11 January, 2016

Tacsi ka timid lataliyaha Madaxweynha ee Dhaqaalaha

Tacsi ka timid lataliyaha Madaxweynha ee Dhaqaalaha
IN-NAA LILLAAHI WA IN-NAA ILAYHI RAAJICUUN



La-taliyaha Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland, Mustashar Axmed Xasan Carwo waxa uu dhambaal Tacsi ah u  dirayaa , Eheladii, Qaraabadii, Qoyskii, Asxaabtii, Bahda Fanka iyo Suugaanta iyo Guud ahaan shacbiga reer Somaliland  iyo shucuubta Soomaaliyeed isaga oo ka tacsiyadaynaya Geerida ku timid ALLE ha u naxariistee Marxuum Abwaan Cali Sugulle Cigaal (Dun-Carbeed) oo ku geeriyooday Cusbitaal ku yaalla magaaladda Dubai maanta oo ay taariikhud tahay 11/01/2016,

Mustashar Axmed waxuu xusay kaalinta mugga weyn ee Cali Sugule ku lahaa taariikhda xoriyadda Somaliland, u-doodida xuquuqda iyo karaamada muwaadinka xiligii kacaanka, baraarujinta bulshada iyo tilmaaminta horusocodka iyo wadajirka, iyo dhismaha afka Soomaaliga. Waxaa ku tilmaamay marxuumka nin aragti dheeraa oo dhalinyaranimadii u ahaa halyeel ay ku hirtaan..

Mustashar Axmed Carwo waxa uu Marxuumka Alle uga baryayaa inuu naxariistii janatu fardawsa ka waraabiyo, qabriga u waasiciyo una nuuro Qoyskii, Qaraabadii, Eheladii, Asxaabtii, Bahda fanka iyo Suugaanta,shacabweynha Somaliland iyo dhammaan inta af-Soomaaliga ku hadasha ee uu ka baxayna inuu waafajiyo samir iyo duco.

Mustashar Axmed Xasan Carwo
La-taliyaha Madaxweynha ee Dhaqaalaha, Ganacsiga
iyo Maalgashiga

eci.advisor@gmail.com

https://www.facebook.com/aharwo/

http://samotalis.blogspot.com/

No comments: