02 April, 2016

TACSI UU DIRAAYO MUSTASHAR AXMED CARWO, LA-TALIAYAHA MADAXWEYNHA JSL EE DHAQAALAHA, GEERIDA MARXUUM DR. CUMAR DIXOOD

 

La-taliayaha Madaxweynaha JSL ee Dhaqaalha Mudane Mustashar Axmed Carwo , wuxu tacsi u dirayaa qoyskii, qaraabadii, ehelkii, asxaabtii iyo shacbiga Somaliland, geerida ku timid Dr. Cumar Cilmi Dixood oo ku geeriyooday maanta Magaalada Hargaysa, madaxwaynuhu wuxuu si gaara  uga tacsiyadaynayaa qoyska iyo qaraabada uu ka baxay Dr. Dixood, iyo dhammaan shacbiga Somalilandba gaar ahaan Gobalada Maroodijeex iyo Hawd ee xudubtiisu ka soo jeeday.

 

" Dr.Cumar Cilmi Dixood waxuu ahaa nin Waddaniyadda iyo qadyadda Somaliland ku dheertahay oo aad ugu hawl galay, kana mid ahaa aas-aasayaashii iyo halgamaagii horseeday xornimada dalka ee SNM, wakhti xaadirkana ka mid ahaa La-taliyayaasha Gaarka ah Madaxwaynaha.
Dr. Cumar waxaan aqaanay tan iyo xiligii 1981 oon ku bartay aasaaaskii SNM ee London. Waxuu ahaa hormood aan ka daalin abaabulka bulshada iyo dhismaha SNM." ayuu yidhi Mustashar Axmed Carwo



No comments: