05 May, 2015

Gabadh 12 Jir Ah Oo Laga Afduubay Gudaha Magaalada Hargeysa Kana Warantay Sidii Loo Afduubay


Picture32May 5, 2015( Hargeysa ) – Waxa Axadii toddobaadkan magaalada Hargeysa afduub loogu gaystay gabadh lagu magacaabo Muhiim Cumar Aadan Muxumed oo ah ardayad 12jir ah, waxaana ay sheegtay in haweenay wadatay gaadhi yar oo nooca Dukhaanka loo yaqaan ah ay ka kaxaysatay xaafada jameeco weyn ee Hargeysa, iyadoo markaas ka soo baxday dugsi ay wax ka barato, waxaana ay carabka ku dhufatay in markii danbe la geeyey gur weyn oo Gan-jeel ah oo ay ku sugnaayeen Laba nin oo ajaanib ahi, inkastoo markii dambe ay iska soo daayeen.
Muhiim Cumar Aadan Muxumed, oo argagaxsan ayaa hadalkan ku sheegtay waraysi ay iyada iyo aabaheed Cumar Aadan Maxumed si wada jir uu ula yeeshay wargeyska Geeska Afrika, waxaana ay sida oo kale tibaaxday in markii gabadhu ay kaxaynaysay ay ka soo rawaxday iskuul halkaasi ku yaala isla mar ahaantaana ay waraaq gacanta u galisay taasi oo sababtay sida ay sheegtay in ay waxba kala garan weydo sida oo kalena ay markiiba gaadhiga gudahiisa soo gasho. “Aniga oo ka soo baxay iskuulkii aan dhigan jiray, ayaa gaadhi lay hor dhigay, deedna gabadh ayaa inta ay ka soo degtay gaadhiga waraaq cad oo aanay waxba ku qornayn ii dhiibtay, deedna anigu markiiba waan isbedalay oo waxaan is arkay aniga oo gaadhiga ku dhex jira uun maan hadli karayn, waxaa hareeraha iga fadhyey Laba nin oo gabadhuna gaadhiga ayey waday, markii danbe waxaa la’ igeeyey guri weyn oo aanan garanayn meesha uu ku yaalo, meel ayaa la i fadhiisiiyey, guriga waxaa joogay Laba nin oo cadaan ah, gabadhii iyo ninkii cadaanka ahaa xoogaa ayey wada sheekaysteen deedna cabaar ka dib ayaa inta ay gabadhii igu soo jeedsatay ay dibada ii soo tuurtay, anigu waan naxsanaa waanan ooyayey, kadib waan soo cararay oo caruur meel joogta ayaan ku soo baxay, deedna caruurtii ayaa ika xaysay, intaa ka dib waxaa markii danbe la i keenay Saldhig boolis. hadda xaaladaydu waa ay iska fiican tahay inkasta oo wali aan baqo xoogaa ah qabo, illaa xalayna waxba maan cunin, naxdinta i haysa awgeed.” Ayay tidhi gabadhan yari.
Aabo Cumar Aadan Muxumed oo sida oo kale hadal kooban siiyey wargeyska Geeska Afrika, ayaa waxaa uu sheegay in ay ka waalid ahaan ay markii arrintaasi ay maqleen ay soo waajahday naxdin iyo anfariir aad u badan , waxaana uu tibaaxay in inantiisa la geeyey guri aan illaa hada la garayn meesha uu ku yaalo, isaga oo sida oo kalena tilmaamay in ciidanka saldhiga booliska degmada macalin Haaruun ay soo gaadhsiiyeen inantiisa oo bad qabta, iyaguna ay u sheegeen in ay baadhitaan bilaabi doonaan ku saabsan dhacdadan, waxaan uu hay’adaha ammaanka iyo shacbigaba uu u soo jeediyey in ay arrintaasi ka digtoonaadaan fiiro dheeri ahna ay ka yeeshaan. “Aniga oo Cumar ah, waxaa la afduubay inantayda muhiim Cumar Aadan Muxumed,sida ay sheegtay waxaa lagu qaaday gaadhi yar oo la yidhaahdo nooca dukhaanka ayaa lagu qaaday Afartii galabnimo, dee gabadhii ka soo degtay markii ay waraaqda u dhiibtay waa ay gashay gaadhiga, sida ay idiin ka warantayna way noo sheegtay, aniga markii danbe ayuunbaa ay Saldhiga Macalin Haaruun illa soo hadleen, waan u tagnay, deedna ciidankii waxay igu yidhaahdeen mar haddii aad inantaadii haysato waa Illaahay mahadii ee kaxayso, anna dee dabagal ha la’iigu sameeyo ayaan ku idhi ciidankii, iyaguna annaga ayaa baadhitaan galayna ayey igu yidhaahdeen, waa arrin musiibo ah, markii shalay [Axadii] warkaasi nagu soo dhacay argagax weyn ayaanu qaadnay illaa hadana aanu la anfariirsanahay, se Illaahay ayaa mahad iska leh mar haddii aanu ubadkii haysano, sida ay sheegtay inantaydu guriga la geeyey waxaa uu ahaa guri ganjeel ah, dadkuna waxaa ay iskula hadlayeen waxaa uu ahaa ayey tidhi Af Ingiriisi.runtiina naxdin iyo dhibaato aanan qaadi karin ayey nagu ahayd, runtii waa arrin khatar ku ah Somaliland, waxaana aan Illahay ka baryeyaa in uu caafimaad ii siiyo inanta, dadkana waxaan leeyahay fiiro gaar ah yeesha oo sida ilmahaas guriga loogala soo baxay ayaa aayo xumo badan uga soo socotaa Somaliland, xukuumadana waxaan ugu baaqayaa oo aan u soo jeedinayaa, waad aragteen oo way dhacdeen, ee haddii aniga inantaydii uu Illaahay badbaadiyey, cid kalena waa ay ku dhici kartaayee arrintaa wax ha laga qabto.”.Ayuu yidhi Cumar Aadan Muxumed.
Labadii sannadood ee u dambeeyay waxa soo baxayay carruur badan oo laga afduubay magaalada Hargeysa, kuwaas oo sheega in la geeyay guryo waaweyn oo ku yaala Hargeysa oo ay dad ajaanib ahi joogaan. Mana jiraan weli cid loo qabtay falalkaas oo naxdin ku haya waalidka iyo carruurtaba.


http://samotalis.blogspot.com/

No comments: