28 February, 2014

Madaxweynaha Jamhuuriyada Somaliland Mudane, Axmed Maxamed Silaanyo waxa u salaadii Jimcaha si kedisa kula tukaday


Madaxweynaha Jamhuuriyada Somaliland Mudane, Axmed Maxamed Silaanyo waxa u salaadii Jimcaha si kedisa kula tukaday Kumanaan ka mid ah Shacbi weynaha Reer Somaliland ee ku tukanaayey Masjidka Cali Mataan ee Badhtamaha Caasimada Hargeysa.


Madaxweynaha oo aan haba-yaraae wadan wax ilaalo ah, marka laga reebo Taliyaha Booliska Sareeye Guuto Cabdilaahi Fadal Imaan iyo Taliyaha Ciidanka Ilaalada Madaxtooyada Jamhuriyada Somaliland Gaashaanle Faysal Kaamil Ciise oo iyaga oon wadan Astaanta Ciidamada ama Dirays-ka ciidanka ayaa ku wehelinaayey Madaxweynaha kormeerkan, Salaada ka dib waxa uu madxweynuhu indho-indhayn iyo u kuurgelidba ku soo maray Suuqyada Ganacsiga, sida goobaha Safirka lacagaha,Dahablayaasha iyo Goobaha kala duwan ee ganacsiga.

Tani maaha markii ugu horaysay ee Madaxweynaha Qaranku uu ku soo kormeero xaaladaha kala Duwan ee shacbigisu ku sugan yahay, hadii ay noqon lahayd mid ganacsi iyo mid nololedba, balse waxa ay daba socotaa ka war haynta iyo xogogal u noqoshada shacbiga, isaga oo Madaxweynuhu xiliyada ku haboon ku soo maro meelaha ay shacbigu u badan yahay ama ganacsiga, isaga oo madaxweynuhu ka duulaya masuuliyada shacbiga, ayuu go'aansaday inuu la qaato Farxada maalinta Jimce ee ay Shucuubta Caalamu-islaamku ay kaga nasanayaan shaqooyinka gaar ahaan Shacbiga Caasimada Hargeysa.

Madaxweynaha oo salaada ka dib socdaal lug ah ku soo maray meelo muhiimka ah sida Laamiyada Caasimada, isaga oo ay wehelinayaan Wasiirka Arrimaha Dibeda Somaliland, Garyaqaanka Guud ee Qaranka, Xildhibaan Nacnac, Agaasimaha Guud ee Bank Somaliland iyo Maareeyaha Tv-ga Qaranka ayaa ka dib waxa uu ku soo Guryo noqday Madaxweynuhu isaga oo wata Baabuur Private ah, Qasriga Madaxtooyada.


Nazir Yusuf DAHIR




http://samotalis.blogspot.com/

No comments: