19 February, 2014

Golaha Guurtida oo soo Gabo-gabeeyay Khilaafkii Golaha Wakiiladda

Golaha Guurtida oo soo Gabo-gabeeyay Khilaafkii Golaha Wakiiladda



Hargeysa (Somaliland.Org)-Fadhigii golaha wakiilada oo uu shirgudoominayey gudoomiyaha golaha wakiilada Somaliland Mudane C.raxmaan Maxamed C.laahi Cirro ayaa Maanta ka Qabsoomay Xarunta Golahaasi isla Markaana laga soo saaray Go’aano Xal u noqonaya Murankii Cakirnaa ee Ka Dhex Jiray Aqalka Wakiilada .

Ku Simaha Gudoomiyaha Golaha Guurtida ahna Gudoomiye ku Xigeenka 1aad ee Golahaasi Mudane Siciid Jaamac Cali ayaa Madashii fadhigaasi ka Akhriyay Go’aan ay ka soo saareen Hawshii dhex dhexaadinta ahayd ee Gudida Guurtidu ku hawlanayd .

Xaaji Cabdi Xuseen “C.waraabe” oo Fadhigaasi Hadal dheer ka soo Jeediyay ayaa Mudanayaasha Golaha Wakiilada hoga Tusaaleeyay Xilka dal iyo dadba taabanaya ee ay u hayaan Somaliland, Waxa uu Xaaji Cabdi Xuseen Sheegay in Go’aanka ay Gudi ahaan Soo Saareen Cida ku Guulaysataa ay Noqonayso Cidii Tanaasul samaysa ee Qaraarkooda ajiibta.

Markaas kadib Waxaa Mikirifoonka la Wareegay Ku Simaha Gudoomiyaha Golaha Guurtida ahna Gudoomiye ku Xigeenka 1aad ee Golahaasi Mudane Siciid Jaamac Cali Waxaanu Xildhibaanada Golaha Wakiilada ka hor akhriyay Nuxurka Go’aanka ay ku soo afjareen Khilaafkii ka dhex taagnaa Mudanayaasha Golaha Wakiilada kaas oo uu ku sheegay in Tirada lagu ridi karo Xubnaha Shirgudoonka oo ka Kooban Gudoomiyaha iyo labadiisa ku Xigeen ay ka dhigeen 42 Cod Midkiiba, Sidoo kale Waxa uu ku Cadeeyay Qaraarka dhex dhexaadineed inaan la keeni Karin Golaha Mooshin ku saabsan Xil ka qaadis lagu sameeyo Xubnaha Shirgudoonka Mudada ka hadhay Xilkooda,hadii aanay ka Hor Iman Xeer hoosaadkooda.

Si kastaba ha ahaatee, fadhigii golaha wakiilada ayaa lasoo xidhay iyadoo labada garabba ay aqbaleen go’aanka guurtida golaha wakiilada Somaliland.

Gudoomiyaha golaha wakiilada Mudane C.raxmaan Maxamed C.laahi Cirro ayaa Gaba Gabadii Waxa uu ku dhawaaqay in Golaha wakiiladu fasax Lana Bilood ahi uu Maanta u bilaabmay.









http://samotalis.blogspot.com/

No comments: