16 January, 2017

DHAMBAAL TACSI AH UU DIRAAYO MUSTASHAR AXMED CARWO , GEERIDA MARXUUM PROF. XUSEEN MAXAMUUD AADAN (XUSEEN TANZANI)

INAA LILLAH WA INNAA ILLEYHI RAAJACUUN. Waxaan tacsi u dirayaa xaasaskii, tafiirtii, ehelkii, qarabadii, xigtadii, xigaalkii, iyo guud ahaan qaranka Soomaliland xukuumad iyo shacbiba geerida Maxuum Prof. Xuseen Tanzani, 

Marxuum Prof. Xuseen Tanzani, waxuu ahaa laambad aan cidi labeen oo ka iftiimeysa degaanada Soomaaliyeed, gaar ahaan dalka Somaliland ee uu ka soo jeeday. Wxuu ahaa nin aqoontiisa ula soo guuray Soomaalida si uu u horo aqoontiisa horumarka iyo kor u qaadka garaadka Soomaaliyeed. Waxuu ahaa muwaadin aan qabiilkiisu yahay Soomali, abtirsiintiisu ka bilaabanto Soomali kuna dhammaato Somali.
Waxuu qoray buugag badan oo uu kaga hadlaayo marxaladii Soomaalidu soo martay ilaa dagaalkii SNM iyo xukuumaddii keli-taliska ahyd, taas oo uu ku cadeeyey sida kaacnku u lumiyey kalsoonidiisa iyo khasaarinta juhdigii uu galiyey qoomiyadda Soomaaliyeed.

Waxaan ku xusuustaa, doodihii iyo workshoyadii uu 70naadka abaabuli jiray ee uu kor ugu qaadi jiray qarannimada iyo dal jaceylka qoomiyadda Soomaaliyeed meel kasta ooy joogtaba,

Alle waxaan marxuumka uga baryayaa dambi dhaaf, iyo inuu qabriga u nuuro una waasiciyo, kuna manaysto jannatul fardaws, dhammaanna ina waafajiyo samir iyo duco.

INNAA LILLAAH WA INNA ILLEYHI RAAJACUUN.

Mustashar Axmed Xasan Carwo
La-taliyaha Madaxweynha JSL ee Dhaqaalaha,Ganacsiga iyo Maalgashiga,
samotalis@gmail.com
00252 634242077

http://samotalis.blogspot.com/

No comments: