02 January, 2015

KHUDBADDA MADAXWEYNAHA JSL EE SANNADKA CUSUB 2015|


Assalaamu Calaykum Wa-raxmatul-laah,

Salaan qiimo badan kadib, waxaan hambalyo u dirayaa dhammaan dadka reer Somaliland meel kasta oo ay joogaan munaasibadda sannadka cusub ee 2015-ka, waxaan u rajaynayaa nabad, horumar iyo barwaaqo, Qaranka Somaliland-na waxaan u rajaynayaa Guul iyo Gobanimo iyo inaynu gaadhno Himiladeena Qaran oo ah Dawladnimo taam ah oo caalamku aqoonsanyahay, In sha-Allaahu waynu gaadhi-doonnaa, waxaan leeyahay aan u sabirno, aan u sacyino marwalbana aan lahaano saadaal wanaagsan iyo niyad san.


Dhawaanahan waxaa soo baxayey Suldaan ku baaqayey qalalaase, colaad iyo in qoriga la qaato, oo qarankan la dumiyo.

Waxaan leeyahay Somaliland waa qaran tashaday qof keliyina ma dumin karo, qaar hore isugu dayeyna way ku qasaaroobeen oo Bulshada Somaliland way ka tashatay qof waddo qalloocan iyo qorshe gurracan ku baaqaya.

Waa la yaab Suldaan qori qaataa, ee suldaan samo-talis baa lagu ogaa, suldaan nabad-baa lagu ogaa.


Dalka Somaliland waa dal nabdoon oo dimuqraadi ah dadkiisuna waxay ku heshiiyeen in ay codkooda isbedelka ku sameeyaan, Qori lagama oggola cid aan ahayn Ciidamada Ammaanka, cidkasta oo ka talawda xuduudda qarannimada waxay ku amran yihiin inay gacan buuxda ku qabtaan waxaanay u leeyihiin awood ku filan iyo sharciyad dhammaystiran.

Waa wax kala gaar ah tabashada iyo qaran-dumis-nimadu, kii wax tabanaya ee sida odayadii dhaqanka ee halkan iigu yimi waa soo dhawaynaynaa, waa u garaabaynaa wixii ay leedahayna waa marinaynaa, balse qofka sida Suldaan Wabar qaran dumiska ah ee qoriga qaata, waxaanu ka qaadi doonaa tallaabo sharciga waafaqsan.


XISBIGA KULMIYE:

Waxaa muuqatay is-maandhaaf iyo hirdan kaadirkii Xisbiga Kulmiye qaar ka mid ahi ay maalmahan saxaafaddu soo bandhigaysay damacooda siyaasadeed ee ku wajahan kursigan aan ku fadhiya. Waxaan leeyahay Kursigan anigaa ku fadhiya oo xisbigu ii gartay mustaqbalkana waan sharraxanahay, saxna maaha in aad isku kay dul-qabsataan wixii iga dambeeya Ilaahay ha ina gaadhsiiyo, Xisbiguna waa Xisbi dimuqraadi ah oo waa lagu tartamayaa dhexdiisa, waxaana ina sugaya Xisbiyo kale oo inala tartamaya, walaalayaal yaynaan cidla ku xiiqin oo isku qabsan, yeynaan wax aan joogin isku colaadsan, kolay meel dad-joogo qalooc iyo qardoofo laga waayi maayo ee aan ilaalinno wada jirka Xisbiga iyo Midnimadiisa.

No comments: