17 March, 2017

Weftiga Guddoomiyaha KULMIYE ee Nairobi oo la Kulmay Safaaradaha Dalalka Denmark, Finland, Australia iyo Hay’adda USAID

Weftiga Guddoomiyaha KULMIYE ee Nairobi oo la Kulmay Safaaradaha Dalalka Denmark, Finland, Australia iyo Hay’adda USAID

Nairobi ( )- Guddoomiyaha xisbal-xaakimka haya talada Jamhuuriyadda Somaliland ee KULMIYE, ahna murrashaxa jagada Madaxweynaha ee xisbiga Md. Muuse Biixi Cabdi iyo weftiga uu hoggaaminayo ee socdaalka shaqo ku jooga dalka Kenya, ayaa kulamo la yeeshay Safiirrada Safaaradaha dawladaha Denmark, Finland iyo Australia ee ku leeyihiin magaalada Nairobi iyo madaxda sare ee hay’adda USAID.
Shir ka qabsoomay xarunta Safaaradda Denmark ku leedahay magaalada Nairobi, ayaa dublumaasiyiinta saddexda dawladood ee Denmarka, Finland iyo Australia ee Nairobi ku qaabileen Guddoomiyaha KULMIYE Md. Muuse Biixi iyo xubnaha weftigiisa oo ay ka wadahadleen arrimo kala duwan oo la xidhiidha danaha Somaliland iyo wadashaqaynta ka dhaxaysa dawladahan.
Waxa kalo weftiga Guddoomiyuhu la kulmeen Agaasimaha hay’adda mucaawanada dibadda ee dalka Maraykanka ee USAID u qaabilsan Somaliland iyo Soomaaliya Mr. Tyler Beckelman oo uu wehelinayey La-taliyaha hay'adda USAID ee dhinaca doorashooyinka Bariga Africa Johanna Wilkie.

Weftiga Somaliland waxay kala hadleen dublamaasiyiintan iyo madaxda USAID xaaladdaha Somaliland ku jirto oo ay ka mid yihiin abaaraha saameeyey dalka iyo doorashooyinka ku soo foolka leh oo ay u sheegeen in labada arrimoodba looga baahan yahay beesha caalamku inay gacan ka gaysato.
Waxa kale oo ay u soo jeediyeen in deeqaha ay bulshada caalamku siinayso Somaliland gaar looga dhigo, isla markaana lagu saleeyo qorshaha shanta sanno ee horumarinta Somaliland ee ay dejisay xukuumaddu.
Dhinaca kale, weftigu waxay kulan la qaateen Afhayeenka Baarlamanka dalka Kenya Mr. Justin Muturi iyo hoggaamiyaha Aqlabiyadda mudanayaasha aqalkaasi Md. Aadan Barre Ducaale, waxaanay ka wada sheekaysteen xidhiidhka labada dal ee Somaliland iyo Kenya iyo sida loo sii xoojin karo.

Murrashaxa Madaxweynaha KULMIYE Md. Muuse Biixi waxa kulamadaasi ku wehelinayey xubnaha weftiga oo kala ah Guddoomiye-ku-xigeenka koowaad ee xisbiga KULMIYE Md. Maxamed Kaahin iyo Wasiirka Wasaaradda Khayraadka BiyahaMd. Xuseen Cabdi Boos, Safiirka Somaliland u qaabilsan Kenya Md. Cabdillaahi Cabdi Cali, Wasiirkii hore ee Arrimaha Dibadda Somaliland Dr. Maxamed Cabdillaahi Cumar iyo siyaasiga Cali Baashe oo ka tirsan xisbiga KULMIYE.

Xafiiska Warbaahinta Xisbiga KULMIYE

http://samotalis.blogspot.com/

No comments: