31 March, 2017

DHAMBAL TACSI AH OO KA YIMID MUSTASHAR AXMED CARWO..LABADA MARXUUM...AXMED FARAH JIRE IYO CABDIKARIM XAASHI CILMI



Mustashar Axmed Xasan Carwo Isagoo ku hadlaya magaciisa, kan reer Cabdi Carwo, waxa uu tacsi u qoysaska, ehelka, qaraabada, asxaabta iyo shacbiga Somaliland ee ay ka baxeen Alle ha u naxariistee Marxuum Axmed Farax Jire iyo Mujaahid Cabdikarim Xaashi Cilmi oo ku kala geeriyooday Sacuudiga iyo Hindiya. Laba nin oo taariikhda halganka midba si ugu suntanaa. Mujaahid Cabdikarim waxuu ahaa hogaamiye kaalin mug weyn ku lahaa dib u soo celinta qaranimada dalka isagoo safka hore ee dagaalka kaga jiray halganka, qayb laxaad lehna ka qaatay dhismaha qaranka isaga oon marna ka maqnaan hogaaminta qaranka  haddana ahaa Agaasimaha Guud ee wasaaradda Gaashaan-dhiga.

Axmed Faarax Jire waxuu hogaamiye safka hore kaga jiray taakuleynta SNM ee dhaqaale isaga oo xilal kala duwan ka soo qabtay guddiyadii SNM ee Sacuudiga, waxuuna ka mid ahaa raggii ugu horeeyey ee dalka u soo hiloobay una yimid maalgashi iyo dhismaha qaranka, mey dhicin oo waxa haleeley xanuun uu muddo dheer la jiifay oo dib ugu celiyey Sacuudiga. Axmed waxuu ka mid ahaa ragga aan kaga deydo maskax furnaanta iyo hadal caddaanta. Nin isku kalsoonaa oo qalbigiisa iyo afkiisu wada socdeen. Waxuu ii ahaa saxiib weyn oo hiil iyo hooba naga dhexeeyey. Waxaan tacsida si gaar ah ugu dirayaa reer Faarax Jire, iyo ehelkooda ballaadhan ee habarwadaag iyo ilmaabti leh, abti iyo habaryar leh. aan si gaar ah u magacaabo Faysal Cali Waraabe oo uu marxuumku abti u ahaa.Waa reer aan saaxiibtinimo iyo tolnimo gaar ah la leeyahay.

Waxaan labada marxuum Alle uga baryayaa inuu qabriga u nuuro u waasiciyo, ugana dhigo beer ka mid ah kuwa jannatul fardaws, ehel iyo asxaabna ina waafajiyo samir iyo duco.


Mustashar Axmed Xasan Carwo
La-taliyaha Madaxweynha ee Dhaqaalaha, Ganacsiga
iyo Maal gashiga

samotalis@gmail.com

00252 424 2077


http://samotalis.blogspot.com/


http://samotalis.blogspot.com/

No comments: