10 August, 2014

War-Weyn:Xisbiyada Mucaaradka Iyo Madasha Wadatashiga Oo Isku-Raacay In La Dhiso Dawlad Ku Meelgaadh Ah Haddii Xukumada Siilanyo Ku Fashilanto Inay Doorashooyinka Barlamaanka Iyo Madaxtooyada Waqtigii Loo Qoondeeyay Ku Qabato


War-Weyn:Xisbiyada Mucaaradka Iyo Madasha Wadatashiga Oo Isku-Raacay In La Dhiso Dawlad Ku Meelgaadh Ah Haddii Xukumada Siilanyo Ku Fashilanto Inay Doorashooyinka Barlamaanka Iyo Madaxtooyada Waqtigii Loo Qoondeeyay Ku Qabato
War-weyn:Xisbiyada Mucaaradka iyo Madasha wadatashiga oo isku-raacay in la dhiso dawlad ku meelgaadh ah haddii xukumada Siilanyo ku fashilanto inay doorashooyinka Barlamaanka iyo madaxtooyada waqtigii loo qoondeeyay ku qabato



Hargeisa –(Qaran-news)-Xisbiyada Mucaaridka ee Waddani, Ucid iyo weliba Madasha wada-tashiga ayaa Si wada jir ah ugu baaqay in la dhiso Dawlad Wadaag ah haddii Xukumada Siilanyo doorashooyinka Barlamaanka iyo Madaxtooyada waqtiga loo qoondeeyay ku qaban weyddo.

Labada xisbi mucaarad iyo madasha ayaa tilmaamey siday ugu calool weydsan yihiin in xukumada Siilanyo doorasho ku qabato mudada 8 bilood ah ee u hadhay,ku darsoo waxay dusha u saareen wixii dibu-dhac iyo eed ka yimaada doorashada xukumada Siilanyo oo raadineysa muddo kordhin xaarana oo golaha guurtidu u samayso.

Yeelkeede waxay labada xisbi mucaarad iyo madasha oo ku qabtay shir jaraa’id Hotel Ambasador wadajira u soo saareen war-murtiyeed qodobaysan oo u dhignaa sidatan hoos ku qoran:-



In ay dalka ka jirto guud ahaan Nabadgelyo taam ah, taas oo muujinysa in aanay jirin Duruufaha ku xusan qodobka 83aad iyo 42aad, sidaasi darteedna ay waajib tahay in ay doorashooyinku Madaxweynaha iyo Golaha wakiilladu ku dhacaan muddadii sharcigu cayimay oo ku addan 26juun 2015.

In ay lagamaarmaan ay tahay in la qabto diiwaangalinta codbixiyaasha muddadii loo qorsheyey, siodii horeba ay uga wadda heshiiyeen, Saddexda Xisbi qaran, Xukuumadda iyo Guddida Doorahooyinku.

. si loo xaqiijiyo in ay dhacaan doorashooyin xor iyo Xalaal ah.



. si looga hor-tago in ay soo noqdaan Gol-daloolooyinka ka soo baxay Doorashadii Dawladaha Hoose ee 2012kii.

Ina ay lama huraan tahay in xulashada iyo ansixinta xubnaha guddiga doorashooyink aqaranka la dhamma ys-tiro bilaha Ogost iyo Sibtambar gudahooda, mar haaddii muddo xileedka guddidani ku eeg yahay 29 Octoober.

In ay lagama-maarmaan tahay in wax laga beddelo qaabka iyo shuruudaha xulashada iyo magacaabista xubnaha guddiga Doorashooyinka Qaranka:

. si loo hubiyo ama loo xaqiijiyo dhexdhexaadnimada Guddiga:



.Si loo abuuro duruufo Dimuqraaddi ah oo ay u siman yihiin Saddexda Xisbi Qaran ee doorashada ku tartamayaa.



Haddii ay dhacdo in ay doorashooyinku Xilligoodii ku qabsoomi waayaan:

. in ay Eedeeda yeelan doonto Xuumuddu, iyada oo ay waajibkeeda tahay in ay qabato doorashada xilligeeda.



.in ay Waajib noqondoonto in wixii ka dambeeya 26ka juun 2015ka la dhiso xukuumad ku meel gaadh ah, oo loo dhan yahay , waajibkeeda koowaadna yahay in ay dalka doorshooyin.


. in haddii marka la gaadho 31ka diisambar 2015ka, ay muuqato ama caddaato in aan dalka doorashooyinkii ka dhacayn xilligii loo qorsheeyey, waxa la bilaabi doona sidii looga hawl-geli lahaa abaabulka Xukuumadda ku-meel-gaadhka ah eek or ku xusan.



ALLA MAHAD LEH.



War-murtiyeedka waxa ku saxeexan



1. Guddoomiyaha Xisbiga Ucid Faysal Cali Waraabe



2. Musharax Jaggada Madaxtinimad aee Ucid Jamal Cali Xusseen



3. Cali Maxmamed Yuusuf (Cali Guray)



4. Gudomiyaha Xisbiga Waddani Cabdiraxman Maxamed Cabdilahi (Cirro).



5. Guddoomiye Ku-xigeenka Axmed Muumin Seed.



6. Ibraahin Jaamac Cali rayte



7. Guddoomiyaha Madasha Wadatashiga Xassan Guurre.



8. Maxamed Xaashi.



9. Ibraahin Cabdilaahi Xuseen (Dhagaweyne)
http://samotalis.blogspot.com/

No comments: