17 November, 2016

AAKHIRO MAALKAAGA WAXA KAA RAACAAYA WAXAAD LA BAXDO....MUSTASHAR AXMED CARWO

Maanta dalkeena waxa ka taagan abaar baahsan, culus oo gun dheer, mid la mid ah amba ka daran kuwii magacyada xum la baxay ey ugu dambeysay dabo dheer. Abaartaas dabo dheer waxaan ka mid ahaa ardaydii iyo shaqaalahii ka hawl galay Dujuuma. Dadka ay maanta haysaa waa isla dadkii xiligaas ay ku dhacday. Waxay i xusuusisay dhibtii ay soo marayn iyo gurmadkii caalamiga ahaa ee Ruusku hormoodka ka ahaa. Garoon weyn oo dayuuradaha waaweyn ee dadka iyo duunyada soo daabulaaya ayaa si is dabo joog ah u soo fadhiisanaayey.

Maanta waa tii ooyna jirin gurmadkaas caalamiga ahi, waa tii oon haysan dayuurado u gurmada. Maanta waxa dadakan caalmi u ah waa qurbojoogta oo qaata kaalintooda. Inagaa hay'adaha kaga filan, walow ay kol uun ka hawl gali doonaan. Waa gaabis oo in badan ayaa ka dhimata intayna soo gaadhin, xoolo badan ayaa bakhtiya oo duunyo badan ayaa baxda. Gurmadka koowaad waa dadka gudaha iyo xukuumadda waxa labeeya waa qurbojooga.

Waxaan u soo jeedinayaa in xukuumadda seddexda Gole inay hormood ka noqdaan, taageerada ooy ficil ku daraan shakhsiyadeysan adduun bixin iyo ka hawl galba. Waxaan anigu bixiye bil mushaharkeed, waxaan halkan ugu sheegayaa waa dhiiragelin, ma aha ku faan, Waxa habboon in lacag bixinta iyo taakuleynta la sheego, laakiin ma haboona in qof gaajo iyo haraad hayo leysku sawiro. Qofkaasi ma jecleysanaayo. Waa adigoo kale. Waxaynu jecelnay inaynu is sa sawirin meel qurxoon, iyo inagoo hagaagsan..Xataa kolka aynu wax cunaynu naga daa sawirka ayeynu nidhaahnaa.Ha la dhowro xaqqa muwaadinka la kaalmeynaayo.

Ma aha cid kale waa walaaladaa, walaaladay, ehelkaa, xididkaa, xigtadaa, asxaabtaa kuwa ay ku habsatay abaartu. Adigu haddaad maanta ladan tay waxay kugu tahay imtixaan iyo fursad qaali ah ood ka faa'idi karto. Waxa Alle ku faray inaad adduunka uu ku siiyey sako iyo sadaqad ka bixiso. Waxa laguu sheegay aakhiro waxa keliya ee maalkaaga kaa raacayaa inay tahay inta aad sako iyo sadaqo la baxdid.
Sadaqada aad waalidkaa iyo ubadkaa aad ka bixisaa waxay u raacdaa aakhiro, waa camal wacan Alle u xisaabin doono. Sadaqadu waxay keentaa ducada oo la aqbalo, risiqa oo kordha, caafimaadka iyo cimriga oo barakooba. Waa furaha kheyrka oo dhan. Waxay sababtaa muxibo iyo isjaceyl bulsho, waxay baabiisaa cadownimada iyo xasadka, waxay daaweysaa xanuunada qalbiga.

Muwaadin ka qayb qaado taakuleynta walaaladaa, meel kale ha marin ee ku hubso waxaad la baxayso halka loo qorsheeyey, cidda samafalkan ka qayb qaadanaysaa ha noqdaan dar ku soo uruuriya xisaabta guud. Ha la helo meel raadraac leh, la xisaabtan leh, xisaab celin leh. Ha loo hagar baxo taageerada walaaladaa haraad iyo gaajo halista gelisay, ka dishay xoolahoodii, ka dhigtay sabool caafimaad darro u weheliso. U nax oo u gurmo, aakhirana geyso keyd abaalmarintiisu kor u dhaafayso toban jibaar ilaa inta Alle og yahay.    

Alle ha ka baalmariyo ruux kasta oo ka qayb qaatay taakuleynta walaalihii. Allow roob iyo raxmaad dad iyo duunyo mahadiso. Allow noo naxariiso oo ha nagu ciqaabin dunuubta naga dhacda ee noogu naxariiso wanaaga iyo cibaadada inta toosin sameyso.


Mustashar Axmed Carwo
La-taliyaha Madaxweynha JSL ee Dhaqaalaha

http://samotalis.blogspot.com/

No comments: