20 January, 2016

15 January 2016 SAACUUDIGA WAXA INAGA DHEXEEYA DAN MA GUURTO AH





U naxariista khalqiga Alle si Alle idiinku naxariisto. Waxa la yidhi sadaqaddu xataa qadar Alle wey baajisaa Insha Allah. Xanuunka, dhibta adduunyo iyo aakhiraba waa ka daawo. Waxay xataa ay baraakeysa cimriga...Waxaan halkan ku soo jeedinayaa inaynu jeebka gacanta galino oo aynu si deeqsinimo ah ugu gurmano dadkeena aabaruhu ku dhaceen. Aan ugu horeeyee waxaan bixinayaa bil mushaharkeed, waxaanan soo jeedinayaa in qof kasta oo digriito Madaxweyne lagu magacaabay oo  Golaha Wasiiradu kow ka yihiin, La-taliyaasha, Agaasimayaasha Guud, Maareeyaasha, Badhasaabada, Ambaasadoorada, Guddoomiyaasha Hayadaha iyo  Komishinada iyo cid kasta oo digriito lagu magacaabay, iyo dabcan Madaxweynaha iyo KU xigeenka, iyo seddexda Gole ee Shacbiga matala: Golaha Guurtida, Golaha Wakiilada iyo golayaasha Degmooyinka ee dhammaan ku tabarucaan bil mushaharkeed. Kolka intaynaasi oo ah hormoodka bulshadu taas yeelno waxa furmi doonta in bulshaweynta ooy kow ka yihiin ganacsatadu ay iyana gacanta fidin doonaan...Talooyin kale iyo faahfaahin ka dhegeyso videoga.

http://samotalis.blogspot.com/

No comments: