18 November, 2014

SOMALILAND: XUS IYO XUSUUSTA INANKEYGA MAXAMED AXMED XASAN CARWO-QAYBTI LABAAD

XUS IYO XUSUUSTA INANKEYGA MAXAMED AXMED XASAN CARWO-2


 Maanta waa salaasa, salaasadi hore ayuu xabaal galay Maxamed, haddaba aan ku horeysiyo bushaaro iyo waxaan saaka la kulmay.


Xalay waan duceeyey sidaan habeen walba u duceysto, waxaan raaciyey in Alle i bushaareeyo in wiilkeygu helay naxariistiisa. Waan arkay iyada oo dhab ah.
lixdii subaxnimo oo daqiiqado dhimman, ayuu wiilkeygu riyo ahaan sariirta iso dhinac fadhiistay, deedna isagoo dhoola caddeynay i kiciyey. Waan toosay, deedna intaan alxamdulilaa idhi ayaan u kacay salaadii subax. Waa xiliga salaada la tukado Cardiff. Waa riyadaan sugaayey een Alle ka baryey.
Hurdadi ayaan dib ugu noqday, haddana 9kii ayuu wiilkeygu i kiciyey, deedna anigoo guriga ka baxaayey ayuu intuu foorarsaday ii geliyey kabaha..Ma shaa Allah, waa baarinimadaan ku aqiinay iyo xataa inayna xabaashu celinayn jaceylka uu ii hayo. Alle ha ku ciseeyo Maxamadow, Alle gudka hakugu janneeyo, jaceylkaad noo heyso dartii ku hel jaceylka Alle.

Bushaaraddan Alle igu deeqay aan ku dhammeeyo shukriga Alle iyo mahadda Raxmaan. Haddaba  aan idin dhandhansiiyo dhacdooyinkii i taabtay iyo maalintii aaska, waa Salaasadi taariikhdu ahayd 11/11/2014.

Waxa loo kalahay dhinaca dhakhtarka iyo soo qaadista maydka, waxaanu sii diyaarinay rugtii lagu maydheeyey oo ah Masjidka Jalalia, ee Grangetown, Cardiff. Wax yar dabadeedba waxa na soo gaadhay maydkii. Qunyar oo naxriisi la socoto ayaa ani iyo walaaday iyo wiilashaan abtiga u ahay u qaadnay Maxamed annagoo qof waliba gaarkii ugu duceynaayo, una akhriyaayo quraanka, ilmaduna naga da'ayso, waxa na weheliya Sheekh Cumar, iyo Sheekh Aadan, iyo Salaama Funeral Service oo shaqo ahaan  leh ruqsadda xabaalista iyo waxii soo raacaba.


Maa sha Allah, MAXAMED jidhkiisa waxaad mooda ruux hurda, nadaafad siyaadda ah iyo farxad ayaan ku arkay. Waxaan bilaabay inaan maydho, si walba waan u maydhnay, waa jidh nadiif ah ood moodo in hore loo soo maydhay. Xubnaha faraha ayaan faraheyga dhex galiyey mise xubin waliba wey laabmeysa oo waxaad mooda inay nooshahay. Gadh weyn  oo madow oo isku joog ah ayaan ku arkay oonan hore ugu arag, waa gadh aad moodo in loo feedhay. Gacantaan mariyey, dhabanada ayaan si miyir ah gacanta ugu foodhaqay, anigoo leh Allaahu Akbar, indhaha ayaan iyana sidoo kale u maydhay, deedna dhinaca midig ayaanu ku bilownay, iyo dhinaca bidix. Sida waajibku yahay waxaanu ku maydhnay udugii iyo carfigii leyna faray.

MAXAMED wuu asturnaa waxuu xidhnaa macawistiisii iyo waliba nigiskiisii oo nadiif ah. Gananteydaan kaga saaray. Maa sha Allah, jidhkiisa meel aan nadiif ahayn ma arag. Meel walba waan maydhay, waxaana iiga muuqday calamadhaha ehlo jannaha. Xubnaha jidhkiisu mey qonbobin, mid walba sideeda ayey u laabmeysay, nadaafadna u raaci iyo udug intaanaan udugii sunnahaba ku maydhin.  Ilmadu heyska socotee qalbigu wuu farxay, masxaduna Alle ayey u mahadnaqday. 


Maxamed,awoogii Cumar Carte iyo ayeeydi AHU Shukri Jirde
  
Waxaan yaqiinsaday in Alle baarinimadii iyo wanaagii u ugu bedelay naxariis iyo raalinimadiisa. Waa guul, ayna jirin mid ka qiimo weyni. Waana mid bilowga werwer ku saaqaayo, oo waxaad kala kulmi aad maskaxda ku mashquuliso, dhammaadkeyduna waa mid amba guul aad u arki amba guul darro. Maydhistu waxay muujisa in ruuxu yahay ehelu janno in kale. Wiilkeyga Maxamed waxaan ka marag ahay in caalamadihii wanaagsanaa aan dhammaan arkay. Waa ishaarooyin iga farxiyey, Alle ha rumeeyee.


 Waxa la soo gaadhay marxalad aanu aad uga baqaynay. Ehelkii oo dumar ah ayaa dalbay inay soo booqdaan maydka kolka maydhistu dhammaato. Waxa la gaadhay marxaladii oo dumarkii oo laba baabuur ku jira ayaa fiyaaradda isa soo taagay. Walow ragga qaar aad u baqeen anigu waan  aqaanay iimanka reerka oo umaan biqin, walow aan taxadur ahaa.

Waxa hogaaminaaya dumarka hooyadii oo ah ruux iimaan badan, hadh iyo habeen quraan ruug ah oo magaalada tacsi walba hormood ka ahyd una adkeysay qalbiga in  badan oo ehelkoodu dhintay, maanta se waa iyada ruuxa qalbiga loo qaboojinayaa, waxa la socota inanteyda Najaat oo aan aad uga baqaayo, habaryartii Xayaat, habaryartay, eddooyin,  habarwadaag, ayeeyooyin. Baqdinti wey beenowday. Waxa bilowday hooyadii oo intay dhunkatay u laqintay jawaabaha looga baahanyahay inuu ugu jawaabo malaa'iigta su'aalaha qabriga u xil saaran. Waxay gacanta ku haysaa madaxiisa iyadoo quraan akhriyeysa iyo duco. Walow indhahu ooyayeen ax afkeeda lagama maqal.

 Waxa xigtay habaryartii Xayaat Cumar Carte, wallaahi aad ayey eriyadeedu ii taabteen "Ma shaa Allah, waad qurux badantay, waad nuureysa, waad udgoontay, habaryar waxaa kaa muuqda astaamihii jannada, Ma Shaa Allah, Alle qabriga hau kuu nuuro, ha kuu waasiciyo, Alxamdulilaa waad nuureysaa', Xayaad si is dabojoog ah ayey ugu celcelisaa.

Waxa la soo gaadhay xiligii inanteyda Najaat oo aan aad uga cabsi qabo. Ma shaa Allah, wey dhunkatay deedna dhegtiisa ayey afka u dhoweysay; ' Waxaad ii ahyd wax walba, walaal ayaad ii ahayd, taageere iyo ilaaliye ayaad ii ahyd, waalid ila taliya, ii sheekeeya, iga war haya ayaad ahyd, Alle qabriga ha kaaga dhigo guri janno, dambigaaga ha ku dhaafo jaceylka aad noo heysay iyo sidaad waalidkaa baari ugu ahyd." Waan jidhidhicooday oo dhidid iyo ilmaa isku darsantay. 

Waligay ma arag mana maqal dumar ka calool adag, ka duco wanaagsan, ka iiman weyn xiligan oo kale. Waxaanu aheen rag ahaan, duul qalbigu qoyey oo gacmaha kor u taagaaya aamiin ka dabo leh ducadii haweenka iimaanka buuxa iyo geesinimada siyaadada ah na tusay. Intey hal hal u dhunkadeen ayey bilaa baroor, bilaa laab garaac, bilaa timo jiid ay sanqadh la'aan u baxayn iyagoo baabuurta u raacay dhinaca masaajidka lagu tukanaayo.

Waxa loo kacay dhjinacii majid Al-Nuur ee Butetown. Irridda waxa tubnaa khalqi. Illaahay oo mar qudha nagu soo dhaqaayey. Waxaana la kala boobay naxashkii. Walow rag badani inta aanu naxashka sidan garabka igu salamaayey ismaanu taagin ilaa aanu gudaha galnay. Kolkaan dhignay ayaa mar kale la boobay tacsida iyadoo laabta laabta ley saaraaayo, badina indhahooda ilmo buuxisay. Salaadii duhur ka dib ayuu Sheekh Maxamed bilaabay salaadi maydka iyo duco qalbigeyga kicisay, ilmada indhuhuna ay u dareerayeen sida roobka, sankuna la wadaagay indhaha oohinta. Waan farxay sida masjidku u buux dhaafay oo dul iyo hoosba loo buuxiyey iyo sida koronkorada ay dumarku u buuxiyeen goobta loo qorsheeyey haddana aan laga maqlayn sanqadh qudha. Ma shaa Allah. Waa ehlu kheyr oo waa astaamaha ehlu jannaha. Waan farxay. Alle ayaan u mahadnaqay

Waxa loo baxay sagootintii ugu dambeysay iyo qabrigii. Waxa dhaqaaqay baabuur xadi aan ku sheego aanan garanayn. Waa Cardiff oon cidi ka maqnayn oo waliba ay waheliyaan inta ka timid magaalooyinka UK, Canada, Holland iyo Sacuudiga. Waxa doogii xabaalaha buuxiyey khalqi Soomali iyo Islaam kaleba leh. Waxa aasku noqday mid ka duwan kuwaan hore Cardiff oga qayb galay. Waxa meedka laga saaray sanduuqi hore loogu aasi jiray waxaana loo aasay habka Islaamka, iyadoo majarafado leysu dhiibay lagu dhammeeeyey ciidii, oon marna loo baahan cagaftii la miciinsan jiray. Waxa xabaashu tahay meel koone ah oo geed hoostiis ah, oo haddii ruux dooranaayo habaasha aan cidini dhaafteen. Illaahay ayaa u dooray wiilkeyga. Waxa bilaabantay ducadii oo in badan oo joogtay ilmada ay u soo raacday oohin. Waxaan ogaaday saaxiibnimadu qiimaha ay leedahay, kuwii ugu dhowaa saaxiibadii oohin ayey ceshan kari waayeen. Waxaan ogaaday inaan raggu cabsi iyo damqasho la ooyin ee ay la ooyaan jaceyl iyo murugo.

Inankeyga Maxamed waxuu ku dhintay 36 jir ka waxtar badan boqol jir. Waxuu ifka kaga tegey wiil iyo xaas. Waxuu haystay Shahadada Ganacsiga iyo Maaliyadda, oo uu waliba ilaa yaraantii si dhab ah ugu camal falay. Ganacsade aan maalina lacagta samofalka qaadan ayuu ahaa (Social Benefit).  Wax walba se waxa ka weyn sida uu noogu ahaa baari, sida uu u ahaa ruux akhlaaq wacan oo dadkoo dhan kula socda wanaag, ruux aan xumaan aqoonin, cid waligii xaman, dadka wanaagiisa uun arka, waqtigu u xisaabsan yahay. In badan oo sifooyinkaas ah aniga wuu igaga wacna dhab ahaan. Wiilkaaga oo kaa wacnaada, waa wax lagu faano. 

Waxaan halkan uga mahadnaqayaa dadka tirada badan ee sida is dabojooga ah guriga noogu yimid, kuwa aaska ka qayb qaatay, kuwa foonka aan ka nasan kuwa emailka iyo baraha bulshada ducada iyo tacsida ku muujiyey, Alle kheyr heydinka siiyo, murugada waad nala qaybsateen. Waxaan si gaar ah ugu mahadnaqayaa inta iyagoon aniga i aqoon, Maxamedna aqoon ee maqaalkeygu ku kalifay inay qaaradaha dunida iga soo wacaan. Aad ayaan kalgacalkooda u dareemey. Waad noo duceyseyn ee Alle ducada heydinka aqbalo, heydinkana abaal mariyo.



Ducaan ku soo afjarayaa, ee Allow Maxamed qabriga u waasici, u nuur, ugana dhig guri ka mid ah guryaha Jannatul Ferdoos. Allow ka yeel Maxamed kuwa orodka hilaaca ku mara siraadka, Allow ka yeel kuwa la jaara Rasusha iyo Anbiyada, Allow naga wiil qiys ahaan kuwa ku kulma jannada. Amiin. Fadlan aamiin dhaha. Alle heydin gargaaro. 

Qaybtii Koowaad Guji hoos:
http://samotalis.blogspot.co.uk/2014/11/xus-iyo-xusuusta-inankeyga-maxamed.html



Aabbo; Axmed Xasan Carwo
Tel: 07903744256 (UK)

Hooyo: Amaal
Tel: 02920344085 (UK)

Guji hoos Qaybtii Kowaad
http://samotalis.blogspot.co.uk/2014/11/xus-iyo-xusuusta-inankeyga-maxamed.html


In English:
http://samotalis.blogspot.co.uk/2014/11/a-tribute-to-my-son-mohammed-ahmed-h_31.html

Join

Ahmed Hassan Arwo | Facebook

https://www.facebook.com/aharwo


http://samotalis.blogspot.com/

No comments: