19 February, 2014

HESHIIS LAGA GAADHAY KHILAAFKII GOLAHA WAKIILADA OO LAGU GUNAANADAY KULANKA MADAXTOOYADA

HESHIIS LAGA GAADHAY KHILAAFKII GOLAHA WAKIILADA

Gudoomiyaha Wakiilada iyo Labadiisa ku xigeen+Xaaji Cabdi Waraabe oo kula kulmay Qasriga Madaxtooyada Madaxweyne Siilanyo iyo Guddoomiyaha Kulmiye.

Hargeisa--Gudoomiye cirro iyo labadiisa ku xigeen ayaa galay Qasriga Madaxtooyada ,kulana la yeeshay madaxweyne Siilanyo ka dib markii go’aankii guurtidu ku dhexdhexaadinaysay labadii garab ee gloha wakiildu u kala fadhiyey yeedhisay,layslana qaatey.



Gudoomiyaha wakiilada iyo ku xigeenadiisa oo ay wehelinayaan Xaaji Cabdi Waraabe iyo xubno kale oo ka tirsan golaha Guurtida ee waday hawlahii dhexdhexaadinta ayaa si wadajira ula kulmay madaxweyne Siilanyo oo uu dhinac fadhiyo Muuse Biixi, Guddoomiyaha Kulmiye.

Isku sooo wada duuboo ujeedada kulanka madaxweyne siilanyo ay ugu tageen Qasrigiisa Gudoomiye Cirro iyo labadiisa Ku xigeen ayaa  muujinaysa in heshiis laga gaadhey ama la soo afjaray khilaafkii muddaba dhex taagnaa golaha Wakiilada oo bulshadu aad ugu dheg taagaysay.
http://samotalis.blogspot.com/

No comments: