20 December, 2014

Madaxweynaha Dalka Jabuuti Oo Si Weyn U Soo Dhaweeyey Madaxweynaha Somaliland iyo Wafti Uu Hogaaminaayo

1
Madaxweynaha Dalka Jabuuti Oo Si Weyn U Soo Dhaweeyey Madaxweynaha Somaliland iyo Wafti Uu Hogaaminaayo
Madaxweynaha Jamhuuriyada Somaliland Mudane Axmed Maxamed Silaanyo oo si heer caalami ah loogu soo dhaweeyey dalka Jabuuti, iyada oo ay garoonka Diyaaraha ku soo dhaweeyeen Raysal Wasaaraha Dawlada Jabuuti Mudane  Cabdiqaadir Kaamil Maxamed oo hogaaminaaya Xubno ka mida Dawlada Jabuuti oo u badan wasiiro uu ka mid yahay Wasiirka Arrimaha Dibeda Jabuuti mudane Maxamuud Cali Yuusuf, waxa kale oo madaxweynaha ku soo dhaweeyey garoonka Wakiilka Somaliland u fadhiya Jabuuti Mudane Maxamed Xirsi qalinle .
Madaxweynaha iyo Weftigiisa oo Dawlada Jabuuti kala kulmay soo dhawayn aad u qiimo badan ayaa Salaan sharaf ka qaatay Cutubyo ka dirsan Ciidamada Dawlada Jabuuti oo ku sugnaa Madaarka Jabuuti ee Caalamiga ah, iyada oo Madaxweynaha loo gelbiyey dhinaca Hotel Palce Kempinski ama Kambiisi, oo qadar daqiiqado ah ka dib uu ku soo boqday Madaxweynaha Jamhuuriyada Jabuuti Mudane Cismaaciil Cumar Geelle, madaxweynaha Somaliland Mudane Mudane Axmed Maxamed Silaanyo, boqoshadaasi oo ahayd is xaal waraysi ay labada madaxweyne kulan saacad ku dhawaad ah wada yeesheen.
Waxa la filayaa in saacadaha soo socda ay dhacaan kulamo iyo martiqaadyo dhawr ahi oo madaxweynuhu la yeelan doono madax kala duwan kuwaasi oo aanu idin soo tebin doono insha allaa
Xubnaha Madaxweynaha ku wehelinaaya Safarka
  1. Marwada Madaxweynaha Marwo Aamina Sheekh Maxamed Jirde
  2. Wasiirka Arrimaha Dibeda Somaliland Mudane Maxamed Biixi Yoonis
  3. Wasiirka Madaxtooyada Xirsi Cali Xaji Xasan
  4. Wasiirka Beeraha Prof. Geedoole
  5. Wasiirka Xanaanada Xoolaha Dr. Cabdi Aw Daahir
  6. Gudoomiye ku xigeenka Wakiilada Baashe Maxamed Faarax
  7. Gudoomiye ku xigeenka Guurtida Siciid Jaamac Cali


http://samotalis.blogspot.com/

No comments: