30 April, 2014

HANBALYO HOGAANKA KULMIYE IYO XOGWARAN KOOBAN--AXMED CARWO


OGAANKA KULMIYE IYO XOGWARAN KOOBAN

AXMED CARWO

Waxa dhammaaday shirweyni xisbi xaakimka Kulmiye, xisbi sal balaadhan, loolan adag, rag iyo haween miisaan siyaasadeed lihi buuxshay, xisbi gogal xaadh badan, dhegeysi wacan, guddiyo badan, soo-jeed badan, tabco iyo xeelad badan, dimuquraadi fursado badan, tartanku furan yahay, haddana uruuris wacan. 

Waxa la rogrogay qaabab badan oo wax loo curto. Waxa la saadaaliyey tan ugu habboon, maan jeceleysan oo sibaan u arkaayey. Waxay noqotay mid cid meesha ka saaraysa cidna soo galinaysa. Talo se waxay la taala nin la tumay. Wey qaateen arrin ugub ku ah xisbiga, waxa qiimo weyn la siiyey cidda xisbiga ku cusub. Rag iyo haween hore cadhoode, badina laba halmaan. Mey hadhin oo waxay dhiibteen badheedhahooda, foodda ayaa leys daray. Waxay noqotay idinku cidda wax soo dhoweynaysa ayaa tihiin, cidda martida loo yahay yaa tihiin, cidda u baahan cududa ku soo biireysa ayaad tihiin.

Gar waaqsanay anagoo guuxayna. Ka hawl galnay sida cid marti loo yahay wax u soo dhoweyso. Habeenkii guuraynay, ka hawlgalnay soo uruurinta rayiga iyo roorayaasha. Sida xisbi kasta oo dimuquraadi ihi u dhaqmo u roornay oo doonay inaanu tartanka soo uruurini, xal u helno oo afgarad shirki horti la gaadho. Wax yar ayey dhacda dunida dimuquraadiga ah in shirweyne lagu tartamo, waxa lagu soo dhammeeya debedda oo loo kala hadha iyadoon leys jujuubin, ee tanaasul iyo is qancin ayaa guntu tahay.

Ku guuleysanay oo boos kasta u helnay qof kaliya oo buuxsha. Waxa xigta in loo helo oggolaanshaha shirweynaha oon la' aanti ayna suurtagal ahayn in la meel mariyo tanaasulkii debedda lagu soo dhammeeyey. Hawsha waxa gunteeda hayey Hoggaanka xisbiga iyo Xukuumadda. 

Waxa suurtagal ka dhigay inay soo afjaraan kala-maan dhexyaalay Hoggaanka iyo Koox Wasiiro ah, labada hoggaamiye Madaxweyne Axmed Maxamed iyo Guddoomiye Muuse Biixi oo ah rag muddo dheer rafaad iyo raaxaba isla soo maray, laba hoggaamiye oo aqoontooda khilaaf suulintu tahay mid taariikhi ah. Waa hoggaamiyaal kolkay cidhibta isla helaan aan cidi is hortaagin. Xeelad iyo tab yaqaano xadhiga siyaasadda meelo badan ka garaaca.

Wey timid goobteed iyo gole il yartu is qabatey waa xiligeedi. Guushii la soo dhiraan dhiriyey afaafka ayey isa soo taagtay.. Waa Siyaasi Gaafaadhe iyo taladii Qudhaanjada..habeen ka hor yaa taladeed la gaadhay, farxadda se waxa lala sugaayey Golaha..Mujaahid Maxamed Kaahin loo bannee jagadi bariga lagaga soo duulay. Gaafadhana qaaday go'aan ka dib kolkuu muujiyey inayna Beeshu ahayn mid afka la hayo ee ay tahay mid qof waliba hankiisa sheegan karo.

Waa halyeeyadi Basbaaso oo iyna sheegtay inay Shinidu tahay mid ilaashata midnimada iyo isku duubnida, Waxa barbarb taagan Xoghayaha Guud Xasan Saciid, waxay raacsaday siday ugu faraxday go'aanka Madaxweynha ee kootada Golayaasha ee haweenka..Haweenkana u dirtay fariin ah aynu is muujino kolka doorashadu timaado.

Waxa la sugaayey libaaxyada iyo reenkooda oo la maqlay ayaamihii ugu dambeeyey. Dhakhtarki soo kac kana sanqadhi lalo libaax oo Waabeeye oo ayaamahan hareeraha eegaayey mar kaliya dhoolo caddee, iyagoo gacmaha is haystana taaj libaax la saar.

Waxa la sugaaba waa coddeenti. Waa raggii hawsha soo waday oo xisbigu isla gartay inay yihiin hoggaankii guusha keenay xili adag oo la furay ururada. Xili la filaayey inuu wiiqmo wadajirka xisbigu, xili ururo reereysani soo baxeen. Waxaan la halmaamayn guusha xisbigu ka keenay dhammaan lixda gobol oon cidi u soo dhoweyn, si gaar ahna guusha Madaxweyne xigeenku ka keeney Gobalada Awdal iyo Salal iyo tan Guddoomiye Muuse ka hantiyey Gobalada Maroodi-Jeex iyo Saaxil, iya Guusha Maxamed Kaahin ka midho- dhaliyey Togdheer.iyo tan Tanlanye ka keenay Sool iyo Sanaag.

La weydii sida sharciga ah in ay jiraan cid diidani kolkuu gacmo tiro beelay ay u taagan haaa raaciyeena dhawaaq iyo sacab. Guddoomiyaha la waa cid kaliya oo maya tidha inta kalena waxaan faro ku tiris ahayn loo waa. Waa haa iyo haa aan maya iyo mooji meelna lagu sheegin.

Waa guulahaas kuwa dhaliyey in dib loogu doorto kooxdii guusha dhaklisay.

Hanbalyo iyo bogaadin diiran ayaan u diray Hoggaanka Xisbiga, waxaana na deeqday balanka aad u qaadeen inaydun dhowrtaan sharciyada xisbiga iyo qaranka, una hawl gashaan horumarka iyo midnimada qaranka. Waxaanu nahay tiirarka xisbiga ee la halmaamay, dulqaadkeed waanu leenahay, laakiin mar walba ahaan karimeynu inaanu noqon hangool.

Tanaasulka waxa ka hawlgalay hangooladi Kulmiye.Hangoolku reerka wuu soo oodaa, oo colkana wuu ka deyraa, cid ka baxdana wuu ka deyra.

Guul iyo Wadajir

Axmed Xasan Carwo



No comments: