09 February, 2015

La-taliyaha Madaxweynaha ee dhaqaalaha iyo Ganacsiga Axmed Carwo oo tacsi u diraaya qoyskii marxuum Xil. Cabdillaahi Ibraahim Xirsi



Waxaan Tacsi tiiraanyo leh u dirayaa, Qoyskii, eheladii iyo asxaabtii uu ka geeriyoodey Marxuum Xildhibaan. Cabdillaahi Ibraahim Xirsi (Dhugad) oo ku geeriyoodey laguna aasayo Hargeysa gaar ahaan, iyo shacbiga Soomaliland, Xukuumadda iyo Golaha Guurtida.

Marxuumku wuxuu 1927-kii ku dhashay Degmada oodweyne ee xarunta Gobolka Daad-madheedh, wuxuu kasoo qayb qaatey halgankii dibu xoreyntii dalka Somaliland ee SNM,  isagoo markii danbena ahaa xubin firfircoon oo ka tirsan Golaha Guurtida, kana soo qayb qaatey shirarkii nabadeynta Somaliland ee kala duwanaa. WAxuu ahaa nin nabad doon ah oo bulshada wanaageeda ku hawlan, hadal cad oo mawqifkiisa caddeeya..

Marxuumka, waxannu ILLAAHAY uga baryeynaa inuu naxariistiisa siiyo, qoyskii, qaraabadii iyo Qarankabana uu samir iyo iimaan kasiiyo.

Axmed Xasan Carwo
La-taliyaha Madaxweynha ee
Dhaqaalaha, Gancsiga iyo Maalgashiga

0044 7903744256

https://www.facebook.com/aharwo

http://samotalis.blogspot.com/

No comments: