06 December, 2014

Caawa oo jimce ah waxaan u duceynayaa wiilkeyga Maxamed

Caawa oo jimce ah waxaan u duceynayaa wiilkeyga Maxamed ee Alle la noqday oo ahaa baari duca qabe ah. Allow qabriga u nuur u nafisi ugana dhig guri ka mid ah jannatul fardaws. Allow ayeeyooyinkii iyo awoowgi ku kulmi jannada. Allow anagana maalintaad noo yeedho nagu kulansii jannada. Allow sida uu noo jeclaa Allow ka abaal mari. Allow naga yeel kuwa ducadiisa laasima. Allow naga ajiib adaa Raxmaan ah oo Raxiim ah. Aamiin Faataxa.
Like ·  · 


http://samotalis.blogspot.com/

No comments: