03 December, 2015

Maantana waa ayaan iyo waayaheed

Subax wanaagsan. Waa adduunyo oo waa nin iyo waayihii. Waa dil iyo damaashaad, waa dhalasho iyo dhimasho, waa xanuun iyo caafimaad, waa faqri iyo qaninimo, waa ruuxba waxa qaadir u qoray shar iyo kheyr. Allow adaan waxaad bixiso cidi oolin karin ee Allow talo adduunyo tii kheyr leh na waafaji, Allow tubta toosan nagu sug oo ha naga leexin.


Saaka was Ingiriis oo duulaan tegay, waa Maraykan oo maato lagu laayey, waa Carab oon baroortu engegin, waa Falastiin oo mindi iyo madfac leysku adeegsado, waa Yemen oo labadi wada socday kala shakiyeen. Dabcan waa Somalia oon caqli u kordhin oo murankeedu dhaliyo hoobiye iyo hub leysu adeegsado, iyo Somaliland oo murankeedu dhaafin warbaahinta, hudheel, iyo Suldaan.

Aan idinku dhaafo farxaddii xalay ee Kulmiye iyo Burco. Faalo iigama baahnid ee daawo warka, murtida, badheedhaha, duur xulka wiil iyo waayeel. Ha ku bogsato intiina shakiga qabtay, aniga kolba Burco shaki igama gelin.
Siyaasadeenu waa xor iyo in leys dhegeysto, la doodo, ruuxba halkuu ku qanco raaco, cidii badisa loo haneeyo. Caydu waa dambi, beentuna ka daran, mu'aa'maraduna ka xun, isku dirka, iyo mun'aafaqaddana hadalkeedaba daa.

Guji kinkan oo daawo xafladdii Burco oo dhan.
http://samotalis.blogspot.co.uk/2015/12/warkii-burco-ee-tageerada-xisbiga.html

Allow nabad iyo caano .

Ahmed Arwo
0044 7535 447 230
Sent from my iPhone

No comments: