30 March, 2015

La-taliyaha Madaxweynha ee Dhaqaalaha, Ganacsiga iyo Maalgashiga Mudane Axmed Carwo wuxuu Tacsi u dirayaa Golaha Wakiilada Somaliland......




La-taliyaha Madaxweynha ee Dhaqaalaha, Ganacsiga iyo Maalgashiga Mudane Axmed Carwo wuxuu Tacsi u dirayaa Golaha Wakiilada Somaliland ,Shacabka Somaliland Gaar ahaana qoyskii iyo eheladii ,isagoo ka tacsiyadaynaya Geeridii Naxadinta Lahayd ee ku timi Marxuum Xildhibaan Prof. Mohamed Barkhad Miigane,oo maanta 30/03/2015 ku geeriyooday magaalada Boorama,marxuumkan oo ka mid ahaa mudanayaasha aqalka wakilada ee Awdal laga soo doortay.
.
Marxuumku wuxuu ahaa Xildhibaan Qaali ah oo waxbadan kasoo qaybqaatay dhismaha Wadankan & Haykalka dawladnimo, sidoo kale wuxuu ahaa Professor & Bare-sare oo kasoo qayb-qaatay Waxbarashada Jaamacada Somaliland.
Ubadka, Tafiirtii Ehelka, Qaraabada, Asxaabtiisii, Ardaydiisii iyo Golaha Wakiilada & dhamaan Shacabka Somalilandba gaar ahaan degaankiisa Awdal, Ilaahay Illaahay ha waafajiyo Samir & duco, Marxuumkana Illaahay ha huwiyo naxariistiisa hana ku abaal mariyo Jannatul Fardaws.  Aaamiiiin

http://samotalis.blogspot.com/

No comments: