23 April, 2016

Mustashar Axmed Carwo :" Marxuum Maxamuud Caydiid Laf-cambe... Nin hal adag, mabda leh oon aqoonin siyaasadda dabeyl raaca ah iyo hadafka dheef raadiska is-geddiska badan. .."

Mustashar Axmed Xasan Carwo, La-taliyaha Madaxweynha JSL ee Dhaqaalaha, Ganacsiga, iyo
Maalgashigu, waxuu dhambaal tacsi ah u dirayaa qoyska, tafiirta, qaraabada, ehelada xigto iyo xigaal Xisbiga Kulmiye yo guud ahaanba shacabka reer Somaliland gaar ahaana Reer Caydiid Laf-cambe iyo tafiirtooda daafaha dunida kala joogta, geerida ku timi Marxuun Maxamuud Caydiid Laf-cambe oo ku geeriyooday dalka Canada maanta oo taariikhdu tahay 23/03/2016.


Waxuu ahaa saxiib ilaa yareentii aanu is naqaanay, iyo nin hawlo siyaasadeed na walaaleeyeen. Nin doorashooyinkii ee dalka ka dhacay aanu dhammaan isku god ka dirireynay, isagu aragti ahayn, oon marna aanan ku kala duwanaan. Nin Kulmiye na walaaleeyey, oonu ficil iyo fikirba isla barbar taagnay xisbigaa min bilow ilaa hadda. Nin hal adag, mabda leh oon aqoonin siyaasadda dabeyl raaca ah iyo hadafka dheef raadiska ah ee is-geddiska badan. Waa sifo aan nafteyda ku mataaneeyo marxuumka.
Marxuum Maxamuud Caydiid Laf-cambe oo ka mid ahaa aqoonyahankii iyo odayaashii caanka ahaa reer Hargeysa kana soo jeeda qoys taariikhda bari iyo galbeedba caan ku ah, iyo aabbe sugaan, ganacsi iyo dhaqanba lagu xuso., waxa uu hadda xubin ka ahaa Golaha Dhexe ee xisbiga KULMIYE.

Mustashar Axmed Carwo waxa uu Alle uga baryayaa inuu Marxuumka ka waraabiyo jannadiisa Fardowsa, qoyska, qaraabada, ehelada iyo guud ahaan xisbiga Kulmiye, Qurbojooga Soomaliland, iyo shacab weynha Somaliland gaar ahaana reer Caydiid Laf-cambe iyo tafiirtooda, inuu waafajiyo samir iyo duco.. Aamiin….Aamiin….Aamiin.


Mustashar Axmed Xasan Carwo

samotalis@gmail.com
0044 7535447230

No comments: