18 April, 2016

DHAMBAAL TACSI AH OO UU DIRAAYO MUSTASHAR AXMED CARWO REER JIRDE AW CALI" GEERIDA HABARYARTAY MARXUUMAD FAADUMO XAAJI ABOKOR"

 
Mustashar Axmed |Xasan Carwo La-taliyaha Madaxweynaha ee Dhaqaalaha iyo Maalgashiga,  isaga
oo ku hadlaaya afka reer Xasan Carwo iyo reer Gaaxnuug Cabdillaahi, waxa uu tacsi  u dirayaa qoyska,  tafiirta, qaraabada, ehelka iyo gaar ahaan ilma Salaan Jirde geerida ku timi hooyadood Marxuumad Faadumo Xaaji Muxumed Abokor oo ahyd habaryartay qaali ah oo ilaa yaraanteydii kalgacal waalid noo heysay kuna geeriyootay magaalada Hargeysa maanta 18/04/2016, waxaannu Mustashaarku si gaar ah tacsidaasi ugu dirayaa habarwadaagey Wasiirka Wasaaradda Qorshaynta Qoranka Md. Cali Salaan Jirde, iyo guud ahaan reer Jirde AW Cali iyo reer Abtigay reer Xaaji Muxumad Abokor iyo tafiirtooda.
Mudane Axmed Carwo waxa uu Marxuumadda Alle uga baryayaa inuu jannadiisa Fardowsa ka waraabiyo, qoyska, qaraabada iyo labada reer ee ay ka  baxdayna
 waafajiyo samir iyo duco. Aamiin.
http://samotalis.blogspot.com/

No comments: