11 January, 2016

ICTIRAAF-DOONKU WAA WAAJIB QARAN OON CIDI GAAR U LAHAYN

Shalay waxaan ka qayb galay shir magaalada Cardiff ka dhacay oo nuxurkiisu
ahaa dardar gelinta HAYADDA QURBAJOOGA..Waxa si cad oo tifatiran u soo bandhigay hiigsiga hayadda Guddoomiyaha Cusub Cabdi Cabdillaahi oo si aftahnimo ah iyo si xeeldheeri ah oo qodobaysan uga hadlay mawduucyo muhiim ah oo dhammaan khuseeya Hayadda, sida kaalinta looga baahan yahay qurbojooga siyaasadda dalka iyo horumarintiisa, waxa se uu diiradda si gaar ah u saaray Ictiraafka iyo dhabadda loo maraayo. Waxaan ka jeediyey hadal kooban oo guubaabo ah oo khuseeya Ictiraaf doonka waana kan isaga oo kooban:

Ictiraaf doonku waa waajib qaran, ma laha xisbi, ma laha muxaafid, ma laha mucaarid, ma laha kooxi, ma laha gobal, ma laha beeli, waa mid dhammaan reer Soomaliland waajib ku aha. Waa dan guud oo inaga maqan. Waxa Qaran dumiya kolka danta kooxdu ka xoog weynaato tan qaranka, oo la waayo wax la wadaago iyo himmilo loo dhan yahay. Cidna ha ku eegin, ha ku xinin, ha ku riixiin, waa adiga waajib ku saaran..taas macnaheedu ma aha jaanta rogan, waa inaynu meel kasta u saarnaa cidda ugu habboon, ugu fara dhuuban, wax ka tari karta adoon u eegeyn aragti xisbi, kooxeed iyo mid gobal toona..deedna aad ku garab gasho ood ilaalisaa kala dambeynta iyo wada shaqaynta..

Waxa inaga maqan xaqqa aynu u leenahay inaynu ummadaha xorta ah ka mid noqono, inaynu helno safaarado buuxa oo danteena gudo iyo debedba isku xidha, waxa inaga maqan lacagteena oo caalamka lagu sarifo, waxa inaga maqan bankiyaal ganacsiga caalamiga inoo fududeeya, waxa inaga maqan kaalmooyinkii horumarinta iyo deymankii horumarinta, waxa inaga maqan caymis caalami ah. Waxa inayaga maqan maalgashi toos ah. Waxa inaga maqan baasaboorkeena dhammaan dunida lagu tago, walow ay maalin walba si kordhiyaan meelaha aynu ku tegi karno.
Waxa aynu nahay dalka keliya een warqad debadda laga diray gaadhayn si caadi ah. Waxaas oo dhammi waxay hortaagan yihiin horumarka dhaqaale iyo bulsho oon kala maarmin.

Haddaba u kac oo u gunto intaa kaga soo hagaagta gudashada waajibkan qaran. Kii kaga habboon iska horeysii, guusha uu keeno ku faan, ku farax, ku hanbalyee. Ma aha mid midhaheeda uu isagu gaar u leeyahay, ma laha xisbi mana laha kooxi, waa mid macaankeedu aynu dhammaan muudsan doono iyadoo aanu cidna ka dhammaan oo ina wada gaadhi inteena nool iyo inta dhuuxeena ku jirtaba.

Gudaha waxa waajib ah in wadajir lagu ilaaliyo danaha guud oo qarannimada ayna inaga indho tirin kooxaysi iyo danno gaar ihi. Ha la wado ilaaliyo shuruucda dalka, ha laga daayo ka faa'ideysiga shakhsi een dhaafsanayn is muujin madhan iyo dhaleeceyn qaawan oo u adeegeysa cadowgeena iyo inta inala jecel dibu dhaca. Taas macnaheedu ma aha in dhaleeceenta laga daayo xukuumadda. Xaasha waxii qaldan tilmaanteeda, iyo dhaliisha leh toosin toolmoon waa asaaska dimuquraadiyadda aynu qaadanay. Waana mid dhalinaysa horumar iyo shacbiga oo fursad u hela kala doorasho xisbiyada.

Warbaahintu ha qaadato doorkeeda oo ha fidiso barnaamajyada ictiraaf doonka ah iyo wanaaga dalka ka socda, ha miisaanto qoraalada taabanaaya siyaasadda debedda oo ha ku eegto indho xasaasi ah oo ka duwan kuwa ay ku eegto arrimaha gudaha.

Waxa ugu yar eed qaban kartaa waa adigoo u qora, u taga, kala hadla xildhibaanka xaafadda iyo kan wakiilada ee ku matala. Dadkeena qurbaha jooga siiba kuwa ku nool dalalka galbeedku waxa ay nasiib u leeyihiin inay haystaan xildhibaan qof kasta matala oo dhegeysanaaya waxa uu danaynaayo, hadduu u qorana u gudbinaaya cidda ay khuseyso, isna u soo jawaabaayo..Bal qiyaas inta dalab ee aynu gudbin karno. Waa muhiim waxa ay kaa qadanaysaana waa daqiiqado yar.

Ogsoonow guusha waxa lagu gaadhaa kala dambeyn, is qadarin, iyo xilka oo la qaybsado, ku dhowr qof kasta xilka uu hayo, ka dhowrsanow isbarbar yaac iyo is muujin madhan

Guusha sahankeeda raac, ku doon niyadsan, wadajir iyo midnimo

Somaliland ha noolaato

http://samotalis.blogspot.com/

No comments: