25 August, 2010

Ciidamada Booliska Boorama Oo Xildhibaan Baarlamaanka Soomaaliya Ka Tirsan Xabsiga Dhigay Mudanayaal Kalena Magaalada Ka Baadi-goobaya

Ciidamada Booliska Boorama Oo Xildhibaan Baarlamaanka Soomaaliya Ka Tirsan Xabsiga Dhigay Mudanayaal Kalena Magaalada Ka Baadi-goobaya

Boorama(Togaherer.com):- Ciidamada Booliska ee magaalada Boorama, ayaa maanta Xabsiga u taxaabay Mudane ka tirsan Baarlamaanka dalka Soomaaliya, kaasoo toddobaadkii inna dhaafay Boorama safar ku yimi, isla markaana laba Xildhibaan oo kale oo ay isla maanta rabeen inay Boolisku qabtaan ayaa baxsaday, kuwaasoo la sheegay inay weli ku baadi-doonkooda ku jiraan Ciidanku.

Wararka ka imana magaalada Boorama ee xarunta Gobolka Awdal ee ay heleyso shabakadda wararka ee Togaherer.com, ayaa sheegaya in Ciidamada Booliska saaka gacanta ku dhigeen Xildhibaan Cabdoo Maax Faarax (Cabdoo-Shoodhe) oo ka mid ah Mudanayaasha Baarlamanka dawladda ku-meel-gaadhka Soomaaliya, hase ahaatee, dhalasho ahaan ka soo jeeda Gobolka Awdal, ka dib markii uu dhawaan si qarsoodi ah ku soo galay Boorama oo ay reerkiisu degan yihiin.

Sidoo kale, laba Xildhibaan oo ka tirsan Baarlamanka Soomaaliya oo iyaguna u dhashay isla Gobolka Awdal oo magacyadooda la kala yidhaahdo Sitiin Xuseen iyo Xildhibaan Wehel oo labadooduba hore uga tirsanaan jiray Saraakiisha Wasaaradda Maaliyadda Somaliland, isla markaana, shirkii Madaxweyne Sheekh Shariif lagu soo doortay kaga qaybgalay dalka Jabuuti, halkaasoo ay kaga mid noqdeen Xildhibaannada Baarlamanka Soomaaliya, ayaanay iyaga Boolisku ku guulaysan inay gacanta ku dhigaan, hase-yeeshee, waxay wararku sheegayaan inay weli ku daba-jiraan, iyaga oo wararku intaa ku daray inaanay labadaas Xildhibaan magaalada ka bixin, balse ay si dhuumaalaysi ah isugu qarinayaan magaalada Boorama oo sidoo kale reerohoodu yaallaan.

Si kastaba ha ahaatee, ha ahaatee, Golayaasha Baarlamaanka Somaliland ayaa hore u ansixiyey sharci ka dhan ah qofka Somaliland u dhashay ee xil ka qabta Soomaaliya ama ka qaybgala shirar dawlad Soomaaliyeed lagu dhisayo, kaasoo qofka ka qaybgalana ku ciqaab marinaya inaanu dalka ku soo noqon karin illaa uu cafis soo dalbado, kana tanaasulo mawqifka uu aamminsan yahay mooyaane, haddii labadaas qodob la'aantood soo laabtana in la xidho illaa inta qodobbadaas laga helayo.

Togaherer.com

Hargeysa/Somaliland.

No comments: