05 January, 2016

La-taliayaha Madaxweynaha JSL Mustashar Axmed Carwo waxa uu tacsi u dirayaa.......

La-taliayaha Madaxweynaha JSL Mustashar Axmed Carwo  waxa uu tacsi  u
dirayaa guud ahaan shacbiga Somaliland ee uu ka baxay Marxuum Maxamed Warsame Xirsi (TITI) oo ahaa Madaxii Xoghaymaha Xafiiska Madaxweynaha oo ku geeriyooday Magaalada Hargeysa laguna aasay maanta oo ay taariikhdu tahay 04/01/2016.
Mustashar Axmed Carwo waxa uu sidoo kale tacsi u dirayaa Qoyskii, Eheladii, Qaraabadii, Asxaabtii iyo guud ahaan shaqaalaha Wasaaradda Madaxtooyada Somaliland.
La-taliye Axmed Carwo waxuu ku tilmaamay Marxuumka nin hawlkar ah oon maalina ka habsaamin shaqadiisa, nin cibaado badan sirta xafiiska aad u ilaaliya, nin af gaaban oo carabkiisa aadmigu ka nabad galay..Axmed waxuu yidhi: Maan arag ruux shaqaale ah oo sida uu sirta xafiiska u xafido u xafidaa...Maalin ayaan si baadhis oo kale ah aan xafiiskiisa oo ah halka looga galo Madaxweynha fadhiya ayaan weydiiyey cidda Madaxweynha la joogta..intuu cabaar aamusnaa ayuu igu yidhi...Adeer in rag sii galaayey waan arkaayey laakin indhaha kuma qaban...waxay u eekaayeen Wasiiro...
Waana sababata seddex Madaxweyne halkaas xasaasiga ah ugu dhiibeen.

Mustashar Axmed Carwo, La-taliyaha Dhaqaalaha, Ganacsiga iyo Maalgashigu waxa uu marxuumka Alle uga baryayaa inuu naxariistii jannatu fardawsa ka waraabiyo,  Qoyskii, Eheladii, Qaraabadii, Asxaabtiina waafajiyo samir iyo duco.
https://www.facebook.com/aharwo/?ref=hl




http://samotalis.blogspot.com/

No comments: