02 April, 2015

GUUSHA TAN YAR IYO TAN WEYNIBA WEY MACAANTAY- ICTIRAAFKU YAR YAREYSI MA LEH BY AHMED ARWO


GUUSHA TAN YAR IYO TAN WEYNIBA WEY MACAANTAY- ICTIRAAFKU YAR YAREYSI MA LEH- AHMED ARWO 

 Mandaqaddan Wales iyo Galbeedka Ingland ( Wales & West) waxay u ahayd toddobaad damaashaad. Umay kala hadhin oo khamiistii waxa kulanku ahaa Golha Deagaanka Cardiff iyo ayaan taariikhda inoo gashay.
Waxaan nasiib u yeeshay hawl muddo dheer aanu ku hawlanayn oo bilaabantay xiligii aan guddoomiyha ka aha Jaaliyadda Wales oon in ka badan 10 sano Guddoomiye u ahaa inaan goob joog u ahaado hawsha ooy Guddoomiyha I bedelay horeyna u ahaa Guddoomiye xigeen Cabdirahmaan Cawad iyo isla nin aan hawshan ka daalin oo weli ah Maamulaha Jaaliyadda Cabdikarim Cabi Aadan iyo ma daalaha gacan yaraha Ibraahim Carab iyo guddi 10 rag ah iyo 2 hablood oo isu xilsaaray inay diiradda saaraan ictiraafka Soomaliland ee degaanka Wales.

Kamay midho dhaliyeen haddaan bulsho weyntu ku taageerin ooyna culus saarin mas’uuliinta Golaha degaanka. Waxa dhacdadani soo martay maraaxil badan. Wax walba wax ka horeeya barashada iyo iib geynta Soomaliland. Taasi waxay bilaabantay xiligii halganka SNM, oo Cardiff ay hormood ka ahayd taakulinta qaxootigii Itoobiya u qaxay ooy u heshay oggolaansho in ehelkooda loo keeno. Waxa barbar socday banana baxyo iyo taageero dhaqaale ee SNM. Waana la ogaa qayladii Siyaad Bare ee BBCda kol kuu lahaa ..Waar Cardiff ma SNM baa leh…
Buuga Mujaahidad Raaqiya Oomaar halganka ka qortay ..(A government at war with its own people) waxuu inta badan ku salaysan yahay qaxootigii ugu horeeyey ee Cardiff soo gaadha iyo wareysigoodii.
Kamaanu hadhin ee 1991 bilo ka dib xorreyntii dalka waxa noo yimid wafdi uu hoggaaminaayo Wasiirkii arrimaha debedda AHU Yuusuf Cali Guray Sheekh, waxaanu ku goolaysanay in calanka Somaliland la sudho isla guriga khamiistii aqoonsiga buuxa siiyey oo uu sudhnaa muddo toddobaad ah.
  Waxa xigtay 2006 kolkii Golaha Barlamaanka Wales la aasaasay inaan u helno casuumad rasmi aha oo Guddoomiyha Wakiilada uu ka mid noqdo wufuudda sida rasmiga ah Boqoradda UK ay u fidisay, isaga iyo ku-xigeenkiisa oon ku yimid bedelka Guddoomiyaha Guurtida oo hawl yeeshay.
Waxa xigtay inaanu 15 xildhibaan u fidino laba toddobaad ooy ku yimaadaan UK si ay toos ugu bartaan hawlha Barlamanka UK iyo kan Wales...

Waxa intaas socotay inaan isku hayno bulshada mucaarid iyo muxaafid oo aniga oo Kulmiye ahaa haddana aanaan marna ka moogaan la shaqaynta xukuumaddii Riyaale anagoo Wasiiro si is dabo joog ah  u casuumna. Waxaanu xiligaas ku guulaysanay barnaamaj qiimo weyn lahaa oo aan laba sano socday is barasho weyna gaadhay oo ahaa Wales Somaliland Link. Waxa aanu isku xidh u samaynay iskuulo, iyo isbitaalo. Waxaana xigtay laba cisho oo bandhig hawleed Soomaliland u khaas ah uu qabanqaabiyey Barlamaanka Wales oo uu furay Wasiirka Koowaad ee Wales Rhodri Morgan.
Waxa Iyana aan la iloobi Karin sida joogtada ah ee madaxda xisbiyadu ilaa ayaantii la sameeyey ilaa manta ay Cardiff hormood ka tahay soo dhowyntooda iyo xafladaha xisbiyada si bulshadu ugu xidhnaato dalkooda hooyo.
Anigoon magacaabayn ooy tiro aad u badan tahay madaxda noo timid iyo kuwa dalkan u dhashay ee nala hawl galay, aan si gaar ah ugu mahad naqno guddiga 15ka ah ee hawshan muddada soo socotay, iyo mas’uuliinta Golah Deganka, Golha Barlamanka Wales iyo Barlamanka Westminster.  Jaaliyadda Reer Cardiff iyo guud ahaan Wales waan ku faanaa waayo waa dad ayna iskaga qaldamin danta guud ee qaranka iyo tan xisbigu. Waa duul kolkay xisbi tahayna kaalinta hore kaga jira seddexda xisbi kolkay qaran tahayna gacmaha is qabsada oo siidhi keliya loogu yeedho.

Waxa Iyana aan aad  ugu mahadnaqayaa Bristol oo dabaal degga Cardiff aad uga soo qayb gashay iyo si gaar ah xafladdii ay axadda noo qabteen ee nooc ka duwan kuwii aynu naqaanay u habeeyeen. Hab heer sare oo faa’iido badan ayey ahayd. Halka mas’uuliinta ay ka bataan dadka soo dhaweynaaya oo khudbadaha badi qaata iyo qudbadaha oo isku nooc noqda, waxay keeneyn in mas’uul kasta takhasuuskiisa iyo arrimo gooni ah laga wareysto. Waxaan aad ula yaabay dhegeysiga ayna sanqadhi baxayn muddada dheer ee xafladdu socotay. Waalow ay su’aalaha noo jilciyeen ma laha  waa bilow 00 wey noo tudheen kkkkkk, waxaan qabaa in habkaas loo wado oo mas’uuliintu noqdaan qaar lala xisaabtamo ooyna noqon qaar is dhegeysta ee ay noqdaan qaar la dhegeysto waxna la weydiiyo.
Ha yareysanina guusha manta, waxa xigta waa tan barlamanka Wales oo duba bilaabantay. Dariiqa yar kan weyn ayuu kugu ridaa, guushuna mid yar iyo  id weynba waa macaan


Ahmed Hassan Arwo
La-taliyaha Madaxweynha JSL
Dhaqaalaha, Ganacsiga iyo Maalgashiga


http://samotalis.blogspot.com/

No comments: