19 May, 2016

DAMAASHADKII 18 MAY 2016, SWEDEN IYO DAREENKEY

Maanta waa maalin u suntan reer Soomaliland meelkasta ooy joogaan inay dhafaan khilaaf, inay iloobaan dhibta adduunyo inay gacmaha is qabsadaan ooy  muujiyaan midnimo, wadajir iyo ididiilo wacan. Waa ayaantii ay dhidibka u taageyn qarannimo ay u dhan yihiin. Waa maalinta Laascaanood la bahowday Looya Caddo, waa maalinta Ceerigaabo la mataanowday Ceel La helay, waa dharaarta Hadaaftimo ay Hargeysa gacmaha is qabsadeen, waa maalinta Boorame iyo Burco xabadka isku salaameen. Waa Berbera oo Badhan bariidisay. Soomaliland oo dhan waa u damaashaad, waxa ka xiiso badan oo ka xamaasad badan qurbojooga ku abtirsada Soomaliland. Waxa lagu labisan yahay calanka seddexda midab iyo tawxiidka leh. Habalahu ha ugu bataan hana noqdaan qaar si xarago leh ugu laafyooda duruuc soo jiita inta tamashlaha suuqyada waaweyn ee dunida nasiib u heshay inay xiligaas maraan.
 Waxaan u boqoolay Stockholm caasimada dalka Sweden oo ah meelaha ugu habboon ee aynu ka FIlAYNO INAY HORMOOD KA NOQDAAN AQOONSIGEENA.
Maqaal kale ayaan ku sababeyn, ee aan idinla wadaago hawl maalmeedkeygii iyo dareen hadal.

Waxa aanu ku seexanay fulinta afar barnaamaj oo kan ugu horeeyaa yahay Wasaaradda Arrimaha Debedda ee Sweden iyo 11ka Subaxnimo.
 Waxaanu sidnay warqad isla saaka naga soo gaadhay madaxweyne Axmed Maxamed oo aniga , Safiirka Rooda Cilmi iyo Cabdiraxmaan Bidhiidh Guddoomiyaha Guddiga Ictiraafka ee Sweden, Waxaa na qaabilay Xoghayaha Wasiirka iyo Directorka u qaabilsan arriamaha Afrika. Waanu u xaal waranay una caddeynay mawqifka aanu ka rabno oo si cad ugu qornaa warqadda. Waxay noo soo gudbiyeen hanbalyo iyo bogaadiin Madaxweyne iyo shacbiba ah, waxayna balan qaadeen inay ka shaqayn doonaan adkeynta iyo horumarinta xadhiidhka labada dal.

Waxa xigtay kulankii jaaliyadda iyo banaanbixii. Barkulanka oo ahaa  fagaaraha Barlamaaka ee badhtanka Stockholm oo afar jid oo waaweyni ku soo dhacaan. Waa bar kulan ku habboon cid kasta oo doonaysa ainay gudbiso fariin u socota dadweynaha Sweden. Waa goob lagu dhan yahay mucaarid iyo muxaafidba.Waxa ka hadlay madaxda jaaliyadaha degmooyinka Sweden rag iyo dumarba iyo Seddexda Guddomiye Xisbi, aniga iyo safiir Rhoda Elmi. Waxa dhinac socotay ciyaaraha hidaha iyo dhaqanka iyo heeso wadani ah.
Waxay ahaayeen khudbado taariikh isu sheeg, hanbalyo iyo bogaadin, iyo qiimaha ay leedahay wadajirka iyo midnimada- Waxaan ku tiigaalay kaalinta looga baahan yahay qurbojoogo inuu si wadajir ah oo cuddoon oga qayb qaato dedeaalka bilaabmay ee ictiraaf raadinta, iyo in kol walba la xuso inta u dhimatay halgankii qaranimada lana qiimeeyo inta u soo tacabtay iyo inta nabadda iyo dimuquraadiyada inoo horseeday- !8 May waa maalin loo dhan yhay ee aynu dhammaan isku raacnay inaan qaranimadeena la soo noqono. Ma aha maalin SNM leedahay. SNM maalinteedu waa 6da April- Labadaas dadka isku qaldayaa waa qaar ujeedo kale leh-

Waxa noo xigtay 3-30 oo aanu guddoonsiinay Warqaddii Madaxweynha guddiga arrimaha debedda ee barlamaanka Sweden. Waxaanu aniga, safiirka iyo xubno jaaliyaddu u tilmaanay nuxurka warqadda iyo horumarka aynu ka gaadhnay dhinaca dimuquraadiyadda iyo doorashooyinka iyo waliba sida nabadda iyo la dagaalanka argagixisada aanu ugu kaliyeysanay. Annagoo u baahan inaan xaqqa aanu u leenahay ictiraafka ay hormood ka ahaato Sweden-

6-00 ilaa 8.00 waxa aanu galay hool ka mid ah kuwa barlamaanka oo dad xul ah oo Jaaliyadda ah ay ku casuumeyn xildhibaano uu hormood ka yahay Xildhibaan Amir Adan oo ka soo jeeda Somaliland. Waxa xubnaha barlamaanka hab seminaar wax u weydiinaayey wariyo iyo nin ruug caddaa ah oo u halgama dalalka aan la aqoonsan iyo xuquuqda aadmiga. Waxa seminaarka culays saaray in la helo arrimo la taaban karo oo lagu badhitaaro nabadda, horumarka iyo dimuquraadiyadda Somaliland. Waxaana ka mid ahaa:
  • In la xoojiyo xafiiska wakiilka Somaliland oo inta aan la helin Ictiraaf buuxa laga dhigo mustawaha Falastiin.
  • In la helo xafiis ganacsi oo ka hawl galo Somaliland  taakuliyana hayadda mucaawinada Sweden ee  SIDA
  • In dhinaca safarka loo arko Somaliland dal ka duwan Somaliya oo nabad ah, lagana saaro digniinta saaran Somaliya iyada oo si gooni ah loo qiimeynaayo xaalkeeda nabadeed iyo amaankeeda.
  • In laga caawiyo Somaliland dhinaca la dagaalanka argagixisada iyo tahriibta.
Mawduucyadan oo si qoto dheer looga dooday ayaa noqday nuxurka ay ka hawl gali doonaan xildhibaanda. Waana qodobo u baahan dabogal xukuumad iyo jaaliyadba.
Runtii waxay ii ahayd maalindheer oon lahayn daal waayo waxa na waday wadaniyadda ay ku dheehantay farxad tiigsanaysa guul iyo horumar, bidhaansanaysa iftiin soo shaac baxaaya iyo ididiilo soo dhow. Ayaan wax qabad badan oo reer Sweden wadajir u jeexeen dariiqa ictiraafka iyo horumarka. Waxaan ka markhaati furayaa in 18 May ee Stockholm gali doonto kaalinta hore guulaha jaaliyadahu ka gaadheen rumeynta himmilada 18 May. Aan u mahadnaqo inta hawshan ka soo shaqaysay ee ay ka mid yihiin Safiirka, Daladda Jaaliyadaha Somaliland ee Swden, Daladda Jaaliyadaha ee Yurub, Hogaanka Sedexda Xisbi Qaran ee Sweden iyo dabcan dadweynha oon la´aantood ayna waxba suurtowdeen, ahna muwaadiiniin qaarkood meel dhaadheer ka soo safreyn, leyskuma jiro ee waxaan bilad qaran siinayaa dumarka Somaliland oo wax loo dhigaa jirin tiro iyo tayaba inta meel walba ka hawl gashay.
Guul iyo Gobannimo.

Mustashar Ahmed Hassan Arwo
La-taliyaha Madaxweynha JSL
Dhaqaalaha, ganacsiga, iyo Maal-gashiga.

samotalis@gmail.com
https://www.facebook.com/aharwo/
http://samotalis.blogspot.com/

No comments: