkoodana bixiya oo ka raba xisaab iyo xog waran. Cidi uma dhaxayso, su'aalahana waxa leh shacbiga, dhididka iyo madax foorarkuna waxa uu la saaxiib yahay madaxda.
Waxaad maqlaysaa ereyga, haddaanu nahay cashuur bixiyaasha ( Tax Payers). Waa erey kolka codbixiyo laabta gashado siinaysa geesinimo iyo dhiranaan uu nin kasta oo xil dawladeed haya kula xisaabtamo, isagoon libiqsanayn, bal se indheha ku caddeynaaya shaqaalihiisa uu hawsha ka sugaayo. Waxaad arkaysa Ra'iisul Wasaare wiil,yari dadweyne dhexdiis ku leeyahya beenaale, iyo isagoo si qabow wiilka ugu sharxaaya inayna been ula kas ah ka ahayn ee ay meesha la martay, kana dalbaaya is-faham iyo in fursad la siiyo. Madxadu waxay ogtahay in xisaabtan adag dadweynahu xaq u leeyahy, haddayna u diyaar garoobina ay xilka waayi doonaan. Xildhibaan kasta iyo Wasiir kastaa waxuu jecel yahay inuu cidda u soo cabata sida ugu habboon wax ugu qabto, isagoon u eegeen inuu yahay qof u codeeyey iyo in kale, waayo haddaanu u codeyn waa mid uu u baahan yahay inuu xeradiisa ku soo xidho, haddii uu u codeeyeyna inuu kalsoonidiisa sii adkeeyo. Mar walba waxa boqor ah dadweynaha. Siyaasi weyn oo arrintan ka hadlay waxuu yidhi, " Waxaan ugu jecelay kolka muwaaadin cabanayaa ii yimaado, waxaan u guntadaa inaanu marna iga tegin isagoon qalbigiisu kalsooni buuxda igu siin. Maalinta aan waayo cid cabanaysa, waa maalin aan ii tirsanayn. Ninka qof toos ugu soo cowday kalsoonidiisa kasban waayaa, ma noqon karo siyaasi dimuquuradi ah."
Inteeba siyaasiinteena sidaas u dhaqanta. Inteeba se shacbigu u arkaa madaxdu inay tahay shaqaalahooda, la-xisaabtankuna yahay waajib luqonta ka saran. Aqoon la,aanta dadweynaha ayaa horseed u ah in madaxdii dadweynha ka biqi lahayd noqdaan qaar iyaga laga baqo. Ilaa arrintan aqoon yahanka, jaamacadaha iyo ururada bulshadu iska kashadaan oo ay kor u qaadaan wacyiga siyaasi ee dadweynha lama gaadhi karo in matalaada dadweynahu tamar yeelato, xataa kolka nidaamka Hal Qof Hal Cod lagu dhaqmo. Waayo codbxiintu waa mid aan ka qiimo badnayn warqad sanduuq lagu riday. Waxa ka maqan ficilkii codkaasi noqon lahaa kan madaxda awoodda siiyey, kan xaq u leh inuu la xisaabtamo, kolka ay la noqotana xilka ka qaadi karo. Taas oo meesha ka madhan, waxa lagu jirayaa nidaam garac ah oo geesna codbixin xor ah, iyo tartan xisbiyo badan ka jiraan, geesna ka ah nidaam kelitalis ah oo inta awoodda haysaa ayna dheg u lahayn qaylo dhaanta dadweynha.
Aan maqaalkan ku soo xidho taariikhda codbxiinta Soomaliland. Waxa aan la yaabay inaan ogaaday in codbxinta dumarka Somaliland la ansixiyey 1964 oo barlamaankii Xamar sharci taas ka soo saaray doorashadii 1964 ka hor. Taasi waxa ay ka dhigeysaa inaan dumarku doorashadii 1960 ee israaca ayna foodin, laga yaabaa in arrintu si kale u dhici lahayd hadday awoodda cod bixinta haysataan. Waxa iyana la yaab leh inuu Ingiriisku awoodda codbixinta dumarka Soomali Italiya siiyey intii ka horreysay 1949. Waa arrin u baahan in la sababeeyo. Bal aan ka sugno colkii xiligaas loolanka siyaasiga ah soo maray iyo duqaydii reeraha u cumaamadaysanayd waxa Ingiriis dumarka Somaliland afka u qabtay, kolkuu kuwa Soomaaliya awoodda cod bixinta hore u siiyey.
Ereyga iigu dambeeyaa, waa ma u baahanay inaynu siino aqoonyahanka cod ka badan hal cod si looga midho dhaliyo hadafka looga jeedo doorasho lagu helo dawlad mas'uul ah. Ma kula thay in la dhiso ururo shaqaale Trade Unions, oo u adeega xuquuqda shakhsi iyo siyaasadeed ee shaqaalaha manta noqday dar xoriyadooda siyaasi la baqa. Maxaa ragaadiyey doorka Jaamacadaha looga baahnaa dhinaca dhismaha bulshada iyo horumarinta hilinka dimuquuradiyadda. Arrimahani waa qaar u baahan inaynu u aragno wadar ahaan, innagoon dawlad iyo shacbi kala soocneyn, innagoon mucaarid iyo muxaafid u kala baxayn. Waayo dimuquraadiyadu waxaa u asal ah inuu muxaafidku maantu u diyaar noqdo inuu berri mucaarid noqdo, iyo in xubno dadweynha manta ka tirsani noqdaan berri madax dawladeed, kuwa kuraasta manta fadhiyaan, ay dib suuqa ugu soo noqdaan. Waaba sunaha dimuquraadiyada. Haddii taas bulshadu garanweydo, waxa loo hayaamayaa hab qofku kursiga ku dhigo, dadkuna garan waayaan biyo ay xabagta kursiga ku dhajisay kaga maydhaan. Muxaafidka dimuquraadaiyada aaminsani, waxuu ula dhaqmaa mucaaridka isagoo laabta ku hayo inuu berrito isna noqon karo mucaarid. Kolka se uu u foodhyo sida boqorada, waxa laga dheegtaa nin aan u diyaar ahayn in cod xor ah oo sanduuq lagu hilay ka saaro sarta diiran iyo kursiga awoodda aadmi ka wedynaysa uu ka helay. Waana damac indho tiray madax badan oo ka tirsan qaaradda madow iyo inta af-carbeedka ku hadasha. Qormooyinka soo socda waxa aynu ku eegi doonaa dawlad mas'uul ahi waxa ay tahay. Waa maxay mas'uuliyadda laga doonayaa ? Sidee fikir ahaan lagu soo gaadhay habkan lagaga dhaqmo dalaka dimuquraadiga furan? Awood aan Mas'uuliyad lahayn maxaa ka dhasha? Yaa baxsha awoodda siyaasi? Sidee loo helaa xisaabtan lagu dabro xil-qaadaha dabarka goosta? Doorka garsoorku waa side? Bolisku inteeba mas'uul ka yahay wanaaga iyo xumaanta dawladda?
Aan idinku maca-salaameeyo hadal dhowaan uu ku cowday muwaadin reer Zimbaabwi ahi, waxuu yidhi; " Dadweynahu waa sida adhiga dacawada keliyi eryanayso mid midna u cunayso, ciidan iyo boliis iyo shaqaalo dhammi waxuu isu arkaa inuu madaxweynaha u shaqeeyo." Waxaan is-weydiiyey tolow haddii adhigu sida aadmiga maskax qaraar-qaadosho lihi ku jirto, ma u dhaqmi lahaa sida ninkaas ka dhawaajiyey. Maxaa dadweynaha Afrika ka dhigay inay u dhaqmaan sida adhiga, iyagoo aadmi ah. Waa amour u baahan in la lafoguro, oo dadku waa isku mid ah, laga saaro waxa hab-dhaqankan is-duleynta ah dhaliyey meesha laga saaro. Waa xal ina sugaaya, aan lagana gaban kareyn. Waa waajib nin madow u yaal.
Waa inoo maqaal kale iyo fakir aan idinla wadaago Insha Allah.
Ahmed Arwo Cardiff, U.K samotalis@gmail.com .
|
|
No comments:
Post a Comment