10 May, 2014

“Waxaan u Arkaa Inuu dambiile Qaran yahay, sharcigana la mariyo Qabile”

“Waxaan u Arkaa Inuu dambiile Qaran yahay, sharcigana la mariyo Qabile”

Saleebaan BukhaariHargeysa (Somaliland.Org)-Xildhibaanno ka tirsan golaha wakiillada Somaliland ayaa qaran dumisnimo iyo sharci jabin ku tilmaamay hadallo ka soo yeedhay xubno ka tirsan golahaas oo naqdiyay khudbadii madaxweyne Siilaanyo Arbacadii todobaadkii hore u jeediyay labada golle.
Xildhibaannadan oo kala ah Saleebaan Cawad Cali (Bukhaari) iyo Axmed Ducaale Bullaale ayaa si wada-jir ah u sheegay in loo baahan yahay in sharciga la mariyo xubnahan dhaliilay khudbaddii Madaxweynaha, taasoo taabanaysay waxyaabihii ay xukuumaddu fullisay, waxaanay u soo jeediyeen xildhibaannadaas mucaaridka ah inay ka waantoobaan hadallada meel ka dhaca ku ah qaranka.
Xildhaan Saleebaan Cawad Cali (Bukhaari) ayaa waxa uu tilmaamay in loo baahan yahay in sharciga la mariyo xildhibaannadaas naqdiyay khudbadii madaxweynuhu ka jeediyay labada gole wakiillada iyo guurtida, waxaanu yidhi, “Khudbaddii madaxweyne Axmed Maxamed Maxamuud (Siilaanyo) ka jeediyay golaha baarlamaanka waxay ahayd khudbad taariikhiya, waanan ku hambalyeynayaa madaxweynaha oo taabanaysay dhinaca kasta oo dalka ah, gaar ahaan jawaabtii uu siiyay madaxweynaha Soomaaliya.”
Saleebaan Cawad Cali (Bukhaari) waxa uu u soo jeediyay bulshada Somaliland inay eegaan horumarka ay xukuumaddu dalka ka fullisay, dhegna aanay u dhigin hadallada mucaaridka ka soo yeedhaya. “Waxa kale oo aan leeyahay bulshadu waa in ay eegtaa horumarka ee aanay u dabranaan qolo qolo iyo qoys qoys ama fikrad shakhsiyadeed, waxaan leeyahay xildhibaannadii shalay yidhi madaxweynuhu xaaladda dalka uma war hayo, waxaan u arkaa inuu dambiile qaran yahay, waajibka sharcigana la mariyo Maxamed Faarax Qabile, waxaan leeyahay wax walba siyaasad lagama dayo, oday weyn ayaad tahay ee duulduulka iska daa.” ayuu yidhi Xildhibaan Bukhaari.
Xildhibaan Axmed Ducaalle
Xildhibaan Axmed Ducaale Bullaale ayaa isaguna ku tilmamaay khudbaddii madaxweynaha inay taabanaysay meelo badan, “Waxaan u arkayay inay ahayd khudbad kooban oo taabanaysay meelo muhiim ah, waxaana ka mid ahaa dhismeyaasha waddooyinka iyo wixii la mid ah oo uu yidhi waxna waanu dhisnay, waxna waanu dhisaynaa.” ayuu yidhi xildhibaan Bullaale, waxaanu intaas ku daray isagoo hadalkiisa sii wata. “Siyaasadda arrimaha dibadana wuu ka hadlay waxaanan aaminsanahay hal mar wax walba kama hadli karo madaxweynuhu meelaha qaarna waa ka tagi karaa, arrimaha kalena meelo kale ayuu kaga hadli karaa, waana wax iska caam ah, hadal kasta oo nin siyaasi ahi jeediyo qofba meelbuu ka ursadaa.”
XIGASHO: WARGEYSKA DAWAN


http://samotalis.blogspot.com/

No comments: