08 May, 2015

La-taliyaha Madaxweynha ee Dhaqaalaha, Ganacsiga iyo Maalgashiga Mudane Axmed Carwo wuxuu Tacsi u dirayaa Reer Xasan Nuur Faarax


La-taliyaha Madaxweynha ee Dhaqaalaha, Ganacsiga iyo Maalgashiga Mudane Axmed Carwo wuxuu Tacsi u ehelka Marxuum Xasan Nuur Faarax oo Hargeysa lagu aasay maanta .
.
Marxuumku wuxuu ahaa oday qaali ah oo dhaqan iyo siyaasadba ka taliya, nin af gaaban oon hadal ka duulin, xajiin iyo xan aan aqoonin, waxtar mooyee aan wax yeelo looga baran. Yaraantey waxuu ahaa ragga madaxa ii salaaxa isagoo ahaa saxiib dhab ah oo aabahay maalin walba la joogay. Waxay geeridana i xusuusisay laba saaxiib oo hortii dhintay oo seddexdoodi ahaayeen garabka midig ee aabahay waa Gafas  iyo Xaashi Dacar Alle dhammaantood qabriga ha u nuuro hoogana dhigo beer ka tirsan jannatul fardaws.

Ubadka, Tafiirtii Ehelka, Qaraabada, Asxaabtiisii,  gaar ahaan reer Xasan Nuur iyo si gaar ah walaalkay Cabdiraxmaan oo uu sodog u ahaa iyo dhammaan ehelkiisa ballaadhan ee daafaha dunida kala jooga.iyo deegaanka Maroodi-jeex ee uu ka soo jeeday, Illaahay ha waafajiyo Samir iyo duco, Marxuumkana Illaahay ha huwiyo naxariistiisa hana ku abaal mariyo Jannatul Fardaws.  Aaamiiiin

http://samotalis.blogspot.com/


http://samotalis.blogspot.com/

No comments: