24 May, 2016

DHAMBAAL TACSI AH OO UU U DIRAAYO MUSTASHAR AXMED CARWO REER CALI GAAS" GEERIDA MARXUUM AXMED XASAN CALI GAAS .



DHAMBAAL TACSI AH OO UU U DIRAAYO MUSTASHAR AXMED CARWO REER CALI GAAS" GEERIDA  MARXUUM AXMED XASAN CALI GAAS .

Mustashar Axmed Xasan Carwo La-taliyaha Madaxweynaha ee Dhaqaalaha iyo Maalgashiga,  isaga
oo ku hadlaaya afka reer Cabdi Carwo , waxa uu tacsi  u dirayaa qoyska,  tafiirta, qaraabada, ehelka iyo gaar ahaan Reer Cali Gaas geerida ku timi Axmed Xasan Cali Gaas oo ku geeriyooday London 23/05/2016.

  Axmed waxuu ahaa nin waxtar badan, dad jecel, af gaaban oo cibado badan. Nin aan cidi ka caban oon dhib af iyo addin midna u geysan uumiyaha. Weligay kalama kulmin wax aan diido haba yaraatee, waxuu ahaa nin waji furan iyo kalgacal igu qaabila. Dhankeyga waxuu ahaa nin ii tirsanaa.
  Mudane Axmed Carwo waxa uu Marxuumka Alle uga baryayaa inuu jannadiisa Fardowsa ka waraabiyo, qoyska, qaraabada gaar ahaan xaaska iyo tafiirtiisana inuu waafajiyo samir iyo duco. Aamiin.

Mustashar Axmed Carwo
07535447230.










http://samotalis.blogspot.com/

No comments: