Waxa la yaab ah in maamulka dalku yahay mid aan go,aan ka gu,in, barnaamaj ka socon, talo ka soo bixin. Waxa uu noqday mid is daba wareega, oo hawl kastaa seddexda Gole min laba jeer sii marto oo soo marto. Waa waqti lumis aan dunida meel kale lagu arag, ujeedo aan lahayn oo dhaliya niyad jab iyo malal mujtamaca haleelay.
Dalku waa dimuquraadi, haddana arrin waliba waxa uu wareegaba waxa soo afjara waa Madaxweynaha oo keliye. Weedhiisa oo keliya ayaa socota. Bal waxaad eegtaa xukunkii seddexda maxkamadood ku qaadeen raggii argagixisada loo haystay oo waqti badan iyo maalba ku baxay. Sow Madaxweynahu, isagoon garyaqaan la joogin, isagoon dacwada xaadir u ahayn, kiiskii oo dhan muu bedelin, dil ilaa sii dayn. Maxaa inagu kalifaaya inaynu khrash aan loo baahnayn iyo waqti ku lumino. Miyeyna ka haboonayn inaynu amba sharciga noocan ah een dunida ka jirin hagaajino, amba kolka horeba toos dambiilayaasha loo horgeeyo Madaxtooyada.
Dunida dimuquraadiga ah Dalka Maraykanka oo keliya ayaa Madaxdu dilka ku bedeli kartaa xabsi iyadoo nidaam iyo guddi hoosaad soo maraysa. Xataa boqortooyada Sacuudiga kama dhacdo xukun muddaysan oo la bedelo. Waxa la yaab ah sida xukun mudaysan oo ku salaysan go,aan maxkamadeed loo bedelaayo. Maxuu ku dhisan yahay 20 sano ayaan ku bedelay 10 iwm. Yaa ku kalsoonaan kara go,aan maxkamadeed, haddii sida la doono laga yeelaayo. Maxaa u diidan in dadka kale ee xabsida buuxshay iyana la saamaxo, muddadoodana la yareeyo.
MARNA MA LIHI RAGGA LAGA DHIMAY WAA DAMBIILAYAAL, WAAYO SHAKIBAA IGA GALAY CADAALADDA MAXKAMADAHA OO WAXAA KA MUUQATA IN FAROGELIN TOOS AH UU KU LEEYAHAY GOLAHA FULINTU. XUKINKA MAXKAMADUHU WAXAY LUMIYEEN KALSOONIDII AY U BAAHNAAYEEN. WAANA TAN DADWEYNAHU AYNA MARNA KU QANACSANAYN GO,AAMADOODA.
Bulshow ma ogtahay inaynu badhanka ugu jirno bishii lixaad ee sanadka, welina aan la dhaqan gelin miisaaniyadii qaranaka. Waxay u eegtay in miisaaniyadda sida sharci darrada ah dawladdu u daadafaysay uu sanadkuba dhammaado IYADOON LA DHAQAN GELIN. Haddaba sharci darrda ay dawladdu ku dhaqmayso yaa joojinaaya. Boliskii qaban lahaa iyo Maxkamadii xukumi lahayd waxaa maamula rag ciddii ka biqi lahayd iyago ka baqa, habrada oo shaqadooda lagu dulmiyo.
Waxa caado u noqotay madaxtooyadu inay ka dhigto wax kasta oo barlamanku saxo mid meel ka dhac ku ah. Waxa la yaab leh haddii Madaxtooyadu ilkaha iyo cidiyaha ku daagaalamayso si ay u maquuniso Golaha Sharcidejinta, iyagoo dhabta ku seexiyey Golha Garsooraka, siday hawsha qaranku ku socon karto. Golaha Wakiilada oo xaq distoori ah gutay oo weliba si gabasho ah ay faro dhuubni ku xantoxanteeyeen miisaaniyada, ayaad moodaa in Madaxtooyada hanti gaar ah laga dhacay. Waxa miisaaniyada la celiyey la kowsaday canbaareen, eedeyn, hanjabaad, itaal sheegad, baaq beeleed, tartarsi, iyo jaahwareer gobalada Soomaliland een midna wax loo qaban madaxa leysu geliyo oo indhaha shacbiga laga jeediyo boobka hantida qaranka iyo maamul xumida curyaamisay hawl-qabadkii dawladda.
Waxa laga qaylinayaa waa xoogaaga loo kordhiyey ee lagu badhitaaray Jaamacadaha Camuud, Burco iyo Hargeysa. Waa horumar bulsho oo la diiday, waa jeeb gaar ah oo gun dheer oo loo doonaayo in lagu shubo maalka yare ee islaanta Boorame tamaadhada ku iibisa, iyo tan caanaha milicda Burco ku gadaysa, iyo odayga macal-qabadka saylada Ceerigaabo cadceedu ugu soo baxdo laga faro maroojiyey. Waa ayaan darro in bulshadan gees ilaa gees faqriga iyo cadaalad darradu wado taabatay, haddana iyaga timaha leysugu xidho, oo gobal iyo qabiil aan midna mid dhaamin la kala shaki geliyo.
Kolka inta ku amartaagleysa hoggaanka dalku ay yihiin dar aan qabiil iyo gobal midna wadaagen ee ku heshiiyey danno gaar ah, ayey bulshada ay dulmayaan reer reer u kala saaraan. Waxaad maqlaysaa wasiir beel canbaaraynaaya oo maalin walba rag beeshaas ka tirsani barbar joogaan, waxaaad maqlaysaa Guurti talaayey haysa, reerka ay kicinayaana aan waxba u hayn. Waa qaylo been ah iyo jeedin danyarta la dhacay baadi doonkeeda la leexinaayo.
Bal eeg iyana Golaha Wakiilada oo dhowaan la horgeeyey xubnihii Komishanka Doorashada. Waxa Guddigii soo baadhay sheegeen in seddex nin ay u arkaan inay da,dooda ka weyn yihiin. Waana dhab jirta oo anigaa seddexda sidayda u doonay oo ogaaday rag aad u yaqaan, oo qaarkood raggaas ay macalimiin u ahaayeen. Waxa haddaba la yaab noqotay sababta loogu fooday. Haddii sharcigu qabo inayna 60jir ka weynaan, meyeyna ahayn in halkaas sedexdaba lagu hor joogsado. Inayn haddii food la geliyo wax kasta ayaa ka soo baxaaya, sida ay haddaba u dhacaday.
Raggan se doonaaya inay noqdaan xaq soorayaal oo weliba ah niman akhyaar ah oo da, iyo aqoonba leh, maxay isu sharaf ridayaan. Waxa la habboon labada la reebay iyo ninka la ansaxiyeyba inay ka hawl yareestaan oo sharaftooda dhowraan, eegaana mustaqbalka dalka. Sideedaba maan garan waxa looga jeeda qodobka da’da. WAA MID AAN UJEEDO LAHAYN. HASE YEESHEE WAA SHARCI MAANTA. WAXAAN JECLAAN LAHAA IN QODOBKAAS LA BEDELO. WAA SE ARRIN KALE OO MAALINTEEDA SUGAYSA.
Waxa manta taas iyana ku soo koradho arrin ka dhigaysa sidii cadada ahayd inay hawshani wareegto ooy wareegto ooy ku dhammaato weedha Madaxweynaha. Waa ayaan daree maxaa Golaha Wakiilada loo geynaya, haddaan go’aankoodu soconayn, oo arrinku noqonaayo sida Madaxweyanahu raali uga yahay. Miyeyna ahayn in Golaha wakiilada khrashkooda la joojiyo, la kalo diro oo arrinta Sharci dejinta aynu ku wadno barakada Madaxtooyada. Ma laha Mushaharka badan ee Madaxtooyada sidan ayaa loola jeeday ee inagaa meel kale wax ka eegnay.
Waxaynu u baahanay inaynu qiimeyno sidii looga maarmi lahaa arrin mar walba intay xiisad ina geliso, oo dadka kala disho haddana hab aan cidina ku qanacsanayn lagu dhammeeyo. Ma waxaynu ku istareexnaa ka cadhaysiinta muwaadiniinta, ma waxynu qalbi jabinaa dadweynaha jecel horumarka, ma waxaa inoo hadaf ah inaynu beelaha isku dirno, inaynu ka qaylisiino xildhibaan cadho iyo ficil ayna ka fiirsan ka soo yeedho. Kolna Cali Gabiiley oo ah nin reer Hargeysa ah, Hargeysa ka soo baxay, ku dhashay oo ku barbaaray oo ah nin reer Jameeco ah, loogama fadhiyin waxa laga soo wariyey. Waxaa laga sugaayey inuu noqdo xubin muujisa in qabiilka deegaan lagu bededlo. Nin beelaha isku keena oo noqda briijkii isku xidhi lahaa, oo danta guud ka shaqayn lahaa. Tan gaar uma aha ee waa waajib xubnaha dhammaan saran, waa se mid isaga culays gaar ah aan ka saari lahaa.
Waxa se la yaab ah in intaas oo dhan oo dhacday haddana loo ololaynaayo in isla raggii mar kale la soo celiyo. Waxaan garan waayey miyaa la waayey rag kale oo isla beelahaas ah oo 60jir ka yar oo hawsha qaban kara. Maxaa Komishanka sharafta looga qaadayaa, oo laga dhigayaa mid xoog iyo xeelad lagu keeno. Waxa karaamadu ku jirtaa in cid leysala garto oo lagu wado farxo siidhiga loo dhiibo. Oday Sulayman ee Guurtidiisa, waxaa ka muuqda garab mar ay si badheedh ah uga leexdeen danta laga lahaa jiritaankooda. Waa guurti gar eexo naqday. Waxayna qiimo jabeen markii ay muddada isu kordhiyeen, waxayna noqdeen dar aan fulin kara hawsha loo igmaday ee la-xisaabtanak Golaha Fulinta. Waxay yihiin shaanbad lagu duugo rabitaanka Golaha Fulinta. Waana caqabada ugu weyn ee horjoogta kobcinta dimuquuraadiyada Soomalilaand.
Waxaan soo akhriyey habka loo magacaabo Komishanka dalkan Ingiriiska. Waxaa sida shaqada la iclaamiyaa oo la xayeysiiyaa in la soo qorto arji iyadoo shuruudo cad iyo hawsha laga filaayo la soo shaaciyo. Iclanka waxaa lagu baahiyaa jaraaidka dalka oo dhan. Waxa qof kastaa xaq u leeyahy inuu arjiga u qorto Guddi Madaxbanaan oo shaqo qorista shaqooyinka caynkaas ah u xil saran. Xisbi iyo dawlad midina shaqo kuma leh. Komishanka marba tiro go’an ayaa hawsha ka baxda. Kolkaas marwalba waxa Komishanka ku jira cid khibrad leh oo hawsha u fududaysa inta cusub. Weli lama sheegin komishan dhammaan la wado bededlo, oon dembi gelin. Komishanku guud ahaan waxuu la shaqeeyaa Golaha Wakiilada oo wuu ka madax banana yahay Golaha Fulinta. Xataa Gunadooda waxaa garta oo ansixiya Golaha Wakiilada. Ra’iiisal Wasaaruhu aqoonba uma leh xataa jiritaankooda.
Waa arrin ku dayosho leh. Waana meel la gadhi karo, haddii lala yimaado wadaniyad iyo cadaalad la doonaayo in doonista dadweynaha aan la maroorin. Doorasho xaq ihi waxay ka turjumtaa doonista shacbiga, mid la marooriyaana waxay ku timaadaa dan kooxeed oo ka dhan ah rabitaanka dadweynaha. Taasi waxay dhasha kalsoonida ooy weydo dawladu, waxaynu ummadda u horseedaa hab-maamul xumo dhalin karo fashil bulsho iyo qaran dumis. Aynu ka fogaano waxii inoo jihayn kara dhinaca burburka iyo dumista qaranimadeena dhalinta yar.
Maanta reer Somaliland hayska jiraan iska horkeenka qabiilka ku dhisan ee kooxdan is daba wareegaysaa ay maamulkii dalka ku afduubeen. Dhibaato dhammaan wey ina haysaa, oo ma jiro gobal iyo beel ka fayoobi. Waxa leynoo kala saarayaa waa inaan la xisaabtan dhicin, inaan laba canlaynta dawladdu ku hayso qabnigii qaranka la arag. Fur maskaxdaada oo xusuuso balamada beenta ah ee mar walba la soo cusboonaysiiyo. Ha iloobin inta jeer ee wershaddii sibidhka laga iibiyey shirkado been ah, ha iloobin betroolka bil walba soo butaacaaya, sidoo kale darajada ciidamada iyo shaqaalha ee sanad walba taagan, isku xidhka tilifoonda dalka ee marwalba ganata lagu hayo. Mashruuca Berbera corridor ee soo noqnoqonaaya. Kolka aynu dhammaan degmo kastaa ilaashato maamulkeeda, maalkeeda, iyo xaqsoorkeeda, ayeynu gaadhi karnaa dawlad lala xisaabtamo, oo dadweynaha ka baqata. Waxaynu tuuri heeryada dulmiga, waxaynu heli huga cadaaladda oo waxaynu dhisi qaran sharcigu hago oo horumar bulsho hiigsada.
Mahad Alle iyo Maamul Suuban.
Ahmed Arwo
Cardiff, U.K
samotalis@gmail.com
http://samotalis.blogspot.com/
No comments:
Post a Comment