26 July, 2016

DHAMBAAL TACSI AH OO UU DIRAYO MUSTASHAR AXMED CARWO, GEERIDA MARXUUMAD NUURA CARTE QAALIB.

DHAMBAAL TACSI AH OO UU DIRAYO MUSTASHAR AXMED CARWO, GEERIDA MARXUUMAD NUURA CARTE QAALIB.

Waxaan la wadaagayaa ehelkay reer  Carte Qaalib, reer Maxamed Jaamac Badmaax iyo tafiirtooda iyo dhammaan ubad, tafiir, walaal iyo waalidka ay ka baxday Marxuumad Nuura Carte Qaalib oo shalay ku geeriyootay dalka Imaaradka Carabta. Waxaan tacsida si gaar ah ula wadaagayaa anigoo ka wakiil ah dhammaan reer Cabdi Carwo, xaaskeyga ay eedada u ahayd iyo inanteyda ay ayeeyda u ahayd.

Nuura oo hooyo u ah Ilma Maxamed Jaamac Badmaax, waxay ahyd ruux cibaado badan, aan afka ka qaadin tasbiixda iyo ducada Alle hooyo iyo ayeeyo ehel jecel. Alle waxaan uga baryayaa inuu ka abaal mariyo falalkeedii wacnaa, dambigeedna dhaafo uguna naxariisto naxariistii ay u fidin jirtay ehel iyo islaamba.

Allow qabriga u nuur, u waasici, ugana dhig beer ka mid ah beeraha janatul fardawsta sare. Annagana dhammaan na waafaji samir iyo duco.

Axmed Xasan Carwo
063 424 2077



http://samotalis.blogspot.com/

No comments: