06 January, 2016

WAR-SAXAAFADEED La xidhiidha eedayntii Xisbiga WADDANI uu u soo jeediyey Madaxtooyada JSL, 05.01.2016-ka

Taariikh: - 06/01/2016

WAR-SAXAAFADEED


La xidhiidha eedayntii Xisbiga WADDANI uu u soo jeediyey Madaxtooyada JSL, 05.01.2016-ka

Madaxweynaha JSL Mudane Axmed Maxamed Silaanyo oo lagu yaqaanno talo-wadaag iyo inuu mar walba si waayeelnimo ah u waajaho wixii ay ku samaanayaan danaha Qaranka iyo Maslaxadaha ummaddeenu, wuxuu 29-kii December 2015-kii Qasriga Madaxtooyada kulan isugu yeedhay Komishanka Doorashooyinka Qaranka iyo 3-da Xisbi Qaran. Kulankaasi ujeedadiisu waxay ahayd sidii Talo Qaran oo loo dhan yahay looga yeelan lahaa arrinta Diwaan-gelinta Codbixiyeyaasha ee Gobollada iyo Degmooyinka Dalka, taasoo lagama maarmaan u ah qabsoomidda Doorashooyinka Dalka ku soo fool leh bisha March 2017-ka, haddii ALLAH yidhaahdo.

Madaxweynuhu wuxuu saddexda dhinac ee kulanka ka soo qayb galay u sheegay muhimadda iyo macnaha ay Diwaan-gelinta Codbixiyeyaashu Qarankeena u leedahay, taasoo suurto gelin karta in dalkeenna ay ka qabsoomaan doorashooyin xor iyo xalaal ah. Sidoo kale, Madaxweynaha JSL wuxuu sheegay in qabsoomidda doorashooyinku ay tahay Masuuliyad Qaran iyo Xil-wadareed cid walba saaran, sidaa darteedna loo baahan yahay in saddexda dhinac ay ka wada arrinsadaan arrimaha Diwaan-gelinta Codbixiyeyaasha iyo Doorashooyinka.

Kulankii 29 December 2015-kii ka dhacay Madaxtooyada waxa shir-guddoominayey Madaxweynaha JSL waxana goob-joog ahaa Xubno ka tirsan Golaha Wasiirrada, 6 Xubnood oo ka mid ah Komishanka Doorashooyinka Qaranka, Gudoomiyaha Xisbiga KULMIYE, Gudoomiyaha. Xisbiga UCID iyo Gud./k/xigeenka Xisbiga WADDANI. Saddexda dhinac ee kulanku dhex maray waxay dhammaantoodba aragti isu mid ah ka bixiyeen in Diwaan-gelinta Codbixiyeyaasha iyo Doorashooyinka ay tahay waajib iyo xil-wadareed ummadda oo dhan saaran, taasoo aanay cidina kelideed fulin karin.

Dhaqan Wanaagga Siyaasadda waxa ka mid ah in laga dhawrsado wax kasta oo wax u dhimaya Milgaha Qarankeena iyo Haybadda Dawladnimadeena. Waxa kale oo iyana Dhaqan Wanaagga Siyaasadda ka mid ah in Xisbi Qaran oo Siyaasi ahi uu ku kalsoonaado go’aannada siyaasiga ah ee ay qaataan saraakiisha iyo masuuliyiinta sare ee Xisbigaasi.

Haddaba, anigoo tix-raacaya War-saxaafadeedkii uu Xisbiga WADDANI soo saaray 05.01.2016-ka ee uu Guddoomiye-ku-xigeenka Xisbigaasi ku eedeeyeen in Madaxtooyadu ka been abuurtay Xisbiga Waddani; anigoo ah Af-hayeenka Madaxweynaha JSL waxaan halkan ka caddaynayaa in haba yaraatee aanu jirin Qoraal ama War Xisbiga WADDANI lagaga been abuuray oo ka soo baxay Madaxtooyada. Warkaa ay Xisbiga WADDANI baahiyeena waa mid gef iyo meel ka dhacba ku ah Milgaha Dawladnimo iyo dhaqanka suuban ee ummaddeena lagu yaqaano, warkaasina waa mid iyaga (WADDANI) ku kooban. Sidoo kale, anigoo goob joog ka ahaa kulankii 29 December 2015-kii, waxaan halkan ka caddaynayaa in haba yaraatee aanu jirin Qoraal caddaynaya mawqifka Xisbiga WADDANI oo ku aaddan arrinta Diwaan-gelinta Codbixiyeyaasha Degmada Buuhoodle oo loo gudbiyey Madaxweynaha JSL, ha noqoto kulanka ka hor, muddadii kulanku socday ama kulanka kaddiba.

Arrinta Diwaan-gelinta Degmada Buuhoodle, Xisbiga WADDANI wuxuu si buuxda ula mawqif iyo aragtiba ahaa labada Xisbi Qaran ee kale, Komishanka iyo Xukuumadda. Taasina daliilkeeda waxa bixiyey Guddoomiye-ku-xigeenka Xisbiga WADDANI, kaddib markii uu isla maalintii kulanku dhacay Xarunta Madaxtooyada ku caddeeyey War-saxaafadeed uu si wadajir ah ula qabtay Guddoomiyaha Komishanka iyo labada Guddoomiye Xisbi ee KULMIYE iyo UCID.

Guddoomiye-ku-xigeenka Xisbiga WADDANI Mudane Axmed Muumin Seed oo kulankii 29 December 2015-kii matalayey Xisbigiisa, waxa ka muuqatay inuu yahay nin aan go’aan gaadhi karin oo isaga laftiisa gaadh laga hayo!! Waxa ka muuqatay inuu yahay nin aan ku baraarugsanayn isbedellada iyo wacyiga siyaasadeed ee ka jira Gobolka Geeska Afrika.

Xisbiga WADDANI waa Xisbi Qaran oo da’yar, balse weli ah layli ama raad-barad. Waxa nasiib darro ah in dano gaar ah oo ay leeyihiin ashkhaas ay ka xoog bataan hadafka iyo himilada guud ee Xisbigu leeyahay. Waxa muuqata in Xisbiga WADDANI uu mar walba u tafo-xaydan yahay in tallaabo kasta oo xagga wanaagsan loo qaado ummadda loogu turjumo si qaldan, si shacbiga iyo Xukuumadda la isaga hor keeno. Hab-dhaqanka noocan ahi waxa uu keliya sii fogaynayaa kalsoonida ay bulshadu ku qabto Xisbiga WADDANI iyo taageerada ay Xisbi ahaan ka fili karaan cod-bixiyeyaasha oo ah kuwa ay ku xidhan tahay guusha iyo guul-darrada Xisbi kasta oo siyaasi ah.

Guntii iyo gabagabadii, Xisbiga WADDANI waxa looga fadhiyaa inay la yimaadaan isku kalsooni, bisayl iyo dhaqan-wanaag siyaasadeed si ay quluubta bulshada wanaag u gashan karaan. 


ALLAA MAHAD LEH



Xuseen Aadan Cige (Xuseen Deyr)
Af-hayeenka Madaxweynaha JSL.

http://samotalis.blogspot.com/

No comments: