07 April, 2015

6da April 1981 iyo taariikhda SNM -2







Mey jirin internet, FB Twitter, Tviyada tirada badan, wargeysyada iyo mobileku, telefoonka dhowr qof ayaa lahaa..dhegeyso sida aan warka u fidin jirnay..SNM cid ka cadhoota waa la wayey walow carqalado badan iyo hanti badan lagu bixiyey in la kala jabiyo...mucaarid iyo muxaafid intuba xad ayey lahaayeeen aan la dhaafin. Ninka qaldan jilibkiisa ayaa qaban jiray, xeer jajab ma shaqayn ee xeerka ayaa lagu kala bixi jiray. Shan guddoomiye ayaa 10kii sano ee halganku jiray la doortay, waana iyada tan dhabada dimuquraadiyada inoo hawl yareysay...Beesha Habar Awal sagaal ayaa London aanu ku deganayn, badina afar ayuunbaa joogtay, oo inta kale seamen bad mareen ah ayey ahaayeen, waxaanu se lahayn codka veto..kkkkk Tiradayada iyo miisanka codkayagy isma lahayn..waayo labada beelood ee ku badnaa ayaanu u ahayn cid ay ku kalsoon yihiin ee kala saarta..Gar diid muu jirin. Qaladka intaan la go'aamin ayuu ruuxu qaadan jiray...Midnimo, eex la'aan iyo xaq ku dirir ayaa jiray. Dulqaad iyo hubsiimo ayaa wax lagu maamuli jiray. Bilow wacan oo bushaare wata ayey SNM ku bilaabantay.


http://samotalis.blogspot.com/

No comments: