24 November, 2014

Tacsi ka timid La-taliyaha Madaxweynaha ee Dhaqaalaha, Maalgashiga iyo Ganacsiga,kuna socota Madaxweynha.

TACSI GEERIDA .JAAMAC MAXAMED MAXAMUUD


Waxaan tacsi u dirayaa Madaxweynaha JSL Mudane Axmed Maxamed Maxamuud geerida ku timid walaalkii Jaamac Maxamed oo ku geeryooday magaalda Liverpool ee dalkan UK. Waxaan tacsida, murugada, iyo ducadaba la wadaagaya Madaxweynha,Marwada Kowaad, ubadka, ehelka,tafiirta kale, gacalka, qaraabada, xigaalka, xito iyo asxaabta uu marxuum Jaamac Maxamed Maxamuud ka baxay meel kasta ooy joogaan . 

Jaamac oo ahaa oday dalkan UK caan ku ahaa odayiinta iyo hoggaaminta bulsho, Alle ha u naxariisto, hana ka yeelo kuwa dhaxla jannatul fardaws, ehel, asxaab, iyo qaraabana heyna waafajiyo samir iyo duco.


Inaa lilaa wa inaa illeyhi raajacuun.


Axmed Xasan Carwo
La-taliyaha Madaxweynaha ee Dhaqaalaha
Ganacsiga iyo Malgashiga

Cardiff: 07903744256 

http://samotalis.blogspot.com/

No comments: