05 February, 2014

TACSI KA TIMID LA-TALIYAHA MADAXWEYNAHA EE DHAQAALAHA MUDANE AXMED X. CARWO

TACSI: GEERIDA MARXUUM CABDIRISAAQ X. XUSEEN R/WASAARIHII HORE EE SOMALIYA LIXDANAADKII

Waxaan tacsi u diraya ehel, qaraabo, xigto iyo xigaal, iyo asxaabta Marxuum Cabdirisaaq X. Xuseen Alle ha u naxariistee, Raisal Wasaarihii hore ee Soomaliya lixdanaadkii. 
Waxduu ahaa siyaasi aad uga muuqday siyaasadda Soomaliya ilaa xiligii isticmaarka Talyaaniga. Waxuuna soo qabtay xilka Wasiirka Gudaha iyo R/Wasaare.

Waxa lagu xusuusta inuu ahaa xubinta kaliya ee Golaha Barlamaanka ahayd mucaarid doorashadii 1969, kolka intii kale ay dhammaan isku shubeyn xisbi xaakimkii SYL.

Cabdirisaaaq oo muddo dheer laaji ku ahaa dalka Maraykan oo uu ku dhintay Jimcihi 31 Jan, 2014   waxuu ahaa nin la socda  siyaasadda Soomaliya, isagoo mucaaridnimo iskaga casilay xilka safiirnimo oo uu noqday mucaarid lid ku ah xukunkii kelitaliska Siyaad Barre.Waxuuna maqaalo qaawiyey dilkii iyo xasuuqii loo geystay shacbiga Soomaliland uu ku soo bandhigay jaraaidka galbeedka isagoo si toos ah u dooxay macangagnimadii xukunkii keli-taliska aha.


Alle ha ha u naxariisto Marxuum Cabdirisaaq X. Xuseen hana ka yeelo kuwa dhaxla janatul fardaws, ehel iyo asxaabna heyna waafajiyo samir iyo duco. Aamiiin.

http://samotalis.blogspot.com/

No comments: