06 April, 2016

Mustashaar Axmed Carwo : "Dr. Cabdi Aw Daahir waxaan ku aqaanay nin hadal adag oo run sheeg ah iyo halgamaa Qaran......




IN-NAA LILLAAHI WA IN-NAA ILAYHI RAAJICUUN

La-taliyaha Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland, ee Dhaqaalaha iyo Maalgashiga, Mustashar Axmed Carwo, , waxa uu tacsi u dirayaa qoyskii, eheladii, qaraabadii, asxaabtii, golayaasha Qaranka, iyo guud ahaan shacbiga Somaliland, ee uu ka baxay Marxuum Dr. Cabdi Aw Daahir Cali oo maanta (06/04/2016) ku geeriyooday magaalada Burco. Waxa Mustashar Axmed Carwo si gaar ah u tacsadiyeynayaa dhakhaatirta iyo gobalka Togdheer ee uu ka soo jeeday marxuumku.

Mustashar Axmed Carwo waxa uu Marxuumka ku tilmaamay siyaasi ruug caddaaya oo qaranka Somaliland kaga suntanaa baal dahab ah, kana soo qaybqaatay dib u dhiskii dalka iyo nabad kuwada noolaashaha beelaha Somaliland wada dega, isagoo xilal kala duwanna ka soo qabtay xukuumadihii kala danbeeyey ee dalka iyo axsaabta qaranka. Waxa Axmed Carwo raaciyey:" Cabdi Aw Daahir waxaan lagu gaadheen nafti hurinimadii uu qayb ka ahaa halkankii SNM, isagoo la dabotaagnaa daaweynta dhaawaca SNM oon haysan daawo iyo gabad bal se dhex jooga goob colaadeed oo duqayn joogta ahi dul joogto."

Waa amar Alle inuu manta oo ah maalintii xuska aasaaska SNM ay tiisi timaado. Waa xus aan la iloobi Karin .

Mustashaar Axmed Carwo waxuu raaciyey: "Dr. Cabdi Aw Daahir waxaan ku aqaanay nin hadal adag oo run sheeg ah iyo halgamaa qaran. Waxuu ahaa Golaha Fulinta raga aanu aad isu ixtiraamno, oo xataa kolka aan siyaasadda ku kala aragti duwanay is qadariya oon kala waji dedbin. Waxaan ogahay inaanu fikir kala duwaanaan tayadu qalbiga gelin. Taas oo jirta haddana lama waayo qalad iyo tuutuur siyaasadeed. Waxaan halkan si qalbi ah oo niyad ah u saamaxayaa marxuumka hadday jirto wax yar haba yaraatee oonan ogayn. Saamax taam ah yaan u fidiyey. Allow waan saamaxay waxaan ogahay iyo waxaanan ogaynba. Siyaasiinta waxaan leeyahay ha la saamaxo marxuumka oo inaga mid ah waliba ahaa haldoorkeena iyo inta mudnaanta leh."

Marxuumku wuxu ka mid ahaa haldoorka dhakhatiirta dalka ee wakhtigooda iyo maskaxdooda u hibeeyey dawaynta iyo horumarinta caafimaadka shacbigooda.

Mustashar Axmed Carwo waxa uu marxuumka ALLE uga baryayaa inuu naxariistii janno ka waraabiyo, qoyskii, eheladii, qaraabadii, asxaabtii, iyo guud ahaan shacbiga Somaliland ee uu ka baxayna inuu waafajiyo Samir iyo duco.

IN-NAA LILLAAHI WA IN-NAA ILAYHI RAAJICUUN

Mustashar Ahmed Arwo

samotalis@gmail.com

http://samotalis.blogspot.com/

No comments: